Hargeysa(Hubaal) Gudomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa amar ku bixiyay in Radio Jowhar uu kaga guuro 24-saac gudahood dhismaha uu ku shaqeyso. waxana maanta xarunta idaacaddaas soo weeraray ciidammo ka tirsan booliiska degmada Jowhar, kuwasaoo hawada ka saaray Gebi ahaanba idaacadda.
Maxamed Abuukar Caseyr oo ah agaasimaha Radio Jowhar ayaa sheegay in ciidan booliis ah ay xoog ku galeen xarunta idaacaddaa, isla markaana damiyeen, ayna ku siiyeen amar in shaqaalaha idaacadda ay dibadda uga baxaan, wuxuuna intaas ku daray inay tuseen warqad uu kusoo amray guddoomiyaha gobolka in idaacadda la xiro
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa amar ku bixiyay shalay in muddo 24-saac ah ay uga guurto dhimasha idaacadda ay deggen tahay oo uu sheegay in ay soo codsatay wasaaradda xannaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya.
Caseyr waxa uu sheegay in xitaa haddii ay dhismahaas ka baxayaan aanay macquul ahayn in 24-saac gudahood ay uga guuraan, waxaana uu ku tilmaamay in go’aanka guddoomiyaha uu yahay mid soo booddo ah oo qayb ka ah qorshe uu ku doonayo inuu ku caburiyo saxaafadda xorta ah.
Radio Jowhar ayaa ah idaacada keliya ee ka howlgasha degmada Jowhar, iyadoo ah tan ay shacabka ku nool degmada Jowhar iyo daafihiisa kala socdaan xaaladaha is-bedelaya ee dalka ka jira.