Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si wayn uga dayriyey heerka uu marayo qishka ama eegashada imtixaanaadka shahaadiga ah ee laga qaado fasallada 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa 4-aad ee dugsiya sare ee dalka.
Guddoomiye Daa’uud oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Jamhuuriya shalay, waxa uu sheegay in loo baahan yahay gurmad loo galo sidii looga hortagi lahaa sii socoshada qishka imtixaanka oo saamayn taban ku yeelan doona mustaqbalka dalka, isagoo ka warramay dhacdooyin fadeexad ah oo ka soo baxay imtixaankii sannadkan ee la qaaday dabayaaqadii bishii June ee sannadkan 2014, inkasta oo uu qiray imtixaanka sannadkani ka fududaa kuwii hore.
“Sannadihii u dambeeyeyba waxaannu ku dadaalaynay in sidii imtixaanka loo fududayn karayaba loo fududeeyo, waayo waxaad moodaa in sannadba sannadka ka dambeeya ardaydu yar liidato, annaguna waxaannu ku dadaalaynaa in imtixaanku ardayda la yar jaanqaado. Markaa waa runtood oo sida ardaydu u sheegayaan waxbaa ka jira oo sannadkan annaga xafiiska Imtixaanaadka ayaa imtixaanka sameeyey, awalkii hore macallimiinta ayaa samayn jiray oo iyagu mar walba raaci jiray manhajka uun haddii casharradiisa la dhigo iyo haddii aan la dhiginba, laakiin annagoo tixraacayna natiijadii sannadkii u dambeeyey ee 2013-kii oo hoosaysay oo ka fikiraynay in aanay tii oo kale dhicin ayaanu isku daalac-naasilnay. Imtixaan fudud oo dhulka ahi muu jirin ee qaabka ayaanu ka wax ka yar beddelnay, waxa kale oo caawiyey buugaag aannu ka samaynay imtixaannadii sannadihii hore la qaaday. Ardyada laftooduna sannadka si wayn ayey u dadaaleen oo taasina qayb ayey ka qaataday,” ayuu yidhi Daa’uud.
Haseyeeshee, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay qish aan hore loo arag oo ardaydu la yimaadeen, iyagoo isticmaalaya habab telefoonnadu ugu badan yihiin, waxaannu yidhi, “Nasiib-darro sannadkan waxa aad noogu badnaa qishka ama eegashada imtixaanka oo ahaa qayrul-caadi, markaa haddii aannu imtixaanka jilcinno oo eegashaduna (qish) badato taasi natiijadeennii ayey hoos u dhigi doontaa, ardayda waxaan kula talinayaa mar haddii imtixaankii la fududaynayo waa in qishka la joojiyaa, sannadkan weliba qoladii ilaalinaysay imtixaanka dhaliil badan ayey lahaayeen.
Arrintan waxaan jecelahay in aan Somaliland oo u jeediyo xataa culimo badan ayaan kala hadlay in dadweynaha laga wacyigeliyo, waxaad arkaysaa ardaygii oo wadaad ah oo gadh leh oo xalay salaatu-layl tukaday ayaa haddana subaxii markuu imtixaanka galo sidii doono ayuu u qishayaa, markaa waxa isku kay qaban la’ xadiiskii Nebiga (NNKHA) ee ahaa ‘qofka wax qishaa naga mid maaha’ iyo waxan la samaynayo. Waxaanad moodaa in ardaydii, waalidkii iyo macallimiintii ilaalinaysay in aannu dareenkaasi ku jirin oo ay u arkayaan qishka sidii wax iska caadi ah oo aanay diintu diidin.
