Hargeysa (Hubaal) Ururka Somaliland Reform and Development Party ee dhawaan lagaga dhawaqaay dalka maraykanka ayaa Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Urur siyaasadeedkaasi Somaliland Reform and Development party Mr. Abdirizaaq Maxamed Diiriye ayaa uu kaga jawaabay hadalo kasoo yeedhay wasiir xigeenki hore gaashaandhiga dawladdii UDUB
Waxa aanu u dhignaa warsaxaafadeedku sidan:
“ Waxaa waxaan rabaa in aan ka jawaabo eedaha uu Ururka Somaliland Reform and Development Party u jeediyay Wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhiga Xukuumadii Daahir Riyaale Axmed Maxamed Filanwaa oo Tvga Qaranka Somaliland ka caayay kana aflagaadeeyay Urur Siyaasadeedka.
Hadaba waxaanu aad uga xunahay in tvga qaranka uu noqdo meel dadka laga caayo lagana aflagaadeeyo.
Somaliland waxay u baahan tahay badbaado qaran, nidaamka musuqmaasuquna wuxuu gaadhay dhamaan hayadaha dawliga ah ee Somaliland. Axmed waxa uu sheegay in Somaliland wax kastaaba sax san yihiin oo aan waxba khaldanayn. Hadaba Axmed waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta aanu rabno in laga xoreeyo Somaliland. Xukuumadu way ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday, kuwii loogu talo galay in ay ilaaliyaana waa xisbiyada mucaaridka ahe wax qorshe iyo siyaasad ah oo ay u soo bandhigeen umada ma jirto. Baarlamaankeenu ma shaqeeyo, guurtidu sharci daro ayay ku joogtaa, masuqmaasuq ayaa hadheeyay garsoorkii. Hadaba, side lagu badbaadin karaa Somaliland. Waxaanu mar labaad ugu baaqaynaa aqoonyahanka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee Somaliland in laysugu yimaado talo qaran. Waxaanu soo dhawaynaynaa baaqii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarika ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe”.
Abdrizaq Maxamed Diiriye
Afhayeenka Ururka Siyaasiga ah ee Somaliland Reform and Development Party..