Hargeysa (Hubaal) – Suldaanka Guud ee beelaha ARAB Sul. Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax ayaa sheegay in dhulka danta guud ee ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa wax lagaga qaban doono baahiyaha waxbarashada ee deegaankaas ka jira.
Sul. Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax waxa uu sidaa sheegay mar uu shalay booqasho ku tegay labada dugsi-sare ee Quulle Aadan iyo Dayib Gurey oo labaduba ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Suldaanka waxa halkaa ku qaabbilay maamulayaasha dugsiyada Dayib-Gurey iyo Quulle Aadan Guuleed Yuusuf Iidaan iyo Shiine Cabdi Hayaan, iyaga oo suldaanka uga xogwarramay baahiyaha waxbarashada ee dugsiyadaas ka jira, ugana mahadnaqay booqashadiisa.
Sul. Cumar waxa uu sheegay inuu muddo ku hawlanaa dugsiga sare ee Sul. Maxamed Sul. Faarax oo baahiyo gaar ah lahaa, magaaladana ka durugsanaa, sidaas darteedna uu maanta go’aansaday inuu xogogaal u noqdo duruufaha dugsiyadan Dayib-Gurey iyo Quulle Aadan, oo loogu magacdaray Mujaahidiintii dalka xoraysay, iyo maadaama bulshada inta ugu badani wax ka barato dugsiyada dawladda.
Suldaanku wuxu ugu baaqay dadka hunguraynaya inay xaraashtaan dhulka WFP oo ka mid ah dhulka danta guud ee xaafadda Masallaha inay candhuuftooda dib u liqaan.
“Dhulka deegaankani noqon maayo timir xabaal taalla,” ayuu yidhi Sul. Cumar, isaga oo xusay in baloog dan guud ah oo ku yaalla degmada Macallin Haaruun uu Maayar Soolteelko siiyay dugsiga sare ee Sul. Maxamed, si wax looga qabto baahiyaha basaska ee dugsigaas, taas oo ay basaskaasna u sii amaahdeen dugsiga, bal se uu dhulkii u diiday Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, isaga oo Xildhibaankaasi ku dooday in baahiyaha deegaankiisa uun wax lagaga qaban doono dhulka danta guud ee deegaankiisa ku yaalla.
Ugu dambayntii, Suldaanku waxa uu uga mahadnaqay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska gudashada waajibaadka qaranka, isaga oo dadweynahana ugu baaqay inay taageero ka geystaan waxbarashada dawladda.