Hargeysa (Hbaal) Xasan Cabdi Caraale ”Xasan Jigraalo” Oo kamid haldoorka Odayaasha Gobolka Sanaag Gaar ahaana Ceerigaabo Oo Hargeysa Shirjaraa’id ku qabtay ayaa Ka hadlay Alabari beelaha Habarmagaado ay sheegeen Inay qabsanayaan, Shir ka dhici doona JIIDALI Isagoona is barbardhigay Shirkii Gar’adag iyo kan Xiligan ee Beelaha Habar Magaado waxana uu Xasan Eedayma Ujeediyay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Ugu horaynba Xasan Jigraale waxa uu Ka Hadlay Hadal haynta Shir beelaha Habar Magaado Yeelanayso oo Somaliland kusoo badanaysay
Waxanu Yidhi: ”Ayaamahan Waxan maqlayay qayla dhaan xukumaddu leedahay Bah HABAR-MAGAADO ayaa Dhulka rogaysa markaa waxan leeyahay Magaado Waa hooyo wax qabyaal ah ma samayso qabyaaladda Aaba sameeya halkaana aabe kuma dhex jiro Sheekh isaxaaq Sideed Nin Buu dhalay afarba isku bah bay ahayd afar bah Xabuushay ahayd Afarna Bah Magaaday Ahayd, Bah Xabuushona waxay iloowsantahay Shirkii Gar’adag bahnimo oo bah Xabuusho la yidhaahdo ayay ku galeen kursiga Madaxtooyadana 5-Sano Oo buura ah bay ku heleen markaa cidi ma wehelin cidi uma diidin oo waxa dalka haysatay dawlad UDUB La yidhaahdo oo anshax iyo akhlaaq u saaxiib ah anaguna waa ugu sacabaynay oo waa ku taageernay 5-tooda sanona cidi ugu tegi mayso oo laga boobi maayo cidina kuma caayayso calan ku burburayaana ma jiro inta u hadhayna hayska dhamaysteen laakiin wixi ka dambeeya dee tartan xor ah oo xalaal ah baa laga rabaa inay Soo galaan bah xabuushana markaa waxan leeyahay dee aamina afartiina kumaanyaal baaba shaqo ku helay”
Oday Xasan Jigraale Oo Hadalkiisi Sii Wata Ayaa Yidhi. ”Habar Magaado 60-kii ayay maalin madaxa lasoo baxday Iyaddo Xisbi layidhaahdo xisbulaahi oo HABAR-YOONIS qudha ku koobani uu jiro ayaa loo yeedhay bah magaado laan mulaaxay isagu yimaadeen 57-Bay ahayd waxa layidhi ingiriis saynu isaga kicinaa SNM An samaysano baa la yidhi SNM Bay bah magaado halkaasi kaga Dhawaaqday waxa ka daba dhawaaqay beelihii kale ee Somaliland.
Xasan Jigraal Waxa Uu Faahfaahin Ka Bixiyay Sababaha Keenay In Xiligan Ay Soo Cusboonaato Xiisadaha Habarmagaado Waxanu Yidhi.
”Magaado waxa soo kiciyay RAMADAANTII ayaamihii ugu Horeeyay 24- Nin oo aan kamid ahay iyo laba xubin sharaf oo labadda beelood ah ayaa waxanu ka afurnay MAANSOOR Hotel waxanu isla soo qaadnay waar waalidku hadu dhinto sadex waxyaalood baa kasoo hadha ee kolay weli saalix ah oo uduceeya baa sadexdaasi ku jiree Magaado rabi bari maw Samaynaa oo maw ducaynaa ilaahayna dembi dhaaf mawga barinaa haa baanu nidhi sidaasanuna isku waafaqnay 24-ka yagaa nin iyo labadayaada xubin sharaf waxanu ku heshiinay in ala barigaasi la sameeyo labadda kalena inaan ogaysiino ayaanu ku tashanay waqtina an usamayno oo Rabadaan kadibna arintaasi ha noqoto ayaanu ku heshiinay maalintaa manaan soo qaadin wax kale oo dawlad duraya ama cid gaar ah looga hadlay kolkaa weli intaanan kuba baaqin ayaa dawladdi sal sal ka qaadayba Magaado wax la yidhaahdo kolkaa adeer waxan leeyahay Magaado wax dhib ah ma waddo iyagana waxan leeyahay Alabarigaasi lagu dhawaaqay waad samaynaysaan waa hooyo ha loo duceeyo hooyodu meelna kuma hadho ninka leh muxu sameeyay waxan leeyahay waa hooyaday Magaado, Waatii Xabuushaba shirkii garadaga afartuba usameeyeen ee.”
Xasan Jigraal Ayaa Beelaha Habarmagaado Ku Abtirsada Ku Adkeeyay Inay Ka Dhabeeyaan Mawqifkooda Ah In Ala Bari La Sameeyo.
”Magaado waxan ku adkaynayaa alabarigaas waa lagu dhawaaqay ee sameeya hana ka noqonina waa Axdi ninkii hooyadii diidana aabihii ma yeelo ”Hooyadii Inkiri Hadda Aabihiina Diid Ee Ogaada ala barigaas lagu dhawaaqay wa in laga dhabeeya oo hooyo laga ducaystaa meelna laysugu yimaadda
Xabuushona waxan leeyahay waar Dawlad baad tahay Ee Adeer Afar iyo Afar baynu kala Nahay Ee Afartaadu dee yaanay kula yaraanin taana aamin”
Waxa Uu Ugu Dambaynti Xasan Fariin Udiray Shacbiga Somaliland Sidoo Kalena Waxa Uu Carabka Ku Dhuftay Isku Dir Uu Sheegay Inay Xukumadu Ka Waddo Gobolka Sanaag.
”Dadweynaha Somaliland waxan leeyahay intaanu anaku is haysanay waanu ognahay in xuquuq aad leedihiin inay dhexyadda ku luntay waana ka sax mi doontaa Somaliland baynu isku nahay ee qaranimadda dhexdeena an ka ilaashano.
Gobolka Sanaag Dad layska hor keeni karo ma ah waa dad isku dhiig ah isku dhaqan ah si walba isu ah yaan dab laga dhex shidin oo laysku dirin dawladuna dadkan ay leedahay dheha jiidali laguma ala baryi karo waxan leeyahay qof waxan niyadi ku jira hadaanay ahayn ee aad ku ridanaysaan macno idiin samayn mayso