AKHRISO: Qaylo-dhaan Dhiilo Xambaarsan oo ka hadlaysa Halista Caafimaad-darro ee Wershadda Dacar-budhuq ku yeelatay Dadka Deegaanka iyo Jawaabta Xukuumadda

0
46

 

“Wershadaha Harguhu kolley way iska leeyihiin dhibtooda, haddaan la ilaalin oo sida ay tahay looga shaqaynin, dhibaato way keenayan. Wershaduhu faa’iido iyo khasaareba way leeyihiin, waxase had iyo jeer….” – Xukuumadda Somaliland

Hargeysa,(Hubaal)- warbixinno laga diyaariyey saamaynta caafimaad iyo waxyeellada dadka iyo deegaanka ay ku leedahay Sunta loo isticmaalo hoodhinta Hargaha, ayaa daaha ka feyday dhacdooyin argagax leh oo shacabka ku dhaqan deegaanka Dacar-budhuq ka soo gaadhay Wershadda Hargaha ee ku taala agagaarka Dooxa Caloola oo u dhow degmada Dacar-budhuq ee gobolka Saaxil.
Laba wershadood oo lagu hoodhiyo Hargaha, ayaa ku yaalla degmada Dacar-budhuq, kuwaas oo mid ka mid ah ay leeyihiin maal-gashato u dhalatay dalka Shiinaha, halka wershadda kalena ay leeyihiin maalgashato u dhalatay deegaanka Dacar-budhuq. Wershadda ay leeyihiin maal-gashatada u dhalatay dalka Shiinaha oo ka ksamaysan goob u dhow Dur-dur biyo-mareen ah oo dadka deegaanku ka cabbaan, waxaana dhacda in xilliyada roobta ay suntu gaadho biyaha dur-durka ee ay dadku manafaadsadaan, taas oo saamayn dadka deegaanka ku keentay saamayn dhinaca caafimaadka iyo deegaankaba ah.

CHINESE-FACTORY-IN-LASGEL
Somaliland gudaheeda waxa tobankii sanno ee u dambeeyey laga hirgeliyey Saddexda wershadood ee Hargaha lagu hoodhiyo, kuwaas oo laba ka mid ahi ku yaallaan deegaanka Dacar-budhuq ee gobolka Saaxil, halka wershadda saddexaadna ay ku taalo deegaanka Halleeeya ee Bariga magaalada Hargeysa.
Xubnaha Qurbejoogga iyo Aqoonyahanka isugu jira oo u dhashay deegaanka Dacar-budhuq, ayaa baaq qaylo dhaan ah oo xukuumadda iyo hay’adaha deegaanka ilaaliya ay ku direen ku sheegay inay baadhis iyo daraasad ay sameeyeen ka dib ku ogaadeen in sunta Wershadda Hargaha ee Dacar-budhuq ay sababtay dhimasho, dhaawacyo iyo xannuunno Kansarku ka mid yahay iyo dhibaatooyin ka soo gaadhay hooyada Uurka ah ka soo gaadhay dadka deegaanka.
Qoraal dheer oo xambaarsan natiijada warbixinno iyo daraasado ay xubnahani sheegeen in laga sameeyey deegaanka ay wershaddu ku taallo iyo dadka ku nool, ayaa lagu soo bandhigay dhibaatoyin bulshada deegaanka ka soo gaadhay halista sunta lagu hoodhiyo Hargaha oo lagu daadiyo goobo ku dhow biyo-mareenka Durdurka ah, taas oo sida ay sheegeen dadka deegaanka ku keentay cudurro halis ah oo Kansarku ka mid yahay halka dadka qaarna u geeriyoodeen saamaynta ay suntan ku yeelatay.
“U kuur-gal dheer oo aanu ku bixinay wakhti iyo dadaal badan, waxaa noo caddaatay oo aanu ku guulaysanay in ay aakhirkii gacantayada soo gasho warbixin ka kooban dhawr iyo afartan bog oo si cilmiyaysan loogaga hadlayo dhibaatada warshadaha Hargaha, ha ugu sii darnaato taa dooxa Dacarbudhuq dhakada ka saaran. Waxa kale oo aanu hore u helnay warbixino cadcad oo dhab ah oo muujinaya dhibaatada wayn ee taala halkaasi ee aan indhaha laga qarsan karin oo ay xubno aqoon leh oo qurbajooga ka tirsan iyo kuwa gudaha joogaaba noo soo gudbiyeen. Waxa kale oo aanu la xidhiidhnay masuuliyiin waawayn ee ka tirsan xukuumadda oo noo xaqiijiyay dhibta halkaasi taala.

