AKHRISO: Maayirka Iyo Xildhibaannada Mucaaridka Ku Ah  Maayarka Gabiley Oo Khilaafka U Dhexeeya Uga Hadlay Siyaabo Kala Fog  

0
35

Gabiley (Hubaal)- Khilaafka u dhexeeya xildhibaannada Golaha Degaanka iyo Maayirka Gabiley, ayaa meel xun maraya, kadib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku wargelisay xildhibaannada qorshaha xil-ka-qaadista ah wada in khilaafkooda loo saarayo guddi gaar oo wax ka qabta.

golaha-deegaanka-gabileyXildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Gabiley, ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay farogelin ku hayso hawlahooda shaqo, iyagoo xusay in aanay garan sababta keentay in shaqadooda guddi gaar ah loo saaro, maadaama aqlabiyadda goluhu go’aansaday inay xilka ka qaadaan maayirka iyo ku-xigeenka.

“Golaha Degaanku waa gole la soo doortay, taladana isagaa iska leh, sida xeerkoodu awoodda u siinayo,   markaa aqlabiyaddii xildhibaannada go’aankoodu yahay inay xilka kala noqdaan guddoomiyahooga ma garanayo sabab ay Wasaaradda Daakhiligu u tidhaa guddi ayaannu hawshiinna u saaraynnaa. Goluhu iyagaa maayirka doortay shalay, maantana xilka inay kala noqdaan xaq bay u leeyihiin.” Sidaa waxa yidhi xildhibaan Cumar Cali Obsiiye oo hadal ka jeediyey casho-sharaf Md. Xasan Cawaale Caynaan oo Golaha Wakiillada ka tirsan u sameeyey xildhibaannada Golaha Degaanka Gabiley ee wada qorshaha xilka lagaga qaadayo maayirka.

Waxa kaloo xildhibaanku sheegay in mudanayaasha golahoodu dhawr jeer warbixino kala duwan u gudbiyeen guddoomiyahooga, waxbana aannu ka qaban, isagoo xusay inay markii dambe oggaadeen in aannu maayirkoodu maamuli karin golaha, taasina sababtay inay qaataan go’aanka ay xilka kaga qaadayaan.

“Hawshii Wasaarada Arrimaha Guduhu lahayd ee ahayd kormeerka iyo in sharciga nalagu ilaaliyo ayey ka baaqsatay, waayo, maanta may ahayn maalintii guddi loo soo magacaabi lahaa ee dib ayaannu u eegaynaa la odhan lahaa, annagana go’aankayagu waa mid, ujeeddadayaduna waa mid, waana sidii loo wanaajin lahaa nidaamka dawladiga ah,” ayuu yidhi xildhibaan  Obsiiye.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay xildhibaan Mustafe Sayid Abokor oo sheegay in aanay jirin cid dabada ka riixaysa xildhibaannada Golaha Degaanka Gabiley ee doonaya inay xilka ka qaadaan maayirka, waxaannu yidhi; “Waxaan leeyahay xukuumada tallada haysa, xildhibaannadu ma gayaan in maanta lagu yidhaa mucaarid ayaad tihiin iyo cidbaa idinka dambaysa, mana oggolin in dadka reer Gabiley lagu khuukhiyo cidbaa ka dambaysa, goluhuna waa Golihii Degaanka Gabiley, xisbiga ay doonaan ha ka soo baxaane, waxaannanu xukuumad ka codsanaynaa in shuruucda la ilaaliyo, xildhibaannada Golaha Degaanka Gabiley-na loo daayo go’aankooda, ka ay doonaan ayey dooranayaan, ka aannu doonana waannu ridaynaa.”

Dhinaca kale, Maayirka Gabiley Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa ka hadlay mawqifkiisa la xidhiidha khilaafka u dhexeeya isaga iyo xildhibaannada Golaha Degaanka, ‘Maan rag waa mudacyo afkood’ oo macnaheedu yahay in aanay dadku mar walba isku aragti wax ka noqon karin, khilaafna iman karo, hawshana la isku diidi karo balse mabda’ saxda ah yahay in la wadahadlo oo xal la gaadho,  dhibaatana aan laga dhigin wixii lagu kala aragti duwan yahay, iyadoo mar walba la eegayo maslaxadda caamka ah iyo gudashada wixii ummaddu u soo dooratay, noloshuna inta baaqi tahay ee bani’aadamku joogo khilaafku wuu jirayaa, waxana mar walba dhacaysa in dadku is qabto, waxna lagu kala aragti duwanaado, waxana khilaafka keena sidan wax ha loo dhigo iyo sidan wax ha loo dhigo. Sidani way qaldan tahay ee sidan ayay ku saxsan tahay. Waxa kaloo khilaafka keenaya   dimoqraadiyadda iyo nabadgelyada haddii aanay taasi jirin khilaaf ma yimaadeen. Khilaafku waa wax nolosha ka mid ah. Ilaahay SWT waxa aan ka baryayaa in khilaafkan soo dhammaado oo qaboobo, meel dhexena la isugu yimaad.

Anigu waxaan odhan lahaa goluhu in ay ku wanaagsan tahay inuu isagu dhexdiisa is-qabto oo isu yimaad, wadahadlo oo is qanciyo. Waa in isagu wixii qaldan iswaydiiyo oo dhexdiisa ka wadahadlo wixii khilaaf ah. Golahan shacabka ayaa soo doortay, waxaanay huwan yihiin sharaftii ummadda, sidaa darteed wixii isaga ka qaldama waxa habboon inuu dhexdiisa isa saxo oo isu yimaad. Waa in goluhu waxa ay dhinac kastaa doonayaan isu sheegaan, anniguna waxaan taageeri lahaa in goluhu tallaabadaa qaato oo dhexdiisa xal gaadho sida ugu wanaagsan ay u dhammaystaan khilaafkooda,” ayuu yidhi Maayir Shucayb oo waraysi siiyey shabakadda Hadhwanaag News.

Inta badan aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Degaanka Gabiley, ayaa ku hawlan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen maayirka iyo ku-xigeenkiisa oo ay ku eedeeyey maamul-xumo iyo musuqmaasuq, balse xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hortaagan in Maayarka xilka laga qaado, arrintaasoo keentay in mudanayaashu aad uga cadhoodaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here