AKHRI: Warbixin Ku Saabsan Mawqifka Guddoomiyaha KULMIYE Ka Istaagay Ka Taagan Yahay Xaallada Abaarta iyo Doorashada+SAWIRRADII Kulanka Musharraxiinta

0
58

AKHRI: Warbixin Ku Saabsan Mawqifka Guddoomiyaha KULMIYE Ka Istaagay  Ka Taagan Yahay Xaallada Abaarta iyo Doorashada

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisa eek u aaddan adag ee ka jirta dalka iyo qabashada doorashada oo waqtigeedu ku beegan yahay 28 March 2017.
Guddoomiye Muuse Biixi oo la hadlay warbaahinta kadib markii uu dhammaaday kulan maanta madaxda saddexda xisbi Qaran ee KULMYE, UCID iyo WADDANI ka yeesheen waxa laga yeelayo xaaladda abaarta saamaysay dad iyo duunyaba iyo doorashada kaabiga soo saartay, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay mudnaanta kowaad u arkayaan gurmadka abaarta iyo shacabka jilicsan, taas oo ay horeba si xoog ah u wadeen.
“Marka hore waxaannu isku raacsanahay inay dalka ka jiraan abaaro baahsan oo dalka oo dhan caam yeelay oo aad u culus oo aynu Ilaahay ka rajaynayno inuu innaga dulqaado, innagu bani’aadam baynu nahay wax kastoo aynu qabanaa waxba tarimaayo ee Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu ummadda dhibaatadaa ka dulqaado. Labada qodob baanu isla soo qaadnay oo kala ah; abaarta iyo doorashada, mid waanu isku raacsanahay oo xukuumadda, xisbiyada iyo dadweynaha dhammaanteen in aynu u guntanno oo loo midoobo abaarta oo dadkaa loo gargaaro waanu ka midaysanahay, waxaannan filayaa qof kasta oo Somaliland ah oo damiir lihina taas nagala midaysan yahay, taasina waa inoo ballan dhammaanteen, waxaana hormood ka noqonaya xukuumadda,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay inay xukuumaddu door laxaad leh ka qaadatay gurmadka abaarta oo ay weli waddo, isla markaana ay haatan u qorshaysanyihiin tallaabooyin muhiim ah oo dadka tabaalaysan loogu gurmanyo, waxaannu yidhi, “Xukuumaddu horena dadaal badan bay uga gashay abaarta, haddii ay tahay Ceelal la qodo, kuwa dib loo hagaajiyo, haddii tahay gurmad Raashin, dharka dhaxanta iyo dadaal badan baa la galay, laakiin mar walba baahidaa ka weyn, imikana intaanu ognahay waxa xukuumadda u qorshaysan inay xoogga ugu badan saarto ceelal la qodo oo waxa la qorshaynayey in la iibiyo Booyado badan, waayo biyihii la dhaaminayey waxa ka qaalisan kiradii booyadaha, markaa in xukuumaddu toddobaadkan booyado badan iibiso oo loogu dhammaayo dadka meelaha fogfog jooga, waxa jirta in xukuumaddu qoondaysay miisaaniyad dadka xooluhu ka baxeen ee lagu soo ururinayo meelaha biyaha leh raashinkoodii dhawrka bilood ee soo socda, hawshaasna muxaafid iyo mucaaridba waanu ku daba joogaynaa xukuumadda inay tallaabooyinkaasi sii xoojiso, xisbiyadana waanu ku heshiinay in loo gurmado abaarta.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE caddeeyey mowqifka xisbiga iyo xukuumaddu ka taagan yihiin doorashooyinka soo socda oo labada xisbi mucaarad dalbanayaan in dib loo dhigo oo muddo-kordhin la sameeyo, waxaannu sheegay in arrintaasi ay u daba fadhiisanayaan hay’adda ku shaqada leh ee Komishanka Doorashooyinka.
“Doorashada, Laba ra’yi ayaanu maanta isku keenay, annaguna haddaanu xisbal-xaakimkii nahay waxaannu istaagnay mowqifka ah waxa inoo haya doorashada waqtiga la goynayo iyo ka hadalkeeda Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyagaa xaaladda qiimayn kara, iyagaana ku dhawaaqi kara oo odhan kara sidaas halla yeello, kaas ayaanu u hoggaansamaynaa haddaanu xisbal-xaakimka iyo xukuumadda nahay, markaa xilkaas aynu u dayno qoladaas, wixii ra’yi ahna iyaga ha lagu kordhiyo.
Qolada kale arrin taas ka duwan bay keeneen, annaguna waanu ku ixtiraamaynaa, waana daw in aynu xisbiyadu mararka qaarkood ra’yiyo kala duwan kala qaataan, waxaanuse dhammaantayo isla ogolnahay in aynu ka talino wixii dalkeena iyo ummaddeena u dan ah oo ay taasi mar walba muhiimada koowaad noqoto oo aynu arrinta isugu keeno wixii dalkeena iyo dadkeenaba wax u taraya,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Guddoomiye Muuse Biixi mar la waydiiyey sida uu u arko eedaha mucaaradka ee ah in xisbiga iyo xukuumaddu ka gaabiyeen gurmadka abaarta, waxa uu ku jawaabay, “Annagu waxaannu leenahay wax walba ha laga hormariyo abaarta, horena waanu ugu jirnay gurmadkeeda, qolo aan labadii bilood ee u dambeeyey ka degin diyaarad iyo huteel ayaa nagu cannaananaysa looga gurman abaartii, annagu dadka waanu dhex joognay oo annaga ayaana ugu xogogaalsan, xukuumad iyo xisbiba lambarka kowaad baanu ka nahay gurmadka abaarta.”

 

vlcsnap-2017-01-10-18h53m10s657

vlcsnap-2017-01-10-18h53m49s164

vlcsnap-2017-01-10-18h54m18s549

vlcsnap-2017-01-10-18h54m26s347

vlcsnap-2017-01-10-18h54m37s861

vlcsnap-2017-01-10-18h54m46s229

vlcsnap-2017-01-10-18h55m10s366

vlcsnap-2017-01-10-18h55m18s541

vlcsnap-2017-01-10-18h56m05s827

vlcsnap-2017-01-10-18h56m33s222

vlcsnap-2017-01-10-18h58m27s388

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here