Haddii aanu ka soo qaadano dhawr qodob oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee la soo darsay dad, duunyo, dalag iyo xoolo waxaka mid ah kuwan: 1) Dhimasho, dhaawacyo, xannuunada kansarka, iyo dumarkii oo dhiciyey. 2) Biyo la aan aan laga cabin durdurkii ilaahay meesha kumanaystay. 3) Hawo xumo (suntii oo hawada raacaysa oo dad, dalag, iyo xoolaba sumaynaysa. 4) Barakac iyo magaaladii camirnayd oo laga guuro, in ay la tartanto qayrkeednadaa. 5) Caafimaad xumo iyo saxo xumo (saamaysay dad iyo xoolaba)oo joogto ah.

6. Xaaladuwaxay maraysaa in wixii awoodikaraa ay biyahadegaano kale u doontaan, kuwaaan karikarayni se ay ku kalifto in ay biyahaas suntaleh ka cabaan,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal dheer oo xambaarsan qaylo-dhaan iyo baaq ay Qurbejoogga iyo Aqoonyahanka ka soo jeeda deeegaanku u jeediyey Xukuumadda oo ay ka codsadeen inay wax ka qabato dhibaatada wershaddaasi ku hayso deegaanka ka hor inta aanay dadka deegaanka tallaabo qaadin.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaacil Baandare oo ah khabiir u aqoon u leh deegaanka isla markaana in-badan ka soo shaqaysay ururro ka hawl-gala ilaalinta deegaanka, ayaa Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey qaylo-dhaanka ka soo yeedhay aqoonyahanka u dhashay deegaanka iyo qorshaha xukuumad ahaan uga yaala inay wax kaga qabtaan dhibaatada wershaddaasi ku hayso deegaanka iyo shacabka ku dhaqan.
“Wershadaha Harguhu kolley way iska leeyihiin dhibtooda, haddaan la ilaalin oo sida ay tahay looga shaqaynin, dhibaato way keenayan. Wershaduhu faa’iido iyo khasaareba way leeyihiin, waxase had iyo jeer wanaagsan in laysu miisaamo faa’iidada iyo khasaaraha ay leeyihiin,” ayay tidhi Wasiirka Wasaaradda Deegaanka oo ka jawaabaysay su’aal weriyaha Himilo ka weydiiyey sida ay ula socdaan dhibaatooyinka caafimaad ee hadhaaga wershuduhu ku leeyihiin dadka iyo deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland waxa ay sheegtay in warbixinno kala geddisan laga diyaariyey daraasado loogu kuur-galay halista caafimaad iyo dhibaatada deegaan ee Sunta lagu isticmaalo hoodhinta harguhu leedahay, balse aan ilaa immika la qaadin tallaabo wax lagaga qabanayo halista ah looga wada-hadlay natiijooyinkii ka baxay oo ay xustay inay ku koobnaayeen shakhsiyaad iyo hay’ado si gaar ah isaga xil-saaray baadhis ay ku sameeyeen Wershaddaas oo ay ka mid yihiin xubno Qurbejoog ah oo deegaanka u dhashay, haseyeeshee waxa ay wasiirka Deegaanku ku doodday in la heli lahaa xal dawo u noqda dhibaatada wershaddaasi deegaanka iyo dadkaba ku hayso haddii si wada-jir ah loo wadaagi lahaa macluumaadka laga diyaariyo isla markaana lala kaashan lahaa xukuumadda.
“Adduunyada kaleba wershado noocan ah iyo qaar kale oo ka daranba way ku yaallaan, caalamkkuna immika tadawurbuu qaadanayaa marba marka ka sii dambaysa oo lagu hagaajinayo wax kasta oo wershaduhu soo saaraan oo lagu yaraynayo saamaynta ay deegaanka iyo dadka ku leeyihiin wershaduhu, iyaguna la mid uun oo haddii laysla qaato waxay noqonaysaa in laga tashado sida wax looga qabanayo,” ayey tidhi Marwo Shukri.
Wasiirku waxa ay Waraysiga Himilo la yeeshay ku xustay inay jiraan saddex wershadood oo Hargeysa iyo Saamaha ka shaqeeya, kuwaas oo ay xustay in dhammaantood laga diyaariyey warbixinno iyo daraasado, balse aan si wada-jir ah loo wadaagin xogta laga soo ururiyey oo ay sheegtay inay u baahan yihiin dib-u-eegis lagu sameeyo.
Marwo Shukri oo aanu weydiinnay in xubnaha Qurbejoogga ah ee baadhista ku sameeyey dhibaatada caafimaad ee wershaddaasi ku hayso deegaanka ay la socodsiiyeen Wasaaraddeeda, waxa ay sheegtay inay jiraan muwaadiniin ku xeel-dheer cilmiga deegaanka iyo wershadaha oo iskood isugu xil-qaamay inay daraasadeeyaan saamaynta sunta wershaha noocani ku leeyihiin bulshada iyo deegaanka. Waxaanay tidhi, “Waanu ka wada-soconnay, may ahayn Qurbejoog kale ee waxay ahaayeen rag aqoonyahan ah oo aad u yaqaanna deegaanka, gaar ahaan cilmiga wershadaha aad ugu takhasusay, waa rag iyaga qudhoodhu is-xilqaamay, wershadaha oo kaliya maahee, waxay nagala shaqaynayeen oo nagala taliyeen meelo badan.”
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka oo aanu weydiinnay Qorshaha ay wasaarad ahaan uga dejisan xal-u-helidda dhibaatooyinka deegaan iyo caafimaad ee sunta wershaha Harguhu geysan karaan, waxa ay ku jawaabtay, “Waa in lala kulmo dadkii wershadaha lahaa oo lala wadaago wixii macluumaad ah ee la hayo. Wershadaha qaarkood waanu taagnay, waxyaabo badan oo ay wanaajiyen waanu aragnay, qaybtayada deegaanka ka-shaqaysa, ayaa had iyo jeer daba-galkan sameeya, markaa wixii macluumaad ah ee aanu ururinnay Wasaaradda Wershadaha waanu la wadaagaysnaa, laakiin wax walba waa la sixi karayaa haddii laysku dayo in la saxo,” ayey tidhi Marwo Shukri Baandare.
Mar wasiirka la weydiiyey inay ka war-hayaan khasaaraha dadka deegaanka ka soo gaadhay Sunta ay daadiyaan Wershadaha Hargaha lagu hoodhiyo, gaar ahaaan wershadda ay leeyihiin maal-gashadeyaal u dhashay dalka Shiinaha oo ku taala goob u dhow dooxa mara Degmada Dacar-budhuq oo xilliyada roobka ay daadadku ku daraan biyaha dooxa, waxa ay sheegtay, “Macluumaadkaa ah dadka siday u waxyeelleeyeen ma hayno, had iyo jeer wershaduhuna muddo dheer ayay wax keenaan (saamaynta waxyeelladoodu ku soo baxdo) oo muddo gaaban wax kuma keenaan.Dadka shaqada ku leh ee gudaha ka shaqaynaya, waa inay wixii loogu talo-galay ee ay ku taxaddirayaan xidhaan, laakiin dadka dibaddu had iyo jeer haddii ay wax ku soo baxayaan, wakhti dheer bay qaadataa,” ayey tidhi Wasiirka Deegaanka Somaliland.

