Markii guri kiro ah oo ay ku jiraan qaadi waayey afar baabuur oo loo keenay ayey soo dhigeen Huteel, markii warbaahintu qortayna way xaseeyeen
Hargeysa(Hubaal/Waaheen) Afar baabuur oo loo keenay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa soo bandhigay dayaca ka muuqda Taliska ciidankaasi oo fadhigiisu yahay Hargeysa, kaasoo ku jira guri kiro ah oo ku yaala xaafadda shacabka halka ay Xukuumadda talada haysaa ay ka xaraashayso guryaha iyo dhulka Danta guud ah oo ay shaacisay in uu qaranku mashariic kale uga faa’iidaysanayo.
Lama garanayo sababta Taliska Guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo ah ciidan qaranka ugu jira kaalin muhiim ahi ugu jiro guri kiro ah oo qaadi waayey afar baabuur oo waliba la filayo inay mucaawino yihiin, halka xukuumaddu dad shicib ah dhawaan ku wareejisay xeradii ciidanka Cirka ee xaafadda Isha Borama.
Sidoo kale, lama garanayo sababta Taliska Ciidankan ilaalada xeebaha oo dhul baaxad leh ku leh xarumihiisa xeebaha loo dajiyey guri kiro ah, iyadoo xeryaha Ciidamadda Booliiska iyo Milatariga dhulkoodu dayacan yihiin oo maalin walba laga ilaalinayo shicibku inay ku durkaan.
warbaahinta ayaa soo bandhigtay afar baabuur oo ciidanka ilaalada xeebuhu leeyihiin, kuwaas oo markii la waayey meel laga dhigo guriga kirada ah ee ay ciidankaasi ku jiraan lagu shiraacay hotelka Lake Asal oo aan ka fogayn guriga Taliska Ciidanka ilaalada xeebuhu ku jiraan oo u dhaw xaruntii hore ee hay’adda Unicef ka guurtay.
Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa markii ay warbaahintu qortay baabuurta ay dhigteen hotelka ka qaaday, waxaanay ku xaseeyeen meel aan laga arag, hase yeeshee waxay dhacdadani kashiftay dhibaatada haysata Taliska Ciidankaas oo masuuliyad ahaan Qaranka u qaabilsan ilaalinta Xeebta dheer ee Somaliland, taasoo haddii aan loo hagar bixin fadeexadani saamayn ku yeelan karto.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Farriinnews.com u xaqiiyey in Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu markasta ku doodo in xarun Dawladeed la siiyo, isagoo cabasho xoogan ka muujin jiray inaanu ciidan ahaan guriga kirada ah ee ay mudada dheer ku jiraa anfacayn, hase yeeshee aan dheg jalaq loo dhigin cabashooyinkiisa.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa taageero dhaqaale oo buuran ka hela Miisaaniyadda Qaranka, sidoo kale waxay taageero dhaqaale ka helaan Midawga Yurub iyo hay’adaha kale ee malaayiinka lacagta ah ku bixiya mashaariicda dhinaca Budhcad Badeeda iyo horumarinta Xeebaha, waxaanay haystaan qalab kooban oo siyaabo kala duwan ku soo galay.
Inkasta oo ay helaan dhaqaalahaasi hadana xarun la’aanta Taliskoodu waa mid ka turjumaysa in dhaliilo farabadani ka muuqdaan nidaamkooda shaqo iyo qorshayaashooda guud, kuwaas oo ay tahay inay Xukuumadda Somaliland u hagar baxdo haddii ay dayacday, haddii ay xil iska saartayna loo baahan yahay in lagu dabagalo masuuliyiinta ay ku ogyihiin la xisaabtankeeda.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, halka ay awal ka hoos tagi jireen Ciidannka Qaranka, hase yeeshee waxa jira hay’addo kale oo ay wada shaqayn leeyihiin sida Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska la dagaalanka Budhcad badeeda oo maamul ahaan iyana ka hoos taga wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, xidhiidhadaas faraha badan oo saamayn mararka qaarkood ku yeesha dabacsanaanta ka muuqata xil gudashadooda.