AKHRISO: Dayr Xannibay Masaajid Iyo Hadalo Deel Qaaf Ah Oo Ka Duulay Masuul Dawladda Hoose Ka Tirsan

0
53

“Aniga Kiniisad Iyo Masaajid Iima Kala Duwana, Anigoo Washington Jooga Oo Ashahaadanaya Ayaan Hadana…….” Agaasimaha Bilicda DHH

Hargeysa (Hubaal) Agaasimaha Bilicda Dawladda Hoose ee Hargeysa Iid Cabdilaahi Hurriye ayay hadalo ay dad badani la yaabeen ka soo baxeen afkiisa mar wax laga waydiiyay Masjid uu afaafkiiska ku xidhay dayr weyn oo ku soo wareejinayay barxada hore ee wasaarada Caafimaadka Hargeysa,masjidkan uu albaabkiisa dayrka ku xidhayay oo ku yaala meel u dhaxaysa dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo wasaarada Caafimaaadka,iyadoo halkaasi ay ku soo urureen dad weyn badan oo aad ula amakaagay ixtiraam darada Dawlada Hoose ay u ixtiraami wayday goob masjid ah oo Alle(SWT) lagu caabido.

Agaaasimahan ayaa aad uga cadhooday su,aalo badan oo ay weydiiyeen dad badan oo shacab ah oo ku soo xoomay dayrkan oo mudooyinkani muran badan ka taagnaa dhismihiisa siiba masjidkan albaabka laga xidhayo,waxaa uu agaasimuhu dadkan shacabka ah hortooda kaga dhawaaqay erayo naftiisa halis galin gadhay oo aad uga cadhaysiiyay dadkii goobtaasi ku sugnaa isagoo wakhtigaasi uu taagnaa imaamka masaajidkaa oo isna ka mid ahaa dadkii ninkaasi kula dagaalami gaadhay erayadaasi ka baxsan akhlaaqiyaadka Ruuxa Muslimka ee Asha-Haadanaya,waxaa uu si kooban u yidhi “Aniga Kiniisad Iyo Masaajid Iima Kala Duwana,Anigoo Washington Jooga Oo Asha Haadanaya Ayaan Hadana wax walba Cabayay”.

masaajid

Agaasimahan ayaa u qaabilsan Dawlada Hoose ee Hargeysa dhinaca qurxinta bilicda caasimada Hargeysa,dadkani ku soo buuqay shalay markii arkeen sidan uu u hadlayo iyo inuu qurbaha ka yimid ayaa waxa ay weydiiyeen oo ay u sheegeen in dalkani dagaal loo soo galay oo dadkan uu dayrka ku soo xidhayaa ay ku jiraan dad mujaahidiintii SNM ka mid ah,isagoo kalmadahaasi aad uga cadhooday ayaa waxa uu hadana ku juwaabay oo uu ku celiyay erayadan “Meel Ragga lagu guursado oo lagu kufsado ayaan ka imid,labaatan sanadood oo aanan garanayn waxaan ahaa ayaan halkaasi ku noolaa,yaa iga mujaahidsan adeer ee dhibtaa soo maray”. Agaasimaha bilicda ayaa markii uu intaa yidhi ee ay dadkii ku soo bateen meesha iskaga tagay hase yeeshee waxaa markii danbe ka dhacay buuq ay samaynayeen dad aad uga xumaaday masjidka albaabada laga degayo.
Dhismaha Dayrkan ayaanay dad badani fahmin waxa ay dawlada hoose uga jeedo inkastoo maayarku maruu ka hadlay uu ku macneeyay inay ka mid tahay qurxinta caasimada laga wado qayb ka mid ah,hadalkaasi maayarku ka soo yeedhay uma cuntamin dadbadan,waxaa kale oo beeniyay hadalkaa maayarka qaabka dayrka loo taagay Shalay oo u sansaan eg goob meherado waliba bakhaaro ganacsi ah laga furayo,arintaasi oo xoojinaysa wararkii la isla dhex marayay tan iyo maalintii dhagax la soo dhigay ee dadku isla dhex mariyeen hadalo ay ay ka mid yihiin waxaa laga iibiyay masuuliyiin dawladeed.

 

WARGEYSKA FOORE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here