AKHRISO: Lacagaha U Xerooda Shabakado Ka Dhismay Dalal Somaliland Ku Jirto Oo Si Casri Ah Uga Ganacsada Tahriibka Dadka

0
129

Warbixin ku saabsan geerida tahriibayaal ku dhintay badda Liibiya oo Laga dareemay Somaliland iyo qaabka shabakadaha isku xidhan lacagaha uga gurtaan dadka iyo saameynta Facebook ku leeyahay tahriibka

Burco (Hubaal)- Magaalooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn looga dareemayay geerida ka dhalatay dooni siday tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku geeriyooday doon xeebaha badda Liibiya ku xumaatay Axaddii toddobaadkan, kuwaasoo qaarkood u dhasheen degaannada Burco, iyadoo lacagta waalidiinta dadkaas dhalayna u gacan gashay kooxo shabakado ah oo si casri ah uga ganacsatada tahriibka dadka.

Tahriib

 

Weriyaha wargeyska Jamhuuriya ee gobolada bari oo arrintaas warbixin ka diyaariyey, ayaa sheegay in markii warka doonta tahriibayaashu degtay soo gaadhay Somaliland, gaar ahaan magaaladda Burco, jidadka magaaladda isla markiiba laga dareemay koox isugu jira haween, rag iyo dhallinyaro oo baadi goob ugu jira helista xog iyo war ku saabsan doonta degtay iyo magacyadda dadka ku jira, waxayna taagnaayeen meel kasta oo ay filayaan in wax war ah ka heli karaan.
“Doonta tahriibayaasha siday ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee toddobaadkii hore ka dhaqaaqday xeebaha Liibiya, iyadoo siday tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 114 qof, hasayeeshee, doontan ayaa la sheegay inuu ka xumaaday jiheeyihii hagayey, taasina ay sababtay inay ku dhex lunto, kuna asqawdo badweynta u dhexaysay dalalka Liibiya iyo Tuuniisiya ee waqooyiga qaaradda Afrika.

Sida xogaha kala duwan tilmaameen, markii doontaasi muddo laba maalmood ah ku dhex jirtay badweynta ayey degtay, balse ka hor intii aanay deign, ayaa la sheegay in markab kuwa badda ah oo laga leeyahay dalka Tuunisiya uu ka badbaadiey 25 qof oo ka mid ah 114 qof ee saarnaa doonta degtay, kuwaasoo lagu celiyey dalka Liibiya, laguna xidhay xabsiga lagu magaaco Khaatima ee magaalada Tripoli, ilaa hadda ma jiraan warar caddaynaya sida xaaladdu u dhacday,” ayuu weriyuhu ku yidhi warbixintiisa.

Waxa kaloo uu warbixintiisa ku iftiimiyey in xogo kala duwan oo la helay Xogaha muujiyeen in sannadihii u dambeeyey tahriibka dadku isku beddelay mid ganacsi oo macaash iyo lacago badan lagaga urursado tahriibayaasha ku qulqulaya dalalka Yurub, iyadoo ay samaysmeen shabakadu qaab casri ah dadka uga gacansada oo ka abuurmay waddamada Somaliland, Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya, kuwaasoo dadka tahriibaya, gaar ahaan dhallinyarta da’doodu ka yartahay 30 sanno jir qaab lacag la’aan ah uga saara magaalooyinka Somaliland iyo Itoobiya, wixii kharash iyo masaariif ku baxayana iyagu dammaanad qaada, balse marka ay gaadhaan xadka u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya ku dalaca xisaabta ku baxday muddada ay hayeen, waalidkoodana ka qaada lacago aad u badan.

Shabakadaha ka ganacsada tahriibayaasha oo ah qaar isku xidhan Somaliland ilaa laga gaadho Liibiya, waxa ugu magac weyn, uguna caansan kooxo la baxay ‘ma-gafe iyo ma-qade.’ Kuwaasoo xeryo iyo goobo dadka lagu hayo ka samaystay xadka u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan, iyagoo qorta telefoonnada waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka tahriibayaasha isugu jira carruur aan qaan-gaadhin iyo dhallinyar, kana dalbada lacago badan oo lagu furanayo ubadkooda.

Sida weriye Kayse Axmed Digaale ku sheegay warbixintiisa, waxa dhacda in ubadka oo aan waalidkoodu ka war ahayn si qarsoodi ah looga saaro magaalooyinka Somaliland, iyadoo lagu ururiyo goobo gudaha Itoobiya ah, loona sii gudbiyo dalka Suudaan oo ay marka dambe looga saaro dhinaca Liibiya, halkaasoo carruurta ka badbaada inay ku geeriyoodaan saxaraha Liibiya ama lagu guro jeelasha dalkaas la saaro doonyo tayadoodu aad u liidato oo sida qorshuhu yahay gaadhsiiya xeebaha dalka Talyaaniga.

“Marka waalidka la maqlsiiyo oohinta ilmihiisa lagu hayo xadka Liibiya iyo Suudaan, ayaa loo sheegaa in laga doonayo lacag dhan $3,500 (saddex kun iyo shan boqol) oo doollar oo la siiyo Magafe. Inta badana waxa telefoonnada loo diraa hooyooyinka oo ka beer jilicsan aabaha, lacagtaasina waa kharashka qofka tahriibayaha laga qaado inta u dhexeysa Somaliland ilaa xadka Liibiya, ka dib waxa loo gudbiyaa koox kale oo la yidhaah Maqade oo qaata $1,500 doollar, kuwaasoo tahriibayaasha ka qaada goobaha saxaraha ah ee lagu hayey, gaadhsiinaya caasimadda Liibiya ee Tripoli. Marka halkaas la gaadho waxa haddana ubadka tahriibka ah gacanta ku dhiga kooxo kale oo shabakadaas ka mid ah, kuwaasoo u qaada dhinaca magaalooyinka xeebta Liibiya, waxaanna waalidkooda laga qaadaa lacag dhan $400 doollar oo ah gaadiidka lagu geeyo xeebaha. Halkaas ayaana in muddo ah lagu hayaa, laguna ururiyaa ilaa inta ay gaadhayaan boqolaal qof si mar qudha loo wada saaro doon gaadhsiisa xeebaha Talyaaniga, waxayna kuwa doonta saaraa qaataan lacag dhan $800 oo doollar. Bal ogow shabakadaha ganacsiga tahriibta dadku midba mid ayuu u gudbiyaa dadka, ka dibna lacagta qaybtooda ayey qaataan.