Sannadkan waxa aad noogu badnaa oo ardayda oo waraaqaha imtixaannadooda ku qoray lambarro telefoonno, halkan waxa ka sheegayaa ardaygii warqaddiisa imtixaanka lambar telefoon ku qoray maadadaasi waa laga tuurayaa ama waa waxba kama jiraan iminkaba ha ku xisaabtamin haddaad xariif ahayd iyo haddii kaleba, weliba gobollo aan hore looga aqoon ayaa sannadkan lambarrada telefoonnada ku qoray sida Gabiley oo kale oo aannu ka yaabnayba. Ardayga dugsi sare ka baxayaa inuu jaahil noqdo waa ayaan-darro, qaar baa laga yaabaa inay u haystaan inuu Daa’uud (isaga) saxayo imtixaanka, waxaan u sheegayaa imtixaanka marka la saxayo magacyada ardayga iyo dugsigaba waa laga jaraa, lambar ama wixii kale ee warqadda lagu qorana waa la helayaa oo dad baanu arrintaa lacag ku siinaa oo ka shaqeeya, warqad keliya oo lambar ku qoranyahay sixidda looma sii daayo, waana waxa inta badan habsaamiya. Ta kale macallimiinta waxaan u sheegayaa arrintani cay bay ku tahay oo marka warqadda imtixaankii aad saxaysay laguugu soo qoro lambar lacag lagaaga soo diro taasi waxa weeye macallinimadaadii iyo dadnimadaadii ayaa la dilayaa, waanay arrintan ka gilgishaan.”
Guddoomiyuhu waxa uu digniin u diray waalidiinta carruurtooda lagu helo inay qish sameeyeen imtixaanka, “Waxaan waalidka uga digayaa berri marka ardaygaagu keeno darajada D- ama uu dhaco waxaad la soo boodi doontaan wiilkayga ama gabadhaydu darada A buu ahaa oo kuwii isagu uga shaqeeyey ayaad darajada A siiseen, horta su’aasha is waydiin leh waxa weeye isagu inuu uga shaqeeyo ka kale ayaa u fasaxay? Markaa xaq waxa waalidkaasi loogu leeyahay in darada hoose ee ardaygiisu keenay laga tirtiro, waayo isagaa ka markhaati ah inuu sharci-darro ku kacay, waxaanad moodaa in carruurtii maskaxdii ka qabsadeen waalidkii oo iminka waxaynu gaadhnay heer ay hawadooda inagu xukumaan. Markaa waalidka waxaannu sheegaynaa arayda noocaas ah liis baanu ku soo saaraynaa, maadooyinka waa laga baabiinayaa, waalid kasta oo noo yimaadana waanu u sheegaynaa sababta aannu uga baabiinay.”
Guddoomiyaha la waydiiyey inay jiraan waxyaabo u qorshaysan xafiis ahaan si looga hortago qishka imtixaanaadka, waxa uu yidhi, “Horta waxa na hagraday shirkadaha isgaadhsiinta ama telefoonnada, imtixaanka maadada ugu badan waxa lagu jiraa laba saacadood, inkasta oo aanan qoraal kaga dalban waxaan hore warbaahinta ugu mariyey oo shirkadaha isgaadhsiinta aannu ka codsanay labada saacadood ee imtixaanku socdo inay noo xanibaan adeegga farriinta (massage), waayo telefon ardaygu kuma hadli karo imtixaanka dhexdiisa, laakiin mushkiladu waxa weeye ardaygu inta uu marada hoosteeda geliyo ayuu farriin dirayaa. Markaa cidi dheg-jalaq noomay siin, shirkadaha isgaadhsiinta haddii waddaniyadi ku jirto way naga yeeli lahaayeen, waayo laba saacadood farriinta telefoonnada oo la xanibo waxba kumay waayeen.
