New York (Hubaal)-Waxa soo baxaya Fadeexado dibadda u soo baxay oo laga sheegayo Qaarkamid ah Xildhibaannadii dhawaan Waraaqda u diray Xukuumadda Iran, kuwaas ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Maraykanka.
Fadeexadahan, ayaa intooda badani salka ku hayaan Xidhiidh hooe oo mudanayaashani la leeyihiin Shirkadaha Hubka ka ganacsada ee Waddanka Maraykanka, kuwaas oo u ololeeya inuu Maraykanku Hujuum weyn ku qaado Waddanka Iran oo haatan xidhiidh fiican la yeenaya Dalalka Reer Galbeedka.
Senator Tom Cotton oo ah xildhibaankii horboodayey kooxda ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa maalin kadib markii uu waraaqda diray ka qeyb galay munaasabad balaadhan oo ay soo qabteen kooxaha u ololeeya shirkadaha waaweyn ee Maraykanka ee hubka soo saara.
Xildhibankan Tom Cotton oo laga soo doortay gobalka Arkansas ayaa ah 37 sano jir, kamid ahaan jiray ciidamadii kasoo dagaalamay Ciraaq, wuxuuna sidoo kale ka qalin jabiyey Harvard Law School.
Xildhibaankan (ex-askari) ayaa kamid ah xagjiriinta ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee sida tooska ah ugu xidhan shirkadaha waaweyn ee hubka soo saara sida shirkada Boeing. Xili uu xildhibaankan olole ugu jiro weerar Maraykanka uu ku qaado Iran.
Cotton ayaa sidoo kale u ololeynaya in Maraykanka uu ugu deeqo boqolaal diyaaradaha dagaalka ay soo saarto shirka Boeign maamulka Isra’iil oo uu xidhiidh weyn ka dhaxeeyo.
Waxaa taasi usii dheer in xildhibaankan iyo asxaabadiiba ayaa u ololeenaya in Marayanka uu hub ugu deeqo dalka Ukraine, si ay ulla dagaalamaan Ruushka.
Xagjirnimada Tom Cotton ma aha mid ku eg dhanka dagaalka oo kaliya, xili uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada
Maraykanka ee Ciraaq ku sugnaa ayuu waraaqo uu qoray ku sheegay in (Xabsiga lagu guro Suxufiyiinta ka hadla hawlaha sirdoonka Maraykanka sida sharci darada ah u qabtaan).
Cotton wuxuu sidoo kale bishii lasoo dhaafay sheegay in maxaabiista ku xidhan Xabsiga Guwantanamo ee aan dambiga lagu helin halkaasi lagu hayo illaa uu meykooda ka qudhmo.
Tom Cotton oo kamid ah Saaxiibada Shirkadahah hubka iyo Isra’iil ku leeyihiin Baarlamaanka Maraykanka ayaa ku dooda in cadaawada Maraykanka loo qabo aanay ku xidhneyn (Falalka Maraykanka geysto), balse Maraykanka loo necebyahay maadaama uu astaan u yahay (Wanaaga iyo Xoriyada), waa siduu hadalka u dhigee.
Balse Tom Cotton iyo saaxiibadiisa ayey la yaab ku noqotay cadhada iyo cambaareynta ay kala kulmeen shacabka Maraykanka iyo waliba qaar kamid ah isla xisbigooda Jamhuuriga oo diiday inay saxiixaan waraaqdii uu u diray hogaamiyaha sare ee Iran Cali Khumeynii.
Shacabka Maraykanka oo casharo badan kasoo bartay dagaaladii Afghanistaan iyo Ciraaq ayaa xiligan si weyn uga soo horjeeda dagaal uu Maraykanka markale ku qaado dal kale oo muslim ah.
source:Himilo