AKHRISO: Maxjar Saddexaad oo ay ku shuraakoobeen Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa oo laga Yagleelayo Berbera

0
28

Berbera(Hubaal) Maxjar Saddexaad ayaa maalmahan aad loo hadal hayaa in laga Yagleelayo magaaladda Berbera, kaasoo hadal hayntiisu abuurtay in uu ku soo kordhin doono Dalka culays iyo loolan dhinaca Adeega ay Maxjaradu u fidiyaan Xoolaha ka dhoofaya Dekedda.

Maxjarkan cusub ayaa la bilaabay qorshihiisa, waxaana ku shuraakoobay ganacsatada iyo Xerroolayaasha Berbera, hase yeeshee lama oga nidaamka loogu talogalay in uu u shaqayn doono, maadaama labada maxjar ee jirra ee Al-jaabiri iyo Deero ay yihiin kuwo Ruqsado ka haysta Dalka Sucuudiga.

maxjar

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in aanu jirin wax Codsi ah oo uga yimi Maxjarkan, hase yeeshee waxa uu qiray inay jiraan Ragg lahaa Xeryaha Xoolaha qaarkood iyo kuwo Xoolaha dhoofiyaa in ay ku shuraakoobeen.

Dadweynaha Reer Berbera ayaa aad u hadal haya Xiisad la sheegay in ay ka taagan tahay Maxjarkan, taasoo ka dhex socota Maxjarada kale iyo kan cusub, hase yeeshee illaa hada wasaaradda iyo Xukuumaddu toona wax talaabo ah kamay qaadin.

Labada Maxjar ee hore u jiray ayaa leh adeeg Caafimaad oo sharciyeysan, kaasoo ay ogolaatay isla markaana Heshiis kula gashay Xukuumadda Somaliland, halka kan cusub aan la hubin maadaama aanu sharci haysan halka uu marinayo Xoolaha ay ugu talogaleen in ay mariyaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here