Hargeysa(Hubaal/OWN)Madaxweyne Siilaanyo Oo socdaal Caafimaad u tegey London Ayaa amray in uu kulan la yeesho Hogaanka iyo masuuliyiinta Laamaha Kala duwan Ee UK Xisbiga KULMIYE Uqaabilsan.
Warar Xog ogaal ah ayaa Sheegaya In baddi Saraakiishii Xisbiga Kulmiye ee Dalkaasi ka maageen inay ka qayb galaan kulanka Madaxweynuhu dabadda Ka Riixayo waxaana Goobta Shirka kasoo Xaadiray Xubno kooban Oo Metelayay Laamaha Qaarkood.
Xogaha Oodweynenews.com Ka helayso kulankii Xubnahan Tiradda Yar oo Badiido Lasoo Ladqabeeyay iyo Madaxweynaha Ayaa tibaaxaya in uu u badnaa Ashkato iyo dhaliilo aanay kala gaban Madaxweynaha oo Daaranaa Kala Qaybsanaanta iyo Burburka ku yimi Xisbigaasi kasoo intooda baddani sabab uga Dhigayeen Madaxweyne SIlaanyo.
Gorgortanka iyo Dooda kala Qaybsanaanta Xisbiga Ku timi Ee Xubnahani Madaxweynaha Dusha usaareen ayay ka doodayeen Wasiirka waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, wakiilka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaalle iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde oo goob joog ka ahaa Kulankaasi .
Waxanay meel Adag iska taageen Xubnihii koobnaa ee kulaankaasi La shaqaynta Xisbiga Kulmiye oo ay sheegen inay xataa gebi ahaanba luntay wada shaqaynti iyo is ixtiraamkii Shaqadda Ee Xisbiga.
Wararka ayaa intaasi Ku daraya in baddi saraakiisi Xisbiga Ee UK Uu galaaftay Khilaafkii Dhowaan Kulmiye Ka qarxay ee Muuse Biixi Iyo Axmed Siilaanyo oo ay Badidoodu mabda ahaan ka Cadhoodeen Talaabaddi Muuse Hankiisa Madaxtoyada Ku Hoose geeyay qaateena Go’aan ay Iskood isaga Bexeen Xisbiga Kulmiye.
Geesta kale iyaguna xubnihii La marti qaaday ee ka dhega adaygay kulan ay la yeeshaan Madaxweynaha ayaan Ka Hadal ujedadooda.
Xigasho: Oodweynenews.Com