“Laba Sanno Ha La Kordhiyo Ayaan Leeyahay Haddii Ay Daacad Ka Tahay Nimankan Leh Ha La Kordhiyo O Ay Dadka U Tudhayaan” Boqor Buurmadaw
“Madaxweyne Axmed Siillaanyo Kordhinta Ma Ogola oo Saarkii Doorashadu Wuu Ka Dhamaaday Waxanu Go’aansaday In Uu Doorashada Wakhtigeedii Qabto”
AKHRI+DHEGEYSO: Waraysi Xaasasi Ah Oo Laga Qaaday Boqor Buur Madow Iyo Muddo Cayiman Oo Uu Sheegay In Loo Baahan Yahay In Loo Kordhiyo Xukuumadda
Hargeysa (Hubaal) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buurmadaw) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka waaweyn ee Somaliland, ayaa soo jeediyey in laba sanno loo kordhiyo xukuumadda talada haysa si looga soo kabto abaaraha jira.
Booqr Cismaan Buurmadaw oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in ay danaysanayaan masuuliyiinta xisbiyada ee doonaya doorashada in la kordhiyo ama wakhtigeeda lagu qabto, waxaanuu sheegay in aanuu madaxweyne Siillaanyo doonaynin in muddo kordhin kale loo sameeyo diyaarna u yahay in doorashada wakhigeeda lagu qabto
Boqor Buurmadaw oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Qolyahan leh ha la kordhiyo uma arkayo in ay dalka iyo dadka u tudhayaan waa dad xeeladaysanaya,qoladan leh ha la dedejiyona ma aha kuwo dalka iyo dadka u tudhaya waa kuwo dantooda ku xeeladaysanaya,waxa umadda u danaynaya oo donaya in ay wax u qabtaa ma jiraan waana danaysi, midi waxa uu is leeyahaya dadkii ayaa kaa yara guuray oo sadex bilood oo danaysi ah ha la kordhiyo, beryahan qolayaha mucaaridka ahi waakii ay lahayeen maalin lagu dari maaayo, abaarta aynu ku jirnaanan goor ay bixi karto la garan mayo waanay soo gaaban kartaa waanay daba dheeraan kartaa, sadex bilood in la kordhiyo wax dadka iyo dalka dani ugu jirto ma aha, anigu waxaan leeyahay haddii dadka iyo dalka loo danaynayo laba sanno ha la kordhiyo oo inta abaarta laga baxayo ee laga soo kabanayo ha lagu daro, wakhti dheer ayey u baahan tahay haddii la kordhinayo oo dadka iyo dalka loo danaynayo kordhin muddo dheer ha lagu dhufto, haddii ay laakiin xeeladaysi tahay cidna yaan loo danaynine ciddii ku gubanaysaa ha ku gubatee ha la qabo doorashada xilligii loogu talo galay, laba sanno wax ka yar in la kordhiyo xukuumaddana dani uguma jirto oo todobada bilood iyo sadex bilood way ku ceeboobaysaa waxna soo kordhi maayaan, inta abaarta laga soo kabanahyo laba sanno waa in lagu dhuftaa ayaan leeyahay, Kan Deg degaya iyo kan dib u dhigayaba waa kuwo eeladaysanaya oo aan loo danayn Karin”
Boqor Cismaan Buurmadaw waxa uu sheegay in ay madaxweynaha ka dhab tahay in doorashada wakhtigeeda la qabto muddo kordhina aanuu doonayn, waxaanuu yidhi “Axmed Siillaanyo waxan ogahay in ay dhab ka tahay intaa uu doonayo in ay dhacdo xogogaal ayaan u ahay, dad kala heli kara ayaanu nahay mana doonayo in uu kursiga sii fadhiyo , sababuna waxa weeyaan markuu eegay dalka iyo beesha caalamka oo markii horena ku talo gal uu lahaa ayey ahayd in aanuu korodhsan oo uu doorashada si nadiif ah uga taho, haddeerna buuq iyo rabshado in ay wax u dhimaan taariikhdiisa ayuu diidayaa axmed, waxaanuu doonayaa wakhtiga doorasho lagu qaban karo in uu ka tago oo dalka si wanaagsan oo aan buuq lahayn oo caalamkuna arko in aanu doonayn in uu doorashada dib u rido, shacabkana uu ku raali geliyo ay dhab ka tahay sidaas ayuu u jeedaa, Axmed Siillaanyo saarkii doorashadu wuu ka dhamaaday waanuu go’aansaday oo wuu ku adag yahay in uu doorashada wakhtigeedii qabto , markaa waxaan leeyahay haddii kordhin laga fursan waayo wakhti abaarta laga soo kaban karo ha laga dhigo, Laba sanno ha la kordhiyo ayaan leeyahay haddii ay daacad ka tahay nimankan leh ha la kordhiyo o ay dadka u tudhayaan ha ogolaadaan laba sanno in la kordhiyo, waan ogahay Madaxweyne Siilaanyo Kordhinta ma ogola”
Xigasho: SAXANSAXO