Taleex, (Hubaal) – Magaalada Taleex ee Gobolka Sool ayaa shalay lagu qabtay shir kooxda la baxday Khaatumo ay kaga arrinsanayaan cabsi la wariyay inay la soo daristay dhinaca Somaliland. Ka dib markii ay soo baxeen baaqyo ka dhan ah abaabulka shirkan.
Wararka aanu ka helay Taleex waxaa ay tilmaamayaan in maalmihii ugu danbeeyay halkaas ay ku qul-qulayeen kooxaha ka soo horjeedda Somaliland ee u ololeeyay maamulka la baxay Khaatumo, kuwaasoo doonaya inay magaaladda Taleex ku qabtaan shirwaynihii sadexaad ee maamulkaasi oo lagu dooranayo hoggaan.
Xogaha aanu helay waxaa ay tilmaameen in shirka shalay lagaga hadlayay amaanka madasha la doonayo in shir weynaha lagu qabto ay isugu yimaadeen kooxo kala afkaar ah, balse ku midaysan dagaalka ka dhanka ah Somaliland, oo lagu kala magacaabo, Maamulka Khaatumo, golaha G10 iyo golaha Dhaqanka. Kuwaasoo qiray in aan Ciidamadda Somaliland oo horena halkaas u gaadhay wax badan u jirin, islamarkaana ay dhici karto inay kala dareeriyaan kooxaha isugu yimid halkaas marka ay doonaan. Cali Sabarey oo ka mid ah xubanaha doonaya in laga doorto shirkan oo ka hadlay cabsidda jirta ayaa ku dooday in aan Hadhuud la beerteen, hadii laga baqayo shinbiro, isaga oo u jeedda in aanay Somaliland cabsi badan ka qabin. Sidaas oo ay tahay waxaa uu qiray suurta-galnimadda arrintaasi.
Shirkan oo uu abaabulay Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, waxaa doraad soo gaadhay xubno ay hogaaminayaan Dr: Cali Ciise Iyo Garaad Abshir Saalax oo ka yimi Muqdisho.
Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeedda Gobolka Sool ee Somaliland ayaa isagu doraad baaq uu soo saaray ku sheegay in loo baahanyahay in shirkaas la joojiyo. Iyaddoo horena Xukuumaddu u shaacisay in aanay ogoleyn in Somaliland gudeheedda lagu qabto shirarka ka dhan ah madaxbanaanideedda. Ka sokow Somaliland maamul goboleedka Puntland ayaan isna ogoleyn shirkan.
Ilaa haddana lama ogga in Xukuumadda Somaliland qorsheysay inay xoog ku burburiso shirkan iyo waxaa ka jira Cabsida iyo diyaargarowga dagaal ee ka muuqata Taleex.