Taleex (Hubaal)- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ka baxay magaalada Taleex iyagoo dib ugu noqday fadhiisimadoodii hore kadib markii ay halkaasi ku sugnaayeen muddo toddobaado ah oo ay ka saareen maleeshiyada la baxday Khaatumo iyo siyaasiyiin ka waday shirar nabadgalyo-darro ah.
Cutubyo ka mid ah Ciidanka Qaranka ayaa ka soo guuray Taleex habeenimadii Khamiistii toddobaadkan maalin uun kadib markii wefti wasiirro xukuumadda Somaliland ka soo ambabaxeen halkaasi, waxaanna ammaanka magaalada la wareegay maleeshiyo degaanka u dhashay oo la qarameeyey.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hoggaaminayey wefti socdaal ku tagay magaalada Taleex ayaa sheegay in 150 askari oo u dhashay degaanka la qarameeyey si ay ciidanka qaranka ugala wareegaan sugida nabadgalyadeeda, isagoo intaasi ku daray in ay dhammaatay ujeeddadii kowaad ee Ciidanku u tageen halkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Qaranka wali kamay hadal ka bixitaanka ciidanka Qaranka ee Taleex, waxase suurtogal ah in go’aan xukuumaddu gaadhay uu yahay.
Dhinaca kale, weftiga xukuumadda ayaa shacabka degmooyinka Taleex iyo Xudun iyo nawaaxigooda ugu deeqay 15,000 tan raashin isugu jira qaybaha kala duwan sida bariis, daqiiq, sonkor, baasto, saliid iyo qaybaha kale ee cuntada.
Waxa kale oo weftigu dhagax-dhigay mashaariic horumarineed degmooyinka Taleex iyo Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool ka hor intii aanay ka soo ambabixin halkaasi.
Degmada Xudun ayaa weftigu ka dhagax dhigeen saldhig boolis oo Taliyaha ciidanka ka hawlgli lahaana halkaasi lagu magacaabay, kaas oo lagu wareejiyey baabuur xaajid kuwa boolis ah, waxa kale oo degmada lagu wareejiyey qadar lacag loogu talogalay inay horumaris u noqoto dhismaha xafiisyada maamulka.