AKHRI: Warbixin Xiiso leh oo uu qorey Sarkaal Ruug-caddaa Sirdoon ah Oo Ku Saabsan Xog Xasaasi ah oo ku saabsan Sida ay Dawladuhu u Qaybsadeen dalka Soomaaliya!

0
113

AKHRI: Warbixin Xiiso leh oo uu qorey Sarkaal Ruug-caddaa Sirdoon ah Oo Ku Saabsan Xog Xasaasi ah oo ku saabsan Sida ay Dawladuhu u Qaybsadeen dalka Soomaaliya!

Xog Xasaasi ah: Dingiinta Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Damaca Dawladuhu ku qaybsadeen & Doorka Baahida Waddaniyadda!
Xog Xasaasi ah: Dingiinta Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Damaca Dawladuhu ku qaybsadeen & Doorka Baahida Waddaniyadda!
Dabayaaqadii sannadkii tagay ayaa waxaa Telifoon iisoo diray Taliyaha Amniga Dal Carabta Afrikaad ah oo aan isku dufcad ahayn Markii ay Dawladdii Soomaaliyeed Magaalada Mosko ee dalka Ruushka tacliinta iigu dirtay, in kastoon arday wada ahayn hadana markii loo dhiibay Ammaanka dalkiisa wuxuu dhawr jeer jeclaystay inaan kasoo tago Dhulka Raafidaynn iyo Bariga dhexe oo aan Bare ka ahaa una soo guuro Afrika barana ama macalin aan ka noqdo, waan iska diiday duruufo jiray walina jira dartood, hase yeeshee 3 Jeer ayaan wax ka layliyay ama tababarey Saraakiil lagu biirinayay xoogaga Ammaanka Dalkaas.

Bil ka hor ayuu igu marti sooray Dalkiisa, inkastoon da’ 70-aad kor u dhaafay, Albaabkii Aakhirana aan taaganahay nolosha Adduunna aan isaga qash dhacay oo aan xiiso u heyn, hadana kamaan raja beelin inaan arko Madax Soomaaliyeed oo ugu yaraan Dhaqan Soomaaliyeed leh, kala garanaya Qofka Soomaaliga ah iyo kaan ahayn siday u kala mudan yihiin.

Taliyaha aan iska diiday inaan Magaciisa iyo Dalkiisaba idiin sheego wuxuu ii dhiibay Qoraal ka kooban 5 Bog oo laga soo xulay war ay soo tabiyeen Saraakiisha wardoonka ee Hay’addiisa, Nuxurku wuxuu ahaa Doorashada Soomaaliya iyo sida ay Dawladaha danta ka leh u arkaan: Dowladda Itoobiya iyo Kenya waxay ka midaysan yihiin wer-werka ay ka qabaan in la doorto Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, sababta ugu waynna waxaa weeye hamigiisa Siyasadeed waxaa ugu horreeya dhismaha Xooggii Dalka Soomaaliyeed, arrintaasna masaalixda labadaas dal uma adeegayso, sidoo kale Shacabka ayaa xoog u taageersan, hadduu Madaxwayne noqdo waxaa suuragal ah inuu ka faa’iidaysto Taageerada Shacabka una sahlaysa inay dawladdiisu beddesho aragtida xooggaga mayalka adag.

Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay ku dedaalaysaa Musharraxiinta Qoyska guud ee u kasoo jeedo Farmaajo in laga horistaago labada xil ee ugu sarreeya dalka, hadduu xukunka qabto way adkaanaysaa in ay Imaaraadka Carabtu gacan ku yeeshaan Maamulka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya; sida Masar si loola dagaallamo dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin ( Al Islaax ) oo dhinaca waxbarashada awood ballaadhan ku leh.

