AKHRISO: Magacyada Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeeddaan Dhalinyarro Lagu Laayay Muqdisho Oo Midkood Somaliland U Dhashay

0
24

Muqdisho (Hubaal) Dawladda soomaaliya ayaa shalay dil ku fulisay afar dhalinyarro ah oo ay ku eedeeyeen inay kamid ahaayeen kooxda Al shabaab, kuwaas oo mid kamid ahi ka soo jeedday beelaha Somaliland gaar ahaan Galbeedka Burco.

Fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska ee Muqdisho ayaa 8 Subaxnimo ee shalay waxaa lagu toogtay afartan nin oo ay ku sheegeen inay ahaayeen saraakiil Al shabaab ah oo muqdisho lagu qabtay.

Xubnahan ayaa warku sheegay in kan Somaliland u dhashay uu ka soo jeedday beelaha Habar yoonis, halka saddexda kale ka ahaayeen beelaha Hawiye gaar ahaan laba Habargidir ah, iyo mid Duduble ah

raga dilka lagu fuliyay

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Afartan Saaka la Toogtay ay falal qaraxyo ah hore uga kala fuliyeen magaaladda Muqdisho oo kala ahaa, Labo hore u dilay Askari ka tirsan Ciidamada XDS, Shaqsigii soo abaabulay Qaraxii Maka Al-mukaramma ka dhacay iyo mid kale oo Degmada Deyniile Ciidamadu ay ku soo qabteen isagoo Hoobiyeyaal wada

Caawiye Axmed Jaamac ayaa maxkamaddu ku heshay inuu ahaa ninkii geystay qaraxii ka dhacay gudaha Hotelka Maka Al-Mukarama eemagaalada Muqdisho kaasoo Computer loo adeegsaday,

C/naasir Khaliif Baale iyo Mustaf Maxamed Shidane  ayaa Maxkamadu horay u xukuntay kadib markii ay dil bareer ah u geysteen askari katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda Al Baraka ee degmada Hodan.

Nuur Cabdulle Cawaale oo ah ninka 4aad ayaa ciidamada amniga dowladda Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen isagoo ku howlan madaafiic lagu garaaco magaalada Muqdisho islamarkaana wata qoriga Hoobiyaha kaasoo lagu qabtay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Inta lagu gudajiray Bisha Ramadaan ayaa sidoo kale Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxaa ay Toogatay Labadii Wiil ee Dilay Gabadhii Ardayada aheyd ee Nafiso Cismaan ee Muqdisho lagu Dilay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here