Badhasaabka Togdheer oo ka hadlay dhismayaal dawladdu leedahay oo laga iibnayo ganacsato
Burco (Hubaal/Jam)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa markii u horraysay qiray inay jiraan qorshayaal dawladda hoose ee Burco ku iibinayso dhismayaal dawladdu leedahay oo ku yaal xarrunta gobolkiisa.
Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo baxay hadalo sheegaya in Dawladda Hoose ee Burco dad ganacsato ah ka iibinayso qaar ka mid ah dhismayaasha Dawladda ee ku yaal Magaaladda Burco.
Hasayeeshee, Badhasaabka Gobolka Togdheer oo dhagax-dhigay laba garoon oo laga hirgalinayo Magaalada Burco, looguna tallogalay in lagu ciyaaro Kubbadda Kolayga, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey ku sheegay inay jiraan dhismayaal dawladeed oo dawladda Hoose dad ganacsato ah ka iibinayso, kuwaasoo uu sheegay in dakhliga ka soo xerooda lagu dhisi doono waddooyin laga hirgalinayo magaalada Burco.
“Waxaan rajaynayaa in garoomadan noqdaan kuwo dhallinyaradu ka faa’iidaysato, mida kale magaalada waxa laga hirgalin doonaa waddo 10 km ah oo laga dhigi doono waddada Madaxtooyada Hargeysa hor marta oo kale, waxaanna dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya dawladda dhexe iyo dawladda hoose, waxaannu dhaqaalaha dawladda hoose qaybteedu ka iman doonaa iyadoo la iibin doono dhismayaasha dawladda ee ay ka midka yihiin; Ex golihii Hannuuninta ee Xaafadda Sheekh Bashiir, Ex Dugsigii Jaale Siyaad iyo guryihii booliska ee ku yaal agagaarka Saldhiga Dhexe,” ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer, isagoo intaas ku daray; “Hargeysa ayaa lala yaabi jiray marka la yidhaa shacabka ayaa la iibinayaa ama wax laga qabanayaa, Indian Line-ka (Hindiya liinka) waad ogaydeen sida uu ahaan jiray iyo sida uu hadda yahay, markaa dalka waa la dhisayaa, waanna la qurxinayaa, waanna la horumarinayaa, haddii aynu lacag waynana dhulkiisa ayaa laysku celcelinayaa.”
Maayirka Burco Md. Maxamed Yuusuf Muraad oo sharaxaad ka bixiyay garoomada la dhagax-dhigay, waxa uu yidhi; “Halkan waxaannu dhagax-dhigaynaa garoon ciyaareed oo aannu ugu tallogalay in lagu ciyaaro kubbadda kolayga, waxa kaloo aannu dhagax-dhigaynaa garoon kale oo kubbadda kollayga ah oo aannu isna ka dhisayno, labadan garoonna waxaannu ugu tallogalnay inay dhallinyaradu ku ciyaaraan oo ay kaga raystaan waxyaabo badan oo noloshooda xumaynaaya,sida mukhadaraadka, waxaanay garoomadan ka kala dhisaynaa Dugsiga Sarre ee Sheekh Bashiir iyo Dugsiga 15 May. Waxa kaloo iyana aannu dhagax-dhigaynaa taallada Sheekh Bashiir oo aannu ku wareejinayno dhisme dayr ah.”
Waxa kale oo iyna halkaas ka hadlay Maayir-ku-xigeenka Degmadda Burco Md. Muxumed Xasan Xoday iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Burco.
Hadalkan ka soo yeedhay masuuliyiintan Gobolka Togdheer, ayaa noqonaya markii u horreysay ee ay caddeeyaan inay jiraan qorshayaal lagu iibinayo qaar ka mid ah dhismayaasha Dawladda ee Magaalada Burco.