AKHRI: Warbixin Caalami Ah Oo Somaliland Ku Tilmaantay Xudunta Ganacsiga Xayawaanka La  Koontarabaaniyo+-       Harimacadka Oo Dunida Ka Sii Dabargo’aya Iyo Inta Laga Dhoofiyo Xeebaheena+DAAWO Sawirrada Duur-joogtena La Iibsaday

0
80

Geneva, Switzerland, (Hubaal) – Hay’ad Caalami ah oo ka ololaysa ka ganacsiga xayawaanada sii dabar-go’aya, ayaa ka digtay khatarta ay duur-joogta ku hayso ka ganacsiga Harima-cadka oo ay sheegeen si xoog badan looga dhoofiyo Mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Somaliland.

Warbixin ay baahisay hay’ad la yidhaahdo “Convention on International Trade in Endangered Species (Cites)”, laguna soo bandhigay shir caalami ah oo ka dhacay Geneva toddobaadkan ayaa lagu sheegay in duur-joogta Harima-cadka si aad ah loogu koontarabaaniyo Wadamada Bariga Dhexe si dad gaar ahi u rabaystaan, taas oo ay warbixintu ka digtay in ay gacan-siinayso inuu ka dabar-go’ tirada yar ee Harima-cadka ah ee dunida guudkeeda ku sugan.

Figures of Cheetah 1Waxay warbixintani sheegtay in inta ugu badan Harimacadkan laga koontarabaaniyo Mandaqadda Geeska Afrika.

“Tiro aad u badan oo ka mid ah Harimacadka ayaa ku dhimata wakhtiga la koontarabaaninayo” Sidaas waxa yidhi Nick Mitchell oo ah isu-duwaha Bariga Afrika ee Barnaamij la yidhaahdo  Rangewide Conservation Programme for Cheetah and African Wild Dogs, kaas oo ka qayb-qaatay warbixintan.

“Somaliland waa xudunta dhoofinta sharci-darada ah ee dalalka Khaliijka Carabta loogu dhoofiyo Harima-cadka. Xayawaankan waxaa Doonyo loogu koontarabaaniyaa xeebaha dalka Yemen, kadib waxaa gaadiid loogu gudbiyaa xuduudaha dalka Yemen” ayaa warbixintan lagu sheegay.

Sidaas darteedna waxa uu Mitchell ka digay dabar-go’ ku yimaada Harimacadka oo tiradiisu dunida ku sii yaraanayso, waxaanu yidhi: “Ganacsigan Harimacadka ayaanay gebi ahaantiiba dhaadin bulshada caalamka iyo hay’adaha daneeyaaba. Haddiise aynaan hadda talaabo ka qaadin ka ganacsiga iyo ka gudbinta dhulkiisa, waxaa hubaal ah inaynu wakhti yar gudihii ay waayi doono xayawaan sumcad badan leh.”

Waxa kale oo warbixintan lagu sheegay in 15 nooc oo ka mid ah Harima-cadka oo tiradooda lagu qiyaasay 2,500 oo da’doodu qaan-gaadh tahay ay gacanta u gashay kooxaha koontarabaaniya duur-joogta.

David Morgan, oo ah Madaxa Waaxda Sayniska ee hay’adda CITES, ayaa sheegay in dawladaha Bariga Dhexe si cad uga hadleen khatartan, “Taasina waa talaabo horumarineed oo la qaaday. Dalalka Qatar, Imaaraadka iyo Kuwait waxay dhammaantood aqoonsadeen dhibaatadan” ayuu yidhi David Morgan.

Figures of Cheetah 1-vert

Sida warbixintan lagu sheegay guud ahaan dunida waxa la rumaysan yihiin inay wakhtigan xaadirka ah ku sii sugan yihiin in ka yar toban kun (10,000) oo Harima-cad ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here