AKHRI+DAAWO Xukuumadda Madxweyne Biixi oo Si Adag uga Hadashay Wasiirradii uu Golaha wakiilladu Diiday ansixintooda

0
12

 

Wasiir KOORE: Xeer 14 iyo Wasiirradii Goluhu Dib u celiyey

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waraysi uu siiyey laanta Af-soomaaliga ee VOA-da, kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrinta furashada Ururada Siyaasadda ee Xer 14 iyo xubnihii cusbaa ee Golaha Wasiirrada ee dhawaan shirgudoonka Wakiilladu dib ugu soo celiyey Madaxweynaha JSL.
Wasiirka oo sharraxayey labadaas qoddob ee ay qaadeen shirgudoonka Golaha Wakiiladdu waxa uu yidhi “Waxa dib u milicsi leh in Warqadii Madaxweynaha ee furashada Ururada Siyaasadda ee tan ka horeysay ay Shirgudoonka Wakiilladu Maadaama oo 46 Xildhibaan caddeeyeen in warqadii Madaxweynuhu ee furashada ururada Siyaasaddu ay muddo dhaaf ahayd in sideeda loo fuliyo, laakiin shirgudoonku uu arrintaas si toos ah uga horyimid oo aanu aqbalin inuu faafiyo muddo dhaafkii sharciga ahaa ee xildhibaannada inta aqlabiyada ahi ay codsadeen.”
“Waxa arrinta layaabka lihi ay tahay in shirgudoonku Goluhu uu arrintii hore ee furashada Ururada Siyaasadda aanu aqbalin, tan dambe uu aqbalo oo ah inuu dib u soo celiyo xubnihii Golaha Wasiirrada
Waxaynu rabnaa inaynu isku soo dhawaano oo aynu noqono laba waaxood oo dawladda Somaliland ka wada tirsan oo wada shaqeeya. markaa haddii shalayto uu taas diiday shirgudoonku, tan Wasiirradana uu soo celiyey macnahooduna uu isku nuxur xambaarsan yahay sidee bay noqonaysaa xaaladda wada-shaqeynta ma mid qof jeclaysi ah ayey noqonaysaa, mise mid danta qaranka Somaliland laga eego ayey noqonaysaa? su’aashaas waxaan u daynayaa shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland,” halkan ka dhegayso waraysigaas oo dhammaystiran

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here