AKHRI+DAAWO: Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Oo Farta Ku Fiiqay Sifada U Gaarka Ah Hoggaanka Xilligan Lagu Aamini Karo Masiirka Ummadda+Guddoonka SAAXIL Iyo Maayarka Berberana Bogaadiyey

0
240

“Anigu Waxaan La Hadlayaa Ka Galbeedka Burco Jooga,  Ka Oodweyn Jooga, Ka Sallaxley Jooga, Ka Balligubadle Jooga & Ka Quli-jeed iyo Xariirad Jooga   iyo guud ahaan reer Somaliland oo dhan”

“Markay doorashada tahay, Foodna u diyaar tiin, Hadda dawladnimadiyo, Danta guudna kaa mudan, Kumaa derajadaa geya”

Hargeysa (Hubaal)- Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa bulshada reer Somalialnd farta ugu fiiqay cidda masiirka ummada lagu aamini karo doorashadan iyo sifooyinka lagu xulanayo, kaasi oo uu sheegay in ay murashaxiinta tartamayaa ku kala tacab iyo abaal badnaayeen duruufihii iyo halgammadii dalkani soo maray. Cabdillaahi Ibraahim  Xaaji Xasan waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Murashaxa xisbiga KULMIY Md. Muuse Biixi Cabdi uu  sanadkan maanta ah mudan yahay in ummadu codka siiso isaga oo soo bandhigay  waxyaabaha u gaarka ah ee aanay murashaxiinta kale la wadaagin ee uu dheer yahay qayrkii. Md. Cabdillaahi waxaa uu ra’yul-caamka u hoga tusaalleeyey in dhaqanka geella marka baarqabka  loo dayayo in geella loo xulo sifooyin loo eego, taas bedelkeedana dawladnimada marka ay tahay sidaasi oo kale sifooyin loogu xulo cidda lagu aaminayo masiirka ummada.

Ugu horreyn waxaa uu afhayeenku bogaadiyey maayarka magaallada Berbera Cabdishakuur Ciddin oo uu tilmaamay in uu waxbadan ka qabtay arrimaha waxbarashada garab iyo gaashaanna u noqday tallaabooyin horumarinneed oo uu guddoonka waxbarashada ee gobolka Saaxil qaaday, waxanu labadoodaba ku tilmaamay inay yihiin lafdhabartii waxbarashada gobolka “Waxaan halkan ugu horreyn ku bogaadinayaa guddonka waxbarashada gobolka SAAXIL Mr. Ibraahim Digaalle oo runtii isaga oo ah nin dhalinyaro ah aanu guddoomiyeyaal waxbarasho wada ahayn, nin tusaalle noo ahaa immikana gobolkiisu gobollada kale ka tilmaaman yahay isaga iyo guddoonka waxbarashada ee gobolka Awdal,labadaasi tilmaan gaara ayay ka leeyihiin guddoomiyeyaasha kale ee waxbarashada gobollada dalka. Illaahayna waxaan ka baryayaa kuwa kalena inay ka baran doonaan oo ay kaga dayan doonaan tusaallahaas ay yihiin. Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada iyotacliinta sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne oo markii tiro badan oo arday ahi ay hadheen imtixaannaadkii sanadkan soo kordhiyey waaxda cusub ee tayaynta tacliinta ee wasaaradda waxbarashada oo uu madax ka yahay Maxamed Saleebaan oo ah nin aqoon yahan mudakar ah oo hawshaas ka soo bixi kara, isagana waxaan leeyahay illaahay xilka ha kugu asturo.” Ayuu yidhi afhayeenku.

Intaas kadib waxaa uu Md. Cabdillaahi ka hadlay  marxaladdan xilligan kala guurka ah uu dalku ku jiro oo ay foodda innagu soo hayso doorashadii madaxtooyadu  “waxaynu nahay dad xoollo dhaqato ah, xoollaheennana waxaa ugu mudnaa Geella  oo marka Arwka lagu darayo  loo qoodh dayi jiray, waxaana  la odhan jiray  geella kaasaa sanadka lagu darayaa,  bal maxaydun u malayn dawladnimo dhan iyo dal dhan iyo qaran dhan cidda lagu aaminayo. Muhiimmadu maaha oo keliya waan codaynayaa ee waxaa loo baahan yahay inaad is weydiiso yaad u codaynaysaa?.” Sidaa ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo maalintii shalay ka hadlay munasibad lagu qabtay degmada Laasa-dacawo ee gobolka Saaxil oo  loo sameeyey toddobadii arday ee ugu horreeyey ee ka baxa dugsiga sare ee Laasa dacawo iyo ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaannaadka shahaadiga ah ee dugsiga hoose dhexe ee degmadaas. Waxaana uu intaa  “waa kii Abwaan Xasan Ganey Lahaa;

“Laba midabka dayr cada
Laba doobta wada riday
Da’da toban gu’ wada jiray
Daymada an kala dhicin
Dun wanaagsanaantiyo
Hidihiyo dirkoodaa
Midna geel ku dari kara
Midna looga daayaa

Haddii dulucda sheekada

Hoos loogu daadago”.

Halo doog ku rimayaa

Markay qoob u deyid

Dalla-sheeg u baahdeen

Markay doorashada tahay

Foodna u diyaar tiin

Hadda dawladnimadiyo

Danta guudna kaa mudan

Kumaa derajadaa geya”. Ayuu  yidhi waxaanu intaa kudaray isaga oo sharrxaya halka ay farriintiisu ku socoto iyo cidda uu baaqa u darayaba

“Ka galbeedka burco jooga, ayaan la hadlayaa, ka oodweyn jooga, ka sallaxley jooga, ka balli gubadle jooga, ka quli-jeed jooga, ka xariirad jooga iyo guud ahaan reer Somaliland oo dhan  ayaan la hadlayaa oo aan farriintaydani ha gaadho laakiin keligay reer Saaxiloow munaasibadan oo qudha iyo reer Laasa-dacawo oo keliya kuma koobna ee waa farriin lexejeclo ah oo dalka iyo dadkaba  lexejeclo u ah oo aan leeyahay Masiirka ummada ninka lagu aamini karaa sanadkan waa Muuse Biixi Cabdi oo tacab badan soo galiyey dalka iyo dadkaba abaal badan oo aan duugoobayna innagu leh, kaasaan idin leeyahay inaad u codaysaan weeye oo aydana cidna la simin. Mid tirada ku darsada oo macnuhu maaha Cabdiraxmaan Cirro waan necebay umana qalmo mana geyo hoggaaminta dalka laakiin Cabdiraxmaan  waa inankeennii,  maalintiisii maaha laakiin  oo maanta waxaa taagan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dalka iyo dadkaba uga tacab badnaa, kaalmo wax ku ool ahna kasoo qaatay halgannadii kala duwaanaa ee ummadani soo gashay, kii xoraynta dalka, kii nabadaynta iyo kii dhismaha dawladnimo ee Somaliland”. Sidaa ayuu yidh Afhayeenka wasaaradda waxbarashada. Gebogbadii waxaa uu Afhayeenka Wasaaradda waxbarashadu dadweynaha reer Somaliland ku dardaaray in aantaageerada xusbiyada la  taageerayo aan loo bedelin hab qabali ah iyo hab cunfi ah toona, balse si sarraaxad  iyo daah furnaan iyo bisayl wadaniyeed leh loo tartamo xisbiyadana loo kala taageero.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here