Sida muuqata qoyska hal qof ka tahriibo waxa laga qaadaa lacag dhan $6200 (lix kun iyo laba boqol) oo doollar iyo weliba lacago kharashyo kale oo dheeraad ah, iyadoo shabakadaha dadka ka ganacsatada lacago malaayiin doollar ah ka helaan tahriibayaasha bil kasta, taasoo ku xidhan hadba tiradda dadka ugu xeraysan goobaha ay u samaysteen, tusaale ahaan 114 qof ee la socday doonta u dambaysay ee badweynta ku degtay toddobaadkii hore, waxa suurtogal ah in qofkiiba laga qaaday lacag dhan $6200 (lix kun iyo laba boqol) oo doollar, waxayna isku darka lacagta dadkaas laga qaatay noqonaysaa $706,800 (toddoba boqol iyo lix kun, siddeed boqol) oo doollar, nasiib-darro inta ugu badan dadkaasi waxay ku dhinteen badweynta, kuwa badbaadayna waxa lagu guray jeelasha Liibiya, lacagtoodiina waxay gacanta ugu jirtaa shabadadaha la baxay Ma-gafe iyo Ma-qade.

Qofka nasiibka leh waxa uu gudbaa dalka Talyaaniga iyo jasiirradaha kale ee ku yaal biyaha qaaradda Yurub, balse, waxa dhacda in dad aad u badan oo tahriibayaal ah ku geeriyoodaan saxaraha iyo badweynta, waxaanna ugu dambeeyey dadka ku dhintay doonta degtay Axaddii toddobaadkii hore. Waxa dhacda in marka qofku gaadho Talyaaniga uu haddana inta badan u gacan galo kooxo kale oo ka qaata lacag u dhexaysa $800 ilaa $1,000 doollar, kuwaasoo u fuddudeeya inay u gudbiyaan dalalka ka baxsan Talyaaniga ee Qaaradda Yurub, gaar ahaan Jarlamka, Sweden, Denmark, Switzerland iyo dalal kale oo Yurub ah, qofkuna iska dhiibo, qaxoonti ahaan loo diiwaangeliyo,” ayuu weriyaha Jamhuuriya ku yidhi warbixintiisa.

Kharashka badan oo kooxaha tahriibka dadka ka ganacsada dalbadan, waxa uu waalidiinta iyo qoysaska dadku ka tahriibaan ku keenaa culays dhaqaale, iyadoo cida dhaqaale ku filan haysataa iska bixiyaan lacagtaas, balse, waxa jira waalidiin badan oo aan awood dhaqaale u lahayn inay lacagtaas kumanaanka doollar ah bixiyaan, waxayna taasi ku khasabtaa inay xaraashaan guryaha iyo hantida kale ee ay leeyiin, halka qaar kalena lacago amaah ah raadsada si ay ubadkooda uga badbaadiyaan gacanta ma-gafayaasha iyo ma-qadayaasha qaabka casriyeysan dadka uga ganacsada.

Werwerka, walaaca iyo naxdintu waxa ay ka go’aan waalidka, gaar ahaan hooyada marka wiilka ama gabadha ay dhaleen gaadhaan dalka Talyaaniga, ugana gudbaan dalalka kale ee Yurub, iyadoo dhallinyarta ka gudba saxaraha iyo badweyntu markiiba shabakadaha bulshadu ku wada xidhiidho ee internet-ka, siiba facebook ku baahiya sawirro qurux badan oo ay ku galeen meelo indhaha soo jiidanaya, kuwaasoo si dhibyar u ilooba dhibka ay mareen.

Arrintaasina waxay sabab u noqotaa in dhallinyar badan u hanqaltaagaan sidii ay u geli lahaayeen socod tahriib ah, maadaama ay shabadakaha bulshada ee interner-ka ku arkeen sawirro qurux badan oo ay ku baahiyaan asxaabtooda kaga horeeyey tahriibka, waxayna kuwaasoo qayb ka yihiin, kaalin weyna ku leeyihiin tahriibka dhallinyaradda.

“Kuwa Ilaahay ka badbaadiyey halaaga tahriibka haddii ay asxaabtooda ku joogta Somaliland uga sheekayn lahaayeen halista tahriibkii ay galeen iyo dhibta ka gaadhay, waxa suurtagal noqon lahayd inay ka baaqsan lahaayeen tahriibka, ilaa haddana

ma jirto cid wax ka qabatay tahriibkan la degay xoogga iyo ubaxa dalka oo ah dhallinyarada, warna looma hayo guddidii madaxweyne Siilaanyo hore ugu magacaabay wax ka qabashada aafada tahriibka dhallinyarta Somaliland, waxaase muhiim ah in laga hawlgalo dabo-gal loogu samayn lahaa, tallaabana looga qaadi lahaa kooxaha carruurta tahriibiya,” ayaa lagu gunnaanaday warbixinta la xidhiidhay aafada tahriibka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here