AKHRISO: “Arrimaha aannu kala hadlaynaa maaha wax siyaasad ku lug leh…. arrimo aannu xaq u leenahay ayaanu doonaynaa inay wax nagala qabtaan.” Wasiirka Khaarajiga Oo Faahfaahiyay U Jeedada Ay S/land U Martiqaaday Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

0
26

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xaqiijiyey in xukuumaddu ku martiqaaday dalka inuu yimaado Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, kaas oo hore looga mamnuucay xafiiskiisa siyaasadda qaabilsan ee UNSOM inuu ka hawlgalo caasimadda Hargeysa.

biixi yoonis1

Wasiir Biixi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxa uu ku faahfaahiyey sababo uu sheegay inay keeneen casuumadda loo fidiyey Nicholas Kay inuu dalka yimaado badhtamaha bisha soo socota ee August, kaas oo ka dhashay buu yidhi, “Nickolas Kay waxaan 12-kii June kula kulmay London. Waanu wadahadalnay, waa dhab oo waanu soo casuunay, waxaanan filayaa inuu yimaado Hargeysa bisha soo socota ee August 18 ilaa 19-keeda. Martiqaad baanu u fidinay.

Nicholas Kay sidaad ula socotaan waxa hoosyimaada dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee halkan jooga ha ahaadaan kuwa bini’aadanimo, horumar, xuquuqal-insaanka ama siyaasadda.”

Haseyeeshee, wasiirku waxa uu ku dooday in aanay kala hadlayn Nicholas Kay waxyaabo la xidhiidha siyaasad oo ah shaqada ugu wayn ee xafiiskiisu qaabilsan yahay, waxaannu yidhi, “Arrimaha aannu kala hadlaynaa maaha wax siyaasad ku lug leh. Waxyaabaha badan ee Qaramada Midoobay qabtaan wax aka mid ah inay ka caawiyaan dawladaha arrimo badan oo aan siyaasadda ku lug lahayn, arrimaha aannu doonayno in aannu kala hadalno waxay ku lug leeyihiin waxyaabo horumar ah, tababaro booliska la siiyo, askarta jeelasho la siiyo. Markaa arrimo khuseeya oo aannu xaq u leenahay haddii aannu Somaliland nahay ayaanu doonaynaa inay wax nagala qabtaan. Sidaasi awgeed, ayaanu u soo casuunay in aannu danaha Somaliland kala hadalno.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaan wax dhibaato ahi dhex Oolin Somaliland iyo Qaramada Midoobay “Cilaaqaadka u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland wax dhibaato ah oo dhextaalaa ma jirto. Qaramada Midoobay waa hay’ad aannu u baahanahay in aannu la shaqayno, waxaannu goosanay inaanu soo dhawayno oo soo martiqaadno, isna wuu naga ogolaaday inuu yimaado.”

Waxa kale oo uu sheegay in sababaha ay u casuumeen ka mid tahay inuu sawir ka qaato warbixinaha uu Somaliland ka gudbinayo, “Sagaashankii maalmoodba warbixin ayuu geeyaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qayb lagaga daro Somaliland, markaa inuu dalka yimaado oo horumarka aannu gaadhno uu arko oo warbixinaha uu dirayaa ay noqdaan kuwa danteenna ka jawaabaya,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here