Wiil yar oo sideed jir lagu qiyaasay una dhashay dalka Shiinaha ayaa xanuun, sida dhakhaatiirtu sheegeen dunida dhif iyo naadir ku ah, uu haleelay kaas oo maqaarkiisa u badalay sidii qolofta kaluunka oo kale.
Wiilkan yar oo lagu magacaabo, Minh Anh, waxa uu ku nool yahay magaalada Ho Chi Minh City, ee dalka Vietnam, halkaas oo loo geeyay si loogu daweeyo haddii xal loo helo, wiilkan yar ayaa sida dhakhaatiirtu sheegeen, waxa ku dhacay xanuun loogu yeedho, (Ka, oo afka Vietnamiyiinta ku noqonaya Kuluun, kaas oo dhakhaatiirtu u yaqaanaan.
Wiilkan yar ayaa saacad kasta ku jira, xanuun iyo garaac aan kala joogsi lahayn waxaanu gabay, ciyaar iyo dhaq dhaqaaq inuu samayn karo, sida dhakhaatiirtu sheegeena waxa halkii uu maqaarkiisu ka dhididi lahaa uu sii daynayaa, qolofta kaluunka laga qishriyo oo kale, ilaa walina dhakhaatiirtu wax xal ama dawo ah uma hayaan.