AKHRI Oo Ka Bogo Maxakamadda Sare Oo Saaka U Si rasmi Ah Ugu Fadhiisatay Dhegeysiga Racfaankii Uu Guddoomiyaha UCID Ka Qaatay Qaraarkii Guddida Diiwaangelinta+SAWIRRO
Hargeysa (Hubaal)- Maxakamadda sare ee JSL ahna Maxakamadda Distooriga ah ee qaranka ayaa si rasmi ah maanta u bilowday dhegeysiga dacwad xaasaasi ah oo u dhaxaysay guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo garabka uu hoggaaminayo musharraxa kumeel gaadhka ah ee xisbigaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Dacwaddan oo barqadii ka bilaabantay Hoolka dhegeysiga dacwadaha ee maxakamadda sare ee JSL ahna maxakamadda Distooriga ah ee qaranka waxaa guddoominayay guddoomiyaha maxakamadda Sare Garyaqaan Aadan xaaji Cali Axmed, oo ay hareero fadhiyeen dhammaanba garsoorayaashii maxakamadda sare oo iyagu ka soo xaadiray fadhigan, isaga oo guddoomiye Aadan Xaaji Cali uu sheegay in garsoorayaasha maxakamaddu dhammaantood xaadir u ahaadaan furitaanka dacwaddan iyo qaadisteeda, maadaama oo ay dacwaddani kamid tahay dacwadaha xaasaasiga ah oo go’aanka ama xukunka laga soo saari doonaa ay noqon doonto mid kama dembeys ah.
Fadhiga Maxakamadda waxaa ka soo qayb galay oo dhegeystayaal ka ahaa dad aad u tiro badan oo isugu jira masuuliyiin, aqoonyahanno, khubaro ururrada bulshada rayidka ah ka socda iyo taageerayaasha labada dhinac ee xisbiga UCID.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo ka hor intii aan la gudo gelin dacwadda u warramay ayaa sheegay in dacwaddani ay daba socoto qaraarkii ay guddida diiwaangelintu soo saareen, kaasi oo uu racfaan ka soo qaatay guddoomiyaha UCID, halka ay racfaansaneyaal ka yihiin Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed yuusuf (Cali Gurey). Guddoomiyaha Maxakamadda sare waxaa uu sheegay in dacwaddan ay socon doonto muddo laba maalmood ah.