Habeennadu kala mudan, mucjisiyo masalana badan. Sidaas oo kale maalmahuna kala mudan maamuus iyo muunaba badan .Saacaduhuna kala xurmo iyo xushmaba badan. Waa markaan eegno saameynta san ee ay kaaga tagaane.
Habeen kuwaa la mahadiyey ka mida, waxaan booqday degelo ( ilo mareegyo ) hal-abuurro dhaamiyeen, kana buux dhaafiyeen maqaallo, murti iyo maanso ba leh, aqoon iyo aragtiyo cuddoonina ku dheehan tahey, cadad iyo culeyskeedana la qiyaasi Karin.
Waan dhaygagsanaa, oon dhuganayay haddana dhuuxayay. Dhaayahayga dhafar ayaa ka muuqday, saas oo ay tahey ma ay dhibsaneyn naftu. Waayo dhaansi aqooneed ayay ku jirtay, taasoo indhuhu noqdeen wadaantii, mareegtuna noqotey ceelkii, maskaxduna cukanihii. Waxey abuureen dareemo maasheeyey dhamaan ruux ahaantey xubno iyo xididdaba, camireyna jagooyinka maankayga kana dhisey cimmaarado taagoogu sareeyo.
Naftu waxay jecelaysanaysay dhadhanka macaan, dhuuniga malabka ah mabsuudkana ka dhigay, siyaadisayna xawaarahii, xooggii iyo xarakadii dhuumaha dhiiga qaada, kaba sii darneyd hambabar ogaanshaha sare kaca wadne-roorku marayo (dareenka sare kaca wadnaha).
Waxaaney dhex mushaaxday badweynta, badaha iyo balliyada kale duwan ee akhriskaasi lahaa. Waxaan is weydiiyey Jecleenshiyaha hiddaha ma hiddeey u lahayd, ma hibo u lahayd mise waa hawadeeda?
Midey ahaydba, waxay isku dayday dabaalashada iyo daanshoodka badyarooyinka aan dabin dudumo dacarba aan lahayn , dabshidana u noqota dhaxamaha ka soo hayaama xaaladaha xaajooyinka iyo xiliyada kala duwan kuwaasoo xiijiya maanka aan sida fiican wax u maalin. Markaa soo uu ku hafto xal u helida hadimooyinka iyo hagaraha soo waajaha, una noqota tamar iyo tab u shida ileys ka dhex ifa qudcurada weli ka dhex muuqda gobolada garaadka taajna saara oogada saree talisa (maskaxda).
Ugu danbeyn waxey dul joogsatey, daawatey kuna dawaaftay dawyada dariiqyada murtida, mala awaalada iyo maansooyinka ku guda jirey ilahaas , kuwaasoo ka dhex beera maanka doog iyo daaq aan kowrixin cinab iyo canbaruud aan cargo lahayn. Kuna shuba carfi iyo cadar maasheeya marinada maxabada qaabilsan. Kuwaasoo ka bilaabma sanka iyo sanqaroorka kuna hoobta lubbiga iyo laabta, aakhirkana geyeysiiya farxad iyo fantasiyo, riyaaq iyo reynreyn, cafis iyo calool sami, una ogolaata fikir iyo faaleyn, qorshe iyo qaabeyn, talo iyo tusaaleyn uu ku tanaado kuna tisqaado.
Haddaba, Hadyadaa Halabuurnimo deeqdaa dahabka ah, beertaa barwaaqeed waxey maanka u xidheen dhar aan diigoobeyn , dhaansi aan dhantaalmeyn, dhaqan aan dhacsanayn. kuwaasoo mabsuudiyey dhammaan mowjadaha jidhka ka dhex hayaama, kuna ridday dhabbe dhac dhac aan laheyn una soo saaray dharaar aan dhamaaneyn , dhalaal aan dhaqaaqeyn, dheeman aan ku dhaafeyn. Waraabshayna waaxyaha walaacu iyo werwerku weeraraan, wehel iyo waxtarkuna wanaajiyaan, una noqday toosh iyo tiriig u iftiinsha mugdiyada madow ee noloshu leedahay jahliguna ka kow yahay .
Hubaashu waxey tahey akhriskaasi inuu raad iyo ra’yi iigaga tagey, raali iyo ruxleyn iigaga galbaday, xusuus iyo xurmeyna u hayo. Wuxuu nooleeyey naruurana gelyey han iyo himaladaydii kuna qasbay dib u qaadashada qalin iyo qoraal muddo tiraba toban sano kor u dhaaftey aanan is qabadsiin. Waagaas oon u maalin tirin jirey barnaamij ka bixi jiray Idaacada Radio Hargeysa kuna maansooda ; ”Dhanbaallada soo diraa …soo dira dhanbaallada ” inkastoonan hada ku xidhneyn waxey ii ahayd rug aan ka dareen dhiibto , salidhig aan siyaarto, dhageysigeedana waxaan niyeysan jirey nafis iyo nolol. kumana aan raagin caajis iyo caruurnimo kay ahayd.
Fariimahaa akhris ee faaidadooyinka iyo fankaba lahaa ee ka shidey nal iyo nuur maskaxdayda mariyayna neecow qabow, waxa unkamay ururshay oo udugiisa ay tahay hal -abuuro , kuwaasoo dhisey garasho , cilmi iyo caqli dhaleen , kuna suuro gasheen karti kasmo ku ladhan tahey , tusmana cuskan tahay aqoonina u agaasime tahey, kuna kulmiyeen waayo aragnimo iyo ilbaxnimo wada socota.
Bashiir Idiris Aw-Cali