Dawladda Masar waxay ku hamiyrysaa inay yeelato Beeraha ku teedsan Wabiga Shabeelle, waxayse cabsi ka qabtaa isbeddelka dhacaya. War laga keenay Qaahira wuxuu muujinayaa dhaqaalaha Masar inaanu u wanaagsanayn in Farmaajo kusoo boxo doorashada, sidaa awgeed Xukunka Askarta ee Masaaridu waxay ka codsadeen Imaaraadka inay dhaqaale fiican ku bixiyaan sidii loo soo saari lahaa Nin aan ahayn Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Laakiin, Qabiil ahaan ay reerka guud isla yahiin; si aanay suuragal u noqon inuu Farmaajo mar kale noqdo Ra’iisal-wasaare. Sidoo kale Wasiirkiisii Waxbarashada Dr. Cabdi Nuur Sheekh Maxamed oo reer Hiiraan ah, ayaa lagu sheegay inuu dhawaanahan waday olole xoog leh. Laakiin, lama sheegin cidda uu la siyaasad yahay.

16105950_1109785612465778_600479067967560296_nFariimaha qaar ayaa lagu sheegay intuu ahaa Farmaajo Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya sannadkii 2010-kii, waxaa ka mid ahaa qorshihiisa in la xakameeyo Cuntooyinka lasoo dhoofsado, lana kobciyo suuqna loo yeelo kuwa dalka laga soo saaro iyadoo la hirgalinayo warshado yar yar oo saamileeyda Soomaali ah leeyihiin. Hadduu qorshahaas la yimaado mar kale waxay adkayn doontaa rajada ay Masar ka leedahay Hiiraan iyo Wabi shabeelle Beeraha ku yaalla.

Warqadaas sidoo kale, waxa uu ku sheegnaa Baadiyoow oo lagu sheegay inuu yahay Nin ay Imaaraadku si xoog ah u diidan yihiin oo Madaxwaynaha wakhtigu ka dhammaadayna ay isku reer yihiin, waxaa sidoo kale la sheegay Jibriil Ibrahim Cabdulle oo ay ku qeexeen inuu yahay ( علماني متطرف ) oo loola jeedo Cilmaani Xagjir ah, inkastoo uusan lahayn khibrad uu ku hoggaamiyo Soomaaliya, haddana waxa lagu sheegay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo ay Wasaaradda Difaaca Mareykanku layliday ama tabobbartey, waxaa suura gal ah inuu guulaysto marka lagu qiyaaso Qoyska uu kasoo jeedo, haddii ay Xildhibaannadu u bataan in la rido Madaxwaynaha haatan jira, isla markaana lagu beddelo Nin ay isku Qabiil yihiin, waa Ninka ugu dhaw ee kusoo bixi kara marka lagu miisaamo qabiil, haddii uu soo boxo waxay qabaan Saraakiisha Ammaanka ee Kenya inuu kordhayo iska hor-imaadka hubaysan ee ku dhisan caqiidada, taasoo Ragga Ammaanka Kenya ay qabaan inay kaalin fiican ka qaadan karto geeddi-socodka Keenyaynta Kismaayo, taasoo ay rabaan inay dhacdo Saraakiisha Kenya 25-ka sano ee socda.

Farriinta Imaaraadka waxaa xoog loogu adeeg saday erayga; ‘Faragalinta Qaawan ee Turkiga’ inaan loo oggolaan Soomaaliya iyo ka faa’ iidaysiga suuqa Soomaaliya, kaasoo yareeyay dalabkiisii Imaaraadka uga imaan jiray tan iyo intuu Turkigu faraha la galay Siyaasadda Soomaaliya, sidoo kale Turkigu wuxuu kala dhantaalayaa ‘Awoodda iyo Midnimada Ummadda Carbeed sidaa awgeed waa inuu Golaha Iskaashiga Khaliijku si wada-jir ah u waajahaa Khatarta Cusmaaniyiinta cusub’ ayaa lagu yidhi farriinta Imaaraadk.

Farriin ka timid Geeska Afrika oo aan is idhi isha warkaas waa Soomaalida ku xeeran Soomaaliya, ayaa ku sheegtay Sheekh Shariif inuu yahay Nin nasiibku siiyay mar inuu noqdo Madaxwayne, laakiin ay aad u adag tahay inuu mar kale helo cid maqasha, doorashadana waxaa adag inuu kasoo gudbo wareegga 1aad. ‘Maslax Maxamed Siyaad riyaduu ku jiray ayuu Sheekh Shariif ku jiraa doorkan’ ayaa lagu sheegay Xogtaas.

