AKHRISO: Dawladda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Waxyaabo Been-fariin Ah Oo Soomaaliya U Gudbisay Caalamka

0
37

Golaha Wasiirrada oo shirkoodii shalay kaga hadlay qoddobo la xidhiidha farriimo Soomaaliya ku sheegato maamulka badda iyo hawadda Somaliland

 

Hargeysa (Hubaal)- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalo been-farriin ah oo dawladda Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyey u gudbisay caalamka, kuna sheegaynayso inay maamulaan badda, hawadda sare iyo meelo ka mid ah xadka Somaliland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, shirkii Golaha Wasiirrada oo dhacay Khamiistii shalay, ayaa lagaga hadlay qoddobo la xidhiidha qarannimada Somaliland, isla markaana waxa loo digay cidkasta oo farogelin ku samaysa gudaha xudduudka mucayinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

golaha wasiirada somaliland

“Fadhigii maanta (shalay) ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Siddeed iyo Soddonaad (138aad) oo uu guddoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la caddeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto sheegashooyin beryahan dambe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, badda iyo Hawadda Somaliland, taasoo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo kadib-ba, xuduudahaa oo waafaqsan sharciga caalamiga ah, kuna cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, fadhiga Golaha Wasiirrada waxa beesha caalamka loogu caddaynayaa in Somaliland iyada oo xaq-dhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca badda, beriga iyo Hawadda.

Waxayna xukuumadda Somaliland ka digaysaa cid kasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana ciddii ku soo xad-gudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu dambayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here