AKHRISO: Maxkamada   Midowga Yurub Oo Qaadaysa Dacwad U Dhaxaysa  Haweenay Muslim Ah Iyo Dawlada Faransiiska

0
72

Maxkamada Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadamiga ayaa ogolaatay in ay ka gar naqdo, dacwad xasaasi ah oo u dhaxaysa gabadh muslimad ah iyo dawlada Faransiiska, waxaanay dacwadaas oo lagu tilmaamay kuwa ugu xasaasisan ee qarniga la hor keeno maxkamada ugu saraysa Midowga Yurub.

Gabadhan muslimada ah oo Maxkamadu diiday in magaceeda ay baahiso, waxa kaliya lagu soo gaabshay, (S.I.S), waxa ay dacwada iyada iyo dawladeeda Faransiiska u dhaxaysaa la xidhiidha xoriyada ay u leedahay inay xidhan karto indho shareerka ama Niqaamka oo hore Faransiisku u mamnuucay.

Maxkamada Midowga Yurub u Qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadamiga ayaa iyadu ogolaatay in ay ka garnaqdo, dacwadan u dhaxaysa Muwaadinad Faransiis ah oo Diinta Islaamka Aaminsan iyo dawladeeda, taas oo la xidhiidha xuquuqdeeda shakhsiga ah ee ay u leedahay inay xidhan karto indho shareerka.

MaxakamadaDawlada Faransiiska ayaa sanadkii 2010-kii Mamnuucday in dadku xidhan karaan astaamaha diiniga ah, ulana soo bixi karaan goobaha dadku ku kulmaan ee fagaarayaasha ah dalkaas, waxaana gabdho muslimiin ah oo xidhay indho shareer ku dhacay in laga eryay shaqadii halka kuwo kalana lagu ganaaxay boqol iyo konto Yuuro.

Gabadhan ayaa dood adag la gashay garyaqaanada difaacaya dawlada Faransiiska, waxaanay fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamada Hoose ee midowga Yurub hore u gashay, ay ka dalbadeen in ay wajigeeda faydo oo niqaamka iska qaado si dadku u wada aqoonsadaan, laakiin way diiday dalabkaas, waxaanay qareenada difaacaya gabadhani codsigaas ku tilmaameen mid lagu xaqirayo gabadhan oo muujinaya sida dacwadeedu u tahay mid cad in xad gudub lagula kacay gabadhaas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here