AKHRI Weedha HUBAAL Media: Ma Haysaa Su’aallo Aad Is Leedahay Kama Jawaabaan Siyaasiyiintu?…DAAWO SAWIRRADA  

0
67

Waxaa jira su’aalo badan oo aanay jeclayn in la weydiiyo siyaasiyiintu guud ahaan, waxaana ay ku kala duwan yihiin hadba xaaladda lagu jiro iyo saameynta uu siyaasigaasi filli karro in su’aashaasi ku yeelanayso mustaqbalka.Tusaalle, ahaan Madaxweynayaashu ma jecla in la weydiiyo doorka qoysaskoodu ku leediyiin taladda dalka.

 Si kale haddii aynu u dhigno Hoggaamiyayaasha Somaliland ma jiro mid ka mid ah oo si toos ah uga jawaabi karra mabda’ uu kaga duwanyahay dhinacyadda ka soo horjeedda oo lagu dooran karo ama laggu diidi karro. Balse, mid waliba waxaa uu meel ku qoray oo uu kuu sheegayaa inuu wax ka qabanayo inta binu’aadmigu jecelyahay in loo haggaajiyo oo dhan mucaarad iyo muxaafidba. Haddii aad akhriddo  saddexda xisbi mid walba barnaamijkiisu waxaa uu ka hadlayaa inuu wax ka qabanayo, cadaalada, caafimaadka, biyaha, waxbarashadda iwm. Laakiin, midkoodna sidda uu wax uga qabanayo iyo goorta uu wax ka qabanayaa midna ma cadda.

guddoomiyeyaasha-saddexda-xisbi-qaran-ee-ka-qaybgalay-kulanka-Akadamigu-qabtayYaan qallin taraarine,waxaanu jecelahay akhriste in aanu wax ka oggaano su’aalaha kakan ee aad is leedahay siyaasiyiinteena lama weydiiyo ama si sax ah ugama jawaabaan si aynu ugu bandhigno ama haka soo jawaabaan ama yaanay ka hadlin ‘e.

Haddii aan dhowr tusaale soo qaddimo waxaa aynu Madaxweyne Siilaanyo toos hawadda ugu marinaynaa su’aal ah ma gaadhay mudane Ujeedadii aad ka lahayd siyaasadda guud ahaan ama gaar ahaan Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyihiisa xiligan?

Guddoomiyaha UCID qudhiisa aynu weydiino ma gaadhay ujeedadii aad ka lahayd Siyaasadda?

Muuse Biixina aynu nidhaahno ma dantaada siyaasiga ah ayaad raacaysaa mise doonista taageerayaashaada.? mase u ololaynaysaa Siilaanyo in mar kale la doorto?

Cabdiraxmaan Ciro aynu weydiino UCID oo aad illaa Maanta Baarlamaanka sharci ahaan ugu jirto ma addigaa ku wacad-furay mise Xisbigaa kaaga baxay balan aad gasheen?

Jamaal qudhiisa aynu farriin ahaan ugu dirno oo aynu weydiino marna ma kugu soo dhacday Faysal waa isku kaa roggi doonaa?

Su’aasha guud ee aynu wadda weydiinaynaana waxaa ay tahay ma jirtaa sabab gaar ah oo kugu kaliftay inaad saaxadda siyaasadda timaado oo aan ahayn baylahda shacbigu dareemi karro?

Su’aalaha kale akhritse adiga ayaan kuu daynaynaa..wixii jawaab ahna iyo su’aalihiina tooska ahna waxaa balan ah in aanu idinla wadaagno haddii Eebe Idmo.

Waxaad noogu soo dirri kartaa,  Saxafinews@gmail.com Ama Hubaal100@hotmail.com, ama Ciwaankamustafa@gmail.com, Amaba Mrkeefkeef@gmail.com

FG: Waxaa muhiim ah in aan su’aashaadu ka badan hal sadder ama 50 xaraf, islamarkaana ujeedo cayiman oo siyaasi gaar ah ku waajahan ay yeellato. Waxaa reeban wixii aflagaado iyo meel ka dhac ah.

Xigasho: Warsidaha Madaxa Banaan Ee SAXAFI oo kasoo baxa Hargeysa Somaliland

Posted By: HUBAAL Editor-in-chief

Siyaasiyiin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here