AKHRI: Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Qirtay Warbixin Ay HUBAAL MEDIA Soo Xigatay Oo Ku Suntan In Somaliland Xuddun U Tahay Dhoofinta Sharci-darrada Ah Ee Xawayaanka Harimacadka+Akhri Warbixinta Hore

0
34

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa qirtay in ugaadhsiga duur-joogta, gaar ahaan xayawaanka harimo-cadku ka jiro dalka, lagana dhoofiyo degaannada xeebaha ah.

Ururka Daryeelka Noolayaasha sii Dabar Go’aya ee Adduunka (Convention on International Trade in Endangered Species (Cites), ayaa warbixin uu soo saaray toddobaadkan ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland xuddun u tahay ka ganacsiga iyo dhoofinta sharci-darrada ah ee xayawaanka Harimo-cadka oo ka mid ah noolayaasha adduunka ka sii dabar-go’aya.

Ururku waxa uu sheegay in xayawaanka Harimo-cadka laga dhoofiyo Somaliland loo tallaabiyo dhinaca waddanka Yemen, laguna qaado doonyo ka taga dhulka xeebaha, kadibna loo sii gudbiyo dalalka Gacanka Carabta oo iibka sharci-darrada ah ee xayawaankaasi ku xooggan yahay, iyadoo warbixintu xustay in ilaa 10 kun oo qudha oo xayawaankaas xilligan ku nool yahay daafaha dunida, loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa inuu caalamka ka dabar go’o.

 Guji Halkan Si Aad U akhrido Warbixinta HUBAAL Ee Ay WAsiirradu U Marag Furtay9 WARBIXIN CAALAMI AH OO SOMALILAND KU TILMAANTAY XUDUNTA GANACSIGA XAYAWAANKA LA KOONTARABAANIYO+- HARIMACADKA OO DUNIDA KA SII DABARGO’AYA IYO INTA LAGA DHOOFIYO XEEBAHEENA+DAAWO SAWIRRADA DUUR-JOOGTENA LA IIBSADAY)

Hase ahaatee wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo saxaafadda ugu warrantay shalay magaalada Hargeysa, waxay xaqiijisay in Harimo-cadka iyo ugaadh kaleba sifo sharci-darro ah looga dhoofiyo xeebaha Somaliland, laakiin ay muddooyinkii u dambeeyey arrintaas wax badan ka qabteen, digniino adagna ka soo saareen, iyadoo cidda arrimahaas lagu qabto ciqaab adag la marsiin doono.

“Waxaad mooddaa in lixdii bilood ee u dambaysay inay isa soo taraysay arrintani, run ahaantiina horta waxna waa ay ka jiraan oo marka la leeyahay waa la dhoofiyaa (Harimo-cadka) waa la dhoofiyaa oo Harimacadkuba wuxuu ka tagaa (laga dhoofiyaa) xeebaheenna qaar ka mid oo uu ka baxaa. Marka la soo qabto amma soo qabsadaan halka ay inta badan u sii dhoofiyaan waxay noqotay inta badan waa dalka Yemen, kadibna waddamo kale ayaa loo sii dhoofiyaa.

innagu ka dawalad ahaan intan uu baraarugeedu fara badatay maxaa aynnu ka qabannay? Waana taas ta aduunyadu aanay la socon ee aynnu ka qabannay ama aannu damacsannahay in aannu ka qabanno oo sii xoojinno ayaa aanay weli la socon adduunku. Bishii September ee sannadkii 2013-kii baaq ayaannu soo saarnay aannu ku joojinaynay waqtigaasi in aan la dhoofin karin ugaadha, qofkii lagu qabtana in maxkamad la soo taagi doono iyo in la ganaaxayo, lana qasirayo. Baaqaas in badan ayaannu ku celcelinaynnay warbaahinta, imminkana waxaannu soo saarnay warqad kaloo lagu xoojinayo digniintaas hore, waanan ku celcelinaynaa in ugaadhsiga Harimo-cadka iyo duur-joogta kaleba sharci-darro yahay, ciddii lagu qabtana ciqaab ayey mudanayaan,” ayey tidhi marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka-degaanka-ShukriWaxa kaloo ay ka sheegtay in wasaaraddeedu ku hawlan tahay qorshayaal lagaga hortagayo xaalufka dhirta, waxna lagaga qabanayo dhuxulaysiga baahsan ee dalka ka jira, iyadoo xustay inay dalka yimaaddeen shoolado beddel u noqon kara dhuxusha wax lagu karsado, waxayna tidhi; “Waa aynnu la soo bilawnay in aynnu dhuxushan wax ka qabanno, waayo waxaynnu badbaadinaynaa waa kaymihii iyo dhirtii. Dalkeennu waa dal saxare-u-eeka ah oo had iyo jeer waa dalalka la yidhaa saxaraha ayaaba uu ku dhawyahay oo roobkuna uu aad ugu yar yahay, waxna  markhaatiba inoo ah abaarahan waddankiiba aad moodo in uu sii galayo roob yaraan. Haddaba,  si aynu kaymihii iyo dhirtii u badbaadinno waa in aynnu helnaa dhinacii kale oo aynnu kor u soo qaadnaa in aynu helno shoolado ama wax inoo beddela oo ah tamar inoo beddesha dhuxusha, arrintaasina meel wanaagsan ayey maraysaa, dadkuna waxaad mooddaa inay imminka la soo qabsanayaan tamartii dhuxusha lagu beddeli lahaa, wacyigalin fara badanna waannu ku samaynnaa, magaaladana waxooga ayaa loo keenay shooladihii oo kala-jaad ah oo toddobaadkan aynnu ku jirnana waxa la keenay shoolado yaryar oo runtii laga isticmaalo Itoobiya, buug yarna waay wadataa, si fiicanna wax ayey kuugu karinaysaa, sicirka ay Itoobiya ka taagan tahayna waa ilaa $20 doollar, markaa imminka tijaabo ayaa loo keenay oo dadkeennii ayaa marba wax keenaya, weliba tani reer miyigana aad ayaa ay u anfacaysaa,” ayey tidhi wasiirku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here