marwo shukri
Dhinaca kale, Wasiirka Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo saraakiil ka tirsan hay’adda FOA oo kormeer ku tagay xaruntii hore ee keydka Sunta Ayaxa ee duleedka Galbeedka Hargeysa oo la qorsheeyey in laga rarayo sunta Ayaxa ee ku xeraysan isla markaana lagu aasi doono meelo ka mid ah dalka si looga hortago waxyeellada ay deegaanka ku hayso.
Marwo Shukri Baandare oo aanu weydiinnay inay Wasaarad ahaan ka war-hayaan ama ay wasaaradda Beeraha isla waafaqsan yihiin in deegaamo dalka ka tirsan lagu aaso dalka suntaas, waxa Sheegtay, “Wasaaradda Beeruhu way ku dedaalaysay, dad khubaro ah oo eegaya meesha (Xerada Sunta Ayaxa) way yimaaddeen) oo si weyn baa loo ilaaliyaa. Haddii biyaha roobku soo qaadaan baaxadda dhibaatadu leedahay wasaaraddu way ka war-haysaa iyo halkay maraysoba, laakiin iyada qudheedhu waa arrin la doonayo in hawl weyn laga galo, annaguna waanu la soconnaa,” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland.
Warbixinno dhawaan lagu baahiyey warbaahinta caalamka, ayaa lagu soo bandhigay khatarta dhinaca deegaanka iyo caafimaadka bulshada ay ku leedahay hadhaaga suntan loo isticmaalo hoodhinta Hargaha ee ay geysato wershadda ay leeyihiin maal-gashatada dalka Shiinaha u dhalatay, taas oo goobta laga sameeyey ay u dhowdahay ama dhinaca ku hayso Dooxa Caloola oo ah dur-dur gu’ iyo jiilaal socda oo dadka deegaanku biyaha ka dhaansadaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here