Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo dhawr iyo labaatan Suldaan oo Reer Awdal ah ayaa shalay kulan Garnaqsi ah oo saacado badan socday gelinkii hore isku haleelay qasriga Madaxtooyada Somaliland kulankaasi oo la sheegay in uu daarnaa dalab ay siteen Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.
Wararka aanu ka helayno kulankaasi ayaa la sheegay in ay dhinaca Madaxweynaha ku wehelinayeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Madaxweyne ku xigeenku iyada oo odayaasha dhaqanka beelaha Awdal Madaxweynaha u gudbiyeen dood adag oo la xidhiidha saluug badan oo ay ka qabaan dhinaca Saami qaybsiga awoodeed iyagoo beesha Dhexe ku duray in ay san-bursi badan ka heshay awood qaybsiga Maamul ee Somaliland iyaguna ay dood badan ka qabaan arrintaasi taasi oo keentay in ay manta la gole yimaaddaan.
Kulankan shalay Qasriga ku dhex maray Madaxweynaha iyo Madax dhaqameedka ka soo jeeda Gobolka Awdal oo wararku sheegayaan in uu saacado badan qaatay ayaa ahaa mid aad u kulul oo salaadiinta reer Awdal ku soo gudbiyeen dood adag oo la xidhiidha in aanay saami ku filan reer ahaan ka helin xukuumadda Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah xukuumaddiisa ayay wararku sheegayaan in ay faahfaahin ka bixiyeen nidaamka saami ee beelaha Somaliland iyo sida ay illaa imika xukuumaddu ugu heellan tahay in ay dhammaan dadka dega Gobolada Somaliland ugu heellan tahay in ay ka siiso saami qanciya. Inkasta oo kulankan aan saxaafadda loo ogolayn hadana waxa ay wararku sheegayaan in Madaxweynaha iyo xubnaha dhiniciisa kulankan ku weheliyey ay odayaasha ku qanciyeen in kulamo dambe la isaga iman doono arrinkan beelaha Somaliland-na u siman yihiin dhismaha maamulkooda dawladnimo cid gaar ahna aan loo sad burin Karin cid kalena la qadin Karin. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale ah ee ay isku waajahaan Madaxweyne Siilaanyo iyo madax dhaqameedka Gobolka Awdal oo in muddo ahba ka hadlayay saluug badan oo ay ka qabaan xukuumadihii kala dambeeyey sida aanay saami ku filan u siin dadka Gobolkaasi.