Wasaaradda Duulista oo soo rogtay cashuuro aan laga sharciyeyn Golaha Wakiillada + shirkad gaar ah oo kordhisay lacagaha laga qaado gaadiidka gudaha u gala madaarka Hargeysa
Farqiqa xad-dhaafka ah ee u dhexeeya cashuurta sharciga ah ee laga qaado dadka dhooyaasha ah iyo lacagta hadda lagu kordhiyey
$10 oo lagu soo rogay carruurta da’doodu 15 jir ka yartay oo an hore wax cashuur ah looga qaadi jirin
Hargeysa (Hubaal)- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku baaqay inay in goluhu kalsoonida kala noqdo Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, kadib markii Wasaaraddiisu dadka madaarrada ka dhoofa ku soo rogtay cashuur aan laga ansixin Golaha Wakiillada.
Sida ku cad Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada ee xeer Lr 61/2013) oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen 16 February 2013, madaxweynuhuna dhaqangalkiisa saxeexay 20 February 2013 waxa uu qoddobkiisa 4aad dhigaya in dhoofe kasta oo sita tigidh diyaaraddeed, isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah uu bixiyo takaaliif lacageed oo dhan ($10) toban doollar.
Hasayeeshee, Qoraal ogaysiis ah oo Maamulka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa khadka telefoonnada ugu diray dadweynaha, ayaa lagu sheegay in dadka ka dhoofaya madaarada Somaliland ee da’doodu ka weyn tahay 15 jir ku talogalaan cashuurta madaarka oo dhan $43 doollar, halka carruurta da’doodu ka yartay 15 sanno jir oo aan hore wax cashuur ah looga qaadi jirin hadda lagu soo rogay inay bixiyaan cashuur dhan $10 doollar, iyadoo tallaabadana ka horimayso xeerka Takaaliifka Amniga madaaradda oo dadka dhoofayaasha ah ku waajibiyey cashuur dhan $10 doollar oo qudha.
Xildhibaan Bashiir Tukaale Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, kana tirsan Golaha Wakiillada oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay, waxay tilmaameen in cashuuraha Wasaaradda Duulistu kordhisay yihiin qaar sharci-darro ah oo sababi kara in dadka qurba-jooga ah ku noqdaan culays dhaqaale oo keena inay mar dambe dalka ku soo dhiiraan waayaan, iyagoo xusay in aan cashuurtaas la kordhiyey la marin Golaha Wakiillada.
“Horta waxaan Golaha wakiillada la marin oo ummadda laga qaadi karaa ma jiraan oo waa xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah farriimo ayaa dadka loo soo dirayey la leeyahay lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa sharciga samaysta ninku (Wasiirka Duulista), waxan waa jeebkiisa, ummaddana waxaannu u sheegaynaa $10 doollar ayuu goluhu ansixiyay in dadka dhoofayaasha ah laga qaado, wixii kale waa sharci-darro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay lunsiga hantida ummadda ee la wado. Markaa waxaannu leenahay ummadda iska jira jeebkiinana gacanta ha gelinina arrintaasi waa xaaraane. waxaannu imminka soo jeedinaynaa sidii Golaha Wakiillada kalsoonida ugala noqon lahaa (Wasiirka Duulista), Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaannu ka qaadine.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.
Md. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa isaguna yidhi, “Ma filayo in Golaha Wakiilladu wax ka ogyahay cashuurta la kordhiyey, waanna xaaraan in la qaado cashuur aannu goluhu waajibin, dastuurka qaranka iyo xeerarka ayaanna sidaas caddaynaya. Marka laga yimaad sharciga arrin aan wanaagsanayn ayaannu u aragnaa cashuurta la kordhiyey, waxaannu u aragnaa arrin culays ku ah dadka qurba-jooga ah ee dalkooda imanaya iyo carruurta dalkooda iyo dadkooda la soo barayo ee waalidku tigidhada siday ku helaan Illaahay ogyahay in haddana madaarka lagu furto oo lacagta intaas le’eg ($43 doollar iyo $10 carruurta 15 jir ka yar) la waydiiyo, waxaannu aragnaa arrin aan maangal ahayn oo aan macquul ahayn,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte.
Waxaannu caddeeyey inay dabogal ku samayn doonaan lacagaha madaarada lagu qaado oo uu ku tilmaamay hanti uruursi aan sharciga meelna ka soo galin, kuna dhicin qasnadda dawladda, isagoo xusay in cashuuraha dadka qurba-jooga ah ee madaarada ka dhoofa lagu kordhiyey tahay mid qayrul-sharci ah haddii aan laga ansixin Golaha Wakiillada Somaliland.
Dhinaca kale, lacagaha cashuurta ah ee laga qaado gaadiidka dadweynaha ee gudaha u gala madaarka Hargeysa (Parking Fee) oo hore u ahayd $1 doollar, ayaa hadda la kordhiyey, waxaanna laga dhigay in baabuurka loo xisaabiyo hadba inta saacadood ee uu gudaha madaarka ku jiro, iyadoo haddii uu qaato muddo laba saac ah laga doonayo lacag dhan $2 doollar.
Waxaanna adeega maamulka baarkinka gaadiidka ee madaarka lagu wareejiyey shirkad gaar ah oo la yidhaah Delta Express, sida ku cad warqado lacag qabasho ah oo la siiyo gaadiidka dadweynaha ee gudaha u gala madaarka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, iyadoo madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray bishii Julay ee sannadkan 2014 hawlaha iyo adeegyada shirkadaasi ka fuliso madaarka .