Waxaase aad ii xiisa geliyay warbixin ka timid Addis Ababa, Itoobiya; ‘Dawladda Itoobiya aad ayay ugu adag tahay xilligaan inay qiyaasto cidda kusoo baxaysa, sababtuna waxaa weeye, Xildhibaannada waxaa lagu soo doortay si ka duwan hannaankii hore, waxaana meelo badan kasoo baxay dhalinyaro aan la aqoon, badankoodna aan wax balwad ah lagu ogayn, sidoo kale waxay Itoobiya aamminsan tahay Laaluushku inaanu shaqayn doonin marka la gaadho wareegga labaad, waxaana suuragal ah haddii uu Farmaajo wareegga labaad uu soo gaadho inay adag tahay in la loodiyo, Xildhibaanno badan oo dhalinyaro ah ayaa lasoo doortay ha ku yimaaddeen laaluush iyo lacago inta badan laga helay Madaxwaynaha hadda xilku ka dhammaaday iyo kuwa gobollada, sidoo kale Xildhibaanno badan oo lacag ka qaatay Madaxwayne Xasan ayaa la ogyahay in ay codkooda siin doonaan cid kale. Isku duuboo Itoobiya waxay aamminsan tahay hadduu Maxamed C/llaahi Farmaajo kasoo gudbo wareegga 1aad inuu yahay Madaxwaynaha 4-ta sano ee soo socota Magaalada Xamarna waxaa hubaal ah markaas in ay weji cusub yeelan doonto.”

Doorashada Hargeysa ka dhacaysa ayaa ku sheegnayd warbixinta Sarkaal Kiiniyaan ah, oo u sheegay Wardoonka ama Sirdoonka inay ku faraxeen Itoobiyaanku sidii loo galay Jamaal Cali Xuseen oo la aamminsan yahay inuu yahay Nin dhalinyar ah marka loo eeggo Ragga haatan baratamaya, kana aqoon badan, dhaqaalaha gobalkana wax ka beddeli kara. Laakiin, wuxuu Sarkaalka Keniyaanka ahi yidhi; ‘Ciise Masiix ayaa Faysal Cali Waraabe ku salliday’. Isagoo hadlaya ayuu yidhi; ‘Ma ogtahay Soomaalida aqoon kama shaqayso ee Qabiil ayey ku shaqeysaa, xitaa Diintooda Islaamka waxay ka jecel yihiin Qabiilkooda’. Sarkaalkan oo lagu koobay magaciisa Charles kana mid ahaa Ciidanka Ammaanka Kenya wuxuu sheegtay asagoo cabsan inuu ahaa Ninkii maamulayay Guddiga Xalinta Khilaafaadka markii lasoo dhisayey Baarlamaanka, waxaanu sheegay inay lacag taallo Soomaaliya; ‘Ma ogtahay in Ciidanka Kenya ay Kismaayo iyo Xamar jidka u dhexeeya xidheen, Ganacsatadana waxaa loo fududeeyay inay toos Kenya alaabtooda u keenaan, muddo ka dib Kismaayo Kenya ayay iska noqon doontaa’ ayuu yidhi Charles oo qoslaya.

Gunaanadka: Xildhibaannada haatan gacantooda lagu meeriyey masiirka dalka Soomaaliya, waxaa saaran waajib culus, inay doortaan cidday ku aammini lahaayeen inuu Ubadkooda nolol karaamo leh u diyaariyo, inay ku Hoggaamiyaan dalka Berri marka qoorta naloo laabo, inaad laaluush gurataan dalkana dayacdaan, Jiilalka danbe ayaa idinku Nacadali doonee, Xildhibaanoow Codkaaga maanta ayey tala kula joogtaaye Dalkan la dulleeyay ugu hiili.

F. Xiirane NNS1976 – 1991

Cabdullaahi Nuur Colombo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here