Suldaan Si Adag U Naqdiyey Qaar Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Bariga Hargeysa Oo Uu Ku Eedeeyey In Ay Qabyaalad Wadaan
Burco (Hubaal)- Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar ka mid ah Odayaasha beesha Bariga Hargeysa dhaliilay isaga oo ku eedeeyey in ay qabyaalad wadaan ee aanay dadka u diidayn qabyaalad. Suldaanka ayaa Wasiirka Cali Maxamed Warancadde ku tilmaamay Wasiir isagu ka Baahi badan wasiirrada kale ee Somaliland oo haddii xilka laga eryo aanu waxbaba u helayn Libaaxyada badan ee uu dhaqday.
Wasiir Maxamed Muuse Cune oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Aniga oo ah Suldaan Maxamed Muuse Cune waxa igu kallifay in aan saxaafadda la hadlo qolo xalay (Habeen Hore) saxaafadda ka hadashay oo sheeganaysay Madax dhaqameedka Beesha Bariga Hargeysa kuwaasi oo ka hadlayay qabyaaladda in la baabi’iyo oo aaan lagu dhaqmin aadna uga hadlaysay. Arrintaasi ayaa igu kalliftay in aan maanta hadlkan ereyo kooban ka idhaa”.
Wasiir Cune oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Horta Qabyaaladdu waa wax xun Ilaahayna SWT wuu neceb yahay, Bani Aadamkuna wuu neceb yahay oo qabyaaladdu waa shay aan wanaagsanayn, sidaa darteed annaga ayaa rabna in qabyaaladda la suuliyo laakiin waxa aan qoladaa halkaasi ka hadlaysay ku qoonsaday oo aan aad ula yaabay haddii ay qabyaalad suulinayaan waxa loo baahnaa in ay marka hore Somaliland Salaadiin badan ayay leedahay oo reer walba way ku jiraane in ay horta isku yimaadaan iyaga oo isu dhan af kali ahna ku hadlaya oo ay yidhaahdaan waar qabyaaladda hallaga hadho oo iska daaya umaddana ka waaniyaan iyaga oo isu dhan”.
“Odayaashaasi waxa ay sheegteen odayaasha Bariga Hargeysa, waxaan hadaba umadda waydiiyey odayaashaasi ma qabyaaladdii ayay fogeeyeen mise iyaga ayaa soo kiciyey oo buunbuuniyey. Odayaashaasi iyaga ayaa soo kiciyey ayaan qabaa oo umadda u diidaya wax ay ku dhaqmaan. Cadaabta ayaa lagu lagaa in aad umadda wax u diiddo adna aad samayso. Waxaan aaminsanahay in Cali Waran Cadde soo ururiyey. Cali Maxamed Warancadde waxaan ku odhan lahaa Caliyow haddii adiga lagu eryo Wasiirrada kale waad ka baahi badan tahay. Sababta oo ah wasiirrada kale iyagu reerkooda iyo ubadkooda ayay daryeelayaane adiga Macal Libaaxyo ayaa kula socda oo kuwaasi ayaanad waxbaba u helayn aad siiso haddii xilka lagaa eryo. Waxaan ku odhan lahaa adigu is ilaali oo dantaada iyo waxa laguu diray ee lagaa rabo qabo oo kali ah oo muusanowga iyo talaayeeyda dadka ka daa”