Hargeysa (Hubaal/HWN) – Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta Reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay war farxad leh tahay in uu madaxweynuhu markii ugu horeysay si waadax ah uga hadlo xaaladiisa caafimaad.
Waxa uu sheegay in caafimaadka Madaxweynaha Somaliland ka mucaarad ahaan ay ku faraxsan yihiin caafimaadka taamka ah ee Madaxweynaha Somaliland “Waxa aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aanu aad ugu faraxsanahay caafimaadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waayo in uu madaxweynaheenu inoo caafimaad qabaa waxa ay guul u tahay qaranka Somaliland.
Waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu taam uga dhigo caafimaadka, waxaanay runtii nagu noqotay wax na farxad geliyay markii aanu aragnay Madaxweynaha Somaliland oo sidii looga bartay aan warqad ka akhriyayn Khudbadii uu habeenkii dhaweyd ka jeediyay casho sharaftii” ayuu yidhi.
Waxa uu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in uu ka digtoonaado Wax uu ugu yeedhay Guul wadeyaal kala dilaya saxaafada iyo Isaga “Waxa aan ugu baaqayaa madaxweynaha Somaliland in uu ka dheeraado guul wadeyaasha kala dilaya isaga iyo saxaafada, madaxweyne arrintaas dhug u yeelo ayaan ku leeyahay” ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu difaacay war lagu baahiyay shabakada Baligubadle oo ka hadlayay xaalada Madaxweynaha waxaanu yidhi “Waxa lagu baahiyay shabakada Baligubadle war ka hadlayay xaalada caafimaadka ee madaxweynaha Somaliland, may ahayn runtii wax lala yaabo waayo mucaaradkuba waxa ay ka hadli jireen xaalada Madaxweynaha, markaa waxa aan leeyahay yaan saxaafada col laga dhiganin” ayuu yidhi.
London/UK