AKHRI: Warbixin Xiiso Badan Oo Jariiradda Indian Ocean Ka Qortay Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi X. X. Cali Iyo Ku Biiristiisa Xisbiga WADDANI

0
112

xirsi

Hargeysa (Hubaal) Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa todobaadkan warbixin xiiso badan ka qoray ku biiriddii Wasiirkii hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ku biiray xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Wargeyska ayaa Sabtidii dhawayd boggiisa siddeedaad kaga warramay saamaynta taban ee Xirsi ku keeni karo xisbiga Waddani.Warbixintan oo Hubaal af-Soomaali usoo turjumay ayaa u dhignayd sidan:

“Kaddib isku-daygii inqilaab ee bishii Oktoobar 2015-kii, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Soomaalilaan Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar keliya ka soo dhex mudhay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani isla markaana ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalilaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Xirsi u xushay inuu ahaado Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani 5tii bishan. Walaacyada laga muujiyay Xirsi ayaan ahayn qaar sii jiitamay ba –  dawladda Itoobiya ayaa markiiba walaac ka muujisay Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana iyana meesha ka maqnayn, isla markaana si dhow ula socda dhaqdhaqaaqiisa, Sirdoonka Maraykanka iyo Itoobiya, sababtoo ah waxa uu ku lug lahaa Urur diimeed laga sameeyay Burco sannadkii 2008dii.

warbixinta-xirsi-laga-qoray

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here