Waxaannu isku daynay in aannu baadhno sida dunidu ula dagaalanto qishka, waxaannu internet, kadibna waxaannu galnay shabakad China leeyahay oo aannu ka eegnay sida ay ula dagaalameen qishka, waxaannu ku aragnay arrin naga yaabisay oo ah ardaydii dusiyada sare ka baxayey oo rag iyo dumar inta dharka oo dhan laga oo sidii hooyadood ku dhashay laga dhigay imtixaankii loo qaybiyey, taasi waxaynu qaadan karno oo diinteenu Islaamku wax ay ogoshahay maaha, qaabab kale oo dalal kale isticmaalaan oo ay ka mid tahay in labada arday isgarab-fadhiya loo dhiibo laba imtixaan oo kala duwan, taas oo ah ta ugu macquulsan kharash badan baa ku baxaya oo kama baxayno, dawladdu sanandkan imtixaanka dhaqaale badan ayey gelisay oo hay’adihii lacagta bixin jiray way ka baxeen, waanan ku hambalyeynaa dawladda, gaar ahaan wasiirrada waxbarashada iyo maaliyadda, laakiin dal yar oo curdin ah ayeynu nahay oo dhaqaale badan ma haysanno.”
“Haseyeeshee, Xafiiska imtixaanku intii lagu bilaabay ayuu marayaa oo dadna uma kordhin, xaqiiqduna waxa weeye xafiiskan waqtiga yar ee imtixaanka la qabanayo in la caawiyo mise in laga fikiro ballaadhintiisa ma jirto, waxaannu ka warwarsanahay sannadaha soo socda meel aannu wax ku saxnaba helimayno, iminka labada imtixaan ee fasallada 8-aad dugsiyada hoose iyo 4-aad ee sare mar baanu wada sixi lahayn oo la is barbar wadi lahaa si waqtigu noogu fududaado, laakiin ma wada sixi karno oo waxa na kelifaya meel wax aannu wax kala dhignaba ma hayno. Markaa Somaliland waxay u baahan tahay in xafiiska imtixaanaadka la ballaadhiyo, adduunyada kale markaad eegto caasimadda oo keliya ilaa labaatan xarumood ayey ku leeyihiin xafiisyada imtixaanku.
Haseyeeshee, waxaan is idhaa Somaliland waxbarashada danba kama leh xataa qurba-joogga, waayo waxaan arkaa dad yidhaa xafiisyada ugu shaqada badan ayaanu qiimaynay oo shahaadooyin siiya, laakiin xafiiskayaga oo 24-ka saacadoodba shaqeeya weli cidi noomay iman, marka laga tagiwaayo qolo dhallinyaro ciyaartoy agtayada ku ciyaari jirtay ayaa markii ay na arkeen in aannu maalin iyo habeenba shaqayno ayaa warqad na siiyey,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Ugu dambayntii waxa uu iftiimiyey cawaaqib-xumada qishka imtixaanaadku ku yeelan karto dalka, “Mustaqbalka haddii aan laga hortagi qishkan imtixaanka waxay noqon doontaa in ardayga inoo soo baxa ee jaamiciga ah wuxuu noqon doonaa eber, wasiirka mustaqbalku eber buu noqon doonaa, dalka oo dhamina eber buu noqon doonaa, arrintaasi waan gaadhsiiyey culimada iyo aqoonyahanka dalka gudo iyo dibadba ee gurmad bay u baahan tahay lagaga hortago arrintani, weliba waa la caadaystay oo dadka ilaalinaya laftooda qaar baa ku mamay oo lacago ku qaata, ardaygiina telefoon lacag laga diro ayuu isticmaalayaa. Xafiiska Imtixaanaadka dad cusub abuurimaayo ee waxaannu ka masuul nahay imtixaanka, waxaanna dadka iyo caalamkuba markhaati ka yahay in inta imtixaanku gacantayada ku jiro wuu sugan yahay ammaankiisu, laakiin marka uu gacantayada ka baxo ayuu intaas oo galdaloolo yeeshaa, dalna waxa uu horumar ku gaadhaa waa tacliinta iyo bulshada oo la dhiso ee siyaasad laguma gaadho. Markaa cid kasta oo dalka lexejeclo ka leh ha noqoto aqoonyahan, qurba-joog, shacab iyo cid kastaba in arrinta qishka gurmad laga galo,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.
Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax oo ka sheekeeyey fadeexado qish faraha ka sii baxaya oo ka soo baxay imtixaankii shahaadiga ahaa dhawaan la qaaday + saamaynta arrintani ku yeelan karto dalka mustaqbalka
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si wayn uga dayriyey heerka uu marayo qishka ama eegashada imtixaanaadka shahaadiga ah ee laga qaado fasallada 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa 4-aad ee dugsiya sare ee dalka.
Guddoomiye Daa’uud oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Jamhuuriya shalay, waxa uu sheegay in loo baahan yahay gurmad loo galo sidii looga hortagi lahaa sii socoshada qishka imtixaanka oo saamayn taban ku yeelan doona mustaqbalka dalka, isagoo ka warramay dhacdooyin fadeexad ah oo ka soo baxay imtixaankii sannadkan ee la qaaday dabayaaqadii bishii June ee sannadkan 2014, inkasta oo uu qiray imtixaanka sannadkani ka fududaa kuwii hore.
“Sannadihii u dambeeyeyba waxaannu ku dadaalaynay in sidii imtixaanka loo fududayn karayaba loo fududeeyo, waayo waxaad moodaa in sannadba sannadka ka dambeeya ardaydu yar liidato, annaguna waxaannu ku dadaalaynaa in imtixaanku ardayda la yar jaanqaado. Markaa waa runtood oo sida ardaydu u sheegayaan waxbaa ka jira oo sannadkan annaga xafiiska Imtixaanaadka ayaa imtixaanka sameeyey, awalkii hore macallimiinta ayaa samayn jiray oo iyagu mar walba raaci jiray manhajka uun haddii casharradiisa la dhigo iyo haddii aan la dhiginba, laakiin annagoo tixraacayna natiijadii sannadkii u dambeeyey ee 2013-kii oo hoosaysay oo ka fikiraynay in aanay tii oo kale dhicin ayaanu isku daalac-naasilnay. Imtixaan fudud oo dhulka ahi muu jirin ee qaabka ayaanu ka wax ka yar beddelnay, waxa kale oo caawiyey buugaag aannu ka samaynay imtixaannadii sannadihii hore la qaaday. Ardyada laftooduna sannadka si wayn ayey u dadaaleen oo taasina qayb ayey ka qaataday,” ayuu yidhi Daa’uud.
Haseyeeshee, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay qish aan hore loo arag oo ardaydu la yimaadeen, iyagoo isticmaalaya habab telefoonnadu ugu badan yihiin, waxaannu yidhi, “Nasiib-darro sannadkan waxa aad noogu badnaa qishka ama eegashada imtixaanka oo ahaa qayrul-caadi, markaa haddii aannu imtixaanka jilcinno oo eegashaduna (qish) badato taasi natiijadeennii ayey hoos u dhigi doontaa, ardayda waxaan kula talinayaa mar haddii imtixaankii la fududaynayo waa in qishka la joojiyaa, sannadkan weliba qoladii ilaalinaysay imtixaanka dhaliil badan ayey lahaayeen.
Arrintan waxaan jecelahay in aan Somaliland oo u jeediyo xataa culimo badan ayaan kala hadlay in dadweynaha laga wacyigeliyo, waxaad arkaysaa ardaygii oo wadaad ah oo gadh leh oo xalay salaatu-layl tukaday ayaa haddana subaxii markuu imtixaanka galo sidii doono ayuu u qishayaa, markaa waxa isku kay qaban la’ xadiiskii Nebiga (NNKHA) ee ahaa ‘qofka wax qishaa naga mid maaha’ iyo waxan la samaynayo. Waxaanad moodaa in ardaydii, waalidkii iyo macallimiintii ilaalinaysay in aannu dareenkaasi ku jirin oo ay u arkayaan qishka sidii wax iska caadi ah oo aanay diintu diidin.
