AKHRI: Salaadiin Ka Muquurtay Xubno WARAN-CADE Dhabarka Soo Taabtay Oo Dhadhamo Ku Bedeshay Beeninta Taladdii Beelaha HABAR-MAGAADO Ee Xukuumadda Silanyo Ka Hurdi Weyday

0
64

Hargeysa(Hubaal)-Qaar ka mida Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Hargeysa ee ugu cad cad cida ka shaqaynaysa isu keenka iyo taladda beelaha HABAR MAGAADO ayaa sheegay inaanay wax luga ku lahayn hogaankooda dhaqanka ee beeshoodu dhaqdhaqaaqa maalmihii u danbeeyey la hadal hayey ee abaabulka shir ay Beelaha Habar Magaado iskugu imanayaan isla markaasna kaga wada hadlayaan danahooda Siyaasadeed

Xubnahan ayaa waxa la sheegay inay ku jireen salaadiin kale oo galbeedka iyo waqooyiga hargeysa ka soo jeeday, balse iyagu markii goobta la gaadhay ka muquurtay oo gebi ahaanba isaga baxay intaan la bilaabin shirkaas

Salaadiintan iyo Madax-dhaqameedkan Beesha Bari Hargeysa Oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Nuur Faarax Xuseen Boqor Maxamed Nuux Aadan Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre Suldaan Maxamuud C/laahi Xaaji Aadan

salaadiin

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi(M.Careej,Suldaan Cali Yuusuf (bada cas) Ugaas Xuseen Geele Abokor,Boqor Faysal Cismaan Faarax Sul.Maxamed Sul.Xasan Barre.

Afhayeenka Guud ee Hogaanka Dhaqanka Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Beesha ayaa waxa uu golaha ka cadeeyey inaanay jirin shir iyo abaabul ay og yihiin oo Habar Magaadle isagu imanaayo isagoo isla markaasna xusay inaan la majare-habaabin bulshada oo aan loo sheegin wax aan jirin

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey ayaa waxa uu sidoo kale Carabka ku adkeeyey inaanay haboonayn in hab qabiilaysan oo cunsuriyadi ku jirto laysku abaabulin balse ay haboon tahay in Bulshdu Xisbiyo Qaran ayeynu leenahay waa in markaa hanaanka Dimuqraaadiyada lagu dhaqmaa isla markaana laga waantoobaa waxyaabaha qabyaalada iyo Cunsuriyada keenaaya ee Amniga iyo karaamada qaranka waxyeelaaya

salaadiinta

Xubnahan Shirka qabtay ayaa la sheegay in uu Dabadda ka waddo Wasiirka Arimaha Gudaha Odhaahda iyo Inkiraada Talaabooyinkoodi Hore ee abaabulka Shirarka Habar magaadona umuuqday kuwa Dhadhamo kaga Gatay Madaxtooyadda

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here