Buhoodle-(Hubaal)-Sadex Diyaaradood oo nooca Jesna (Cesna) loo yaqaan oo sida Madax-dhaqameed,Isimo iyo Siyaasiyiin ka tirsan dawlada federaalka ah ee Somalia ayaa maanta gelinkii hore ku degay Buhoodle,waxaa kaloo xoggaha Qarannews heshay tibaxayaan inay diyaaradaha qaarkood rakaabka la socday ka sakow dejiyeen Agab kale.Diyaaradaha ayaa dhamaantood ka soo dulay Muqdisho
Siyaasiyiinta la socday Diyaaradaha ka degay Buhoodle ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin xilal ka haya dawlada Federaalka iyo Xildhibaano ka tiran Barlamaanka Somalia oo intooda badani hayb ahaan ka soo jeedaan Koonfurta Somalia.
Ujeedada siyaasiyiintan iyo isimadu u yimaadeen buhoodle ayaa lagu sheegay ka qeyb-galka munaasibada ama xaflada caleemo-saarka Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan tuulada Saax-dheer loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo .
Geesta kalena Agabka kale ee diyaaraha qaarkood sideen ayaa u badnaa Agabkii xaflada Caleemosaarka Cali Khaliif
Xigasho: Qarannews