Sannadkan waxa aad noogu badnaa oo ardayda oo waraaqaha imtixaannadooda ku qoray lambarro telefoonno, halkan waxa ka sheegayaa ardaygii warqaddiisa imtixaanka lambar telefoon ku qoray maadadaasi waa laga tuurayaa ama waa waxba kama jiraan iminkaba ha ku xisaabtamin haddaad xariif ahayd iyo haddii kaleba, weliba gobollo aan hore looga aqoon ayaa sannadkan lambarrada telefoonnada ku qoray sida Gabiley oo kale oo aannu ka yaabnayba. Ardayga dugsi sare ka baxayaa inuu jaahil noqdo waa ayaan-darro, qaar baa laga yaabaa inay u haystaan inuu Daa’uud (isaga) saxayo imtixaanka, waxaan u sheegayaa imtixaanka marka la saxayo magacyada ardayga iyo dugsigaba waa laga jaraa, lambar ama wixii kale ee warqadda lagu qorana waa la helayaa oo dad baanu arrintaa lacag ku siinaa oo ka shaqeeya, warqad keliya oo lambar ku qoranyahay sixidda looma sii daayo, waana waxa inta badan habsaamiya. Ta kale macallimiinta waxaan u sheegayaa arrintani cay bay ku tahay oo marka warqadda imtixaankii aad saxaysay laguugu soo qoro lambar lacag lagaaga soo diro taasi waxa weeye macallinimadaadii iyo dadnimadaadii ayaa la dilayaa, waanay arrintan ka gilgishaan.”
Guddoomiyuhu waxa uu digniin u diray waalidiinta carruurtooda lagu helo inay qish sameeyeen imtixaanka, “Waxaan waalidka uga digayaa berri marka ardaygaagu keeno darajada D- ama uu dhaco waxaad la soo boodi doontaan wiilkayga ama gabadhaydu darada A buu ahaa oo kuwii isagu uga shaqeeyey ayaad darajada A siiseen, horta su’aasha is waydiin leh waxa weeye isagu inuu uga shaqeeyo ka kale ayaa u fasaxay? Markaa xaq waxa waalidkaasi loogu leeyahay in darada hoose ee ardaygiisu keenay laga tirtiro, waayo isagaa ka markhaati ah inuu sharci-darro ku kacay, waxaanad moodaa in carruurtii maskaxdii ka qabsadeen waalidkii oo iminka waxaynu gaadhnay heer ay hawadooda inagu xukumaan. Markaa waalidka waxaannu sheegaynaa arayda noocaas ah liis baanu ku soo saaraynaa, maadooyinka waa laga baabiinayaa, waalid kasta oo noo yimaadana waanu u sheegaynaa sababta aannu uga baabiinay.”
Guddoomiyaha la waydiiyey inay jiraan waxyaabo u qorshaysan xafiis ahaan si looga hortago qishka imtixaanaadka, waxa uu yidhi, “Horta waxa na hagraday shirkadaha isgaadhsiinta ama telefoonnada, imtixaanka maadada ugu badan waxa lagu jiraa laba saacadood, inkasta oo aanan qoraal kaga dalban waxaan hore warbaahinta ugu mariyey oo shirkadaha isgaadhsiinta aannu ka codsanay labada saacadood ee imtixaanku socdo inay noo xanibaan adeegga farriinta (massage), waayo telefon ardaygu
kuma hadli karo imtixaanka dhexdiisa, laakiin mushkiladu waxa weeye ardaygu inta uu marada hoosteeda geliyo ayuu farriin dirayaa. Markaa cidi dheg-jalaq noomay siin, shirkadaha isgaadhsiinta haddii waddaniyadi ku jirto way naga yeeli lahaayeen, waayo laba saacadood farriinta telefoonnada oo la xanibo waxba kumay waayeen.