AKHRISO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In La Beddeli Doonno Xubnaha Guddida Doorashooyinka

0
37

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inay ku talo jiraan inay bedelaan guddida Doorashooyinka, isla markaana wax ka bedeli doonaan tiradda guud ee xubanha oo ay ku qatan yihiin xisbiyada mucaaradka ahi.

Sidaasna waxa uu ka sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay laanta xisbiga UCID ee dalka Ingiriiska oo casho-sharaf loogu sameeyey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu tilmaamay in laga wada hadli doonno qaabka loo soo xulayo guddida Doorashooyinka iyo tiradda guud ee looga baahan yahay inay noqdaan si doorasho xalaal ahi u dhacdo.

War-saxaafadeedkaasi ka soo baxay xafiiska UCID ee Ingiriiska waxay u qornayd sidan “Guddoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda waxa uu sheegey inay imminka meel fiican marayso diyaargarowgii diiwaangalintu, Komishanka Doorashooyinkuna ay qabteen shaqo fiican, tijaabadiisana ay sameeyeen. Waxa Guddoomiyaha UCID caddeeyey in Guddida Doorashooyinka Qaranka la beddeli doono, suurtogalna ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo xubnaha uu ka koobnaan doono Komishanka Doorashooyinku, hasayeeshee, arrintaas laga wadahadli doono,”

koomiishanka-doorashooyinkaEng. Faysal Cali-waraabe oo ka qaybgalaya shir ay leeyihiin xisbiyada The Socialist International oo xisbiga UCID xubin ka yahay, kaasoo dalka Mexico ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika ka furmaya shalay, socona doonaa ilaa Salaasada maanta ah, waxa uu sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo damacsantahay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan badhtamaha sannadka 2015, isagoo xusay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay weli go’aan ka gaadhin in labada doorasho la is-raaciyo iyo in midba mar la qabto. Hasayeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 12 June ee sannadkan soo jeediyey in aan mar la wada qaban doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaannu ku baaqay in labada doorasho mid walba gaarkeeda loo qabto, isagoo hore u soo jeediyey in tiradda guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ah 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood oo saddexda xisbi qaran mid walba saddex xubnood magacaabo. Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland tahay mid aad u hoosaysa, isla markaana ay mareyso in waddamada jaarku xidhaan xuduudka ay la wadaagaan Somaliland, arrintaasoo uu ku sifeeyey inay muujinayso hoos-u-dhac ku yimi siyaasadda khaarajiga xukuumada madaxweyne Siilaanyo. Waxaa kale oo uu sheegey in khilaafkii ka taagnaa degmada Taleex lagu dhameeyey guul, lana qareemeyey maleeshiyaad degaanka ah, maamulna loo sameeyey degmada Taleex ee Gobolka Sool, arrintaasoo uu ku dooday inay tahay talo uu soo jeediyey kulankii madaxweynuhu golayaasha qaranka isugu yeedhay ee lagaga tashaday arrimaha Sool iyo guud ahaanba xaaladaha Somaliland.

 Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegey in loo baahan yahay in shacabka laga wacyigeliyo qabyaaladda oo uu xusay inay Somaliland ku noqotay cudur faafaya oo dilaa ah oo dhallinyaraddii maanta ay ku hadlayaan afqabiil, aqoonyahankeeniina ay ku dagaalamayaan qabiilnimo, isagoo sidoo kale xusay in hoggaaminta dalku tahay mid liidata (poor leadership) oo aanay jirin wax dabogal ah ama la xisaabtan (control & monitoring) lagu sameeyo masuuliyiinta wasaaradaha si loo ogaado shaqo wanaagooda iyo khaladaadka ay samaynayaan, waxna looga qabto.

Guddoomiyaha UCID, ayaa iftiimiyey inay dalka Somaliland ka jiraan caddaallad-darro baahsan iyo maamul-xumo uu sheegay inay dabada ka riixayaan siyaasiinta iyo masuuliyiinta Golaha Wasiirrada ku jira, shaqooyinkana loo kala badsado hadba sidii beeluhu u kala wasiirro badan yihiin”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here