AKHRISO Qeybta 2-aad Warbixin Uu Wargeyska Saxafi Ku Soo Qaato Tartanka Dekadaha Bariga Afrika Ka Jira Iyo Isku Dayga Jabuuti

0
99

Wariye Aidan Grange oo ka faaloodda ganacsiga geeska Afrika ayaa reji fiican ka muujiyey heerka  koritaanka dhaqaalaha dalalka Geeska afrika iyo tartanka dekadaha ku yaalla bariga Afrika ku jiraan.

Cadadkii hore ee Saxafi ayeynu ku soo qaadanay qayb ka mid ah warbixintan uu wariyuhu ka qoray horumarka lagu balaadhinayo dekadaha geeska Afrika Gaar ahaan Jabuuti oo doonaysa inay noqoto marinka ganacsiga bariga Afrika, isla markaana sanadkan samaysay saddex dekadood oo dhaqaale badan dalkeedda soo galinaysa.

deked

Jabuuti:

Wariye Aidan Grangeoo wali ka faaloonaya horumarka Jabuuti ku waddo Dekadaha casriga ah ayaa qoraalkiisa qayb ka mid ahi u qornayd sidan: “Mashruuca balaadhinta dekadda Dooraale ee Jabuuti ayaa shirkadda DP world dhisme cusub ku soo kordhisay si ay u labanlaabanto adeegyadda ay fulinayso, waxaana la sheegay in sanadkii 2013 ay dekadda ka soo Degeen Bagaash dhan 743,793 Tan ama Koontiinaradda 20 talaabo ah oo u dhigma 47% wadarta guud ee sanadkii.

Dekadda Dooraale oo haatan si xawli ah uu socota, waxa lagu qiyaasaa in 50,938 TEU soo maraan Dekadaas oo noqoneya wadaarta guud 800,000 TEU (TEU) waa cabirka Alaabta culus ee la soo saaro Markabka Labaatan-Foot and Equivalent Unit, taas oo ah awoodda gaadiidka Maraakiibta weelka iyo Boosteejada weelka).

Waxa intaas dheer wadooyin kala duwan oo la qorshaynayo inay isku xidhaan Jabuuti iyo Addis ababa iyo magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Suudaan iyo Ugandha.

waxa kale oo iyana jirta dadaal loogu jiro dhamaystirka wadadda Tareenka oo lagu qiyaaso inay ku kacayso lacag gaadhaysa $4 Bilion ee Addis-Ababa iyo Djibouti oo la dhamays tiri doono dhamaadka sanadka 2015, waxaana la sheegay in haddii Tareenkaasi hirgalo ay yaraynayso saacaddii loo socon jiray oo ahayd tobanka saacadood, kaas oo u dhexeeyey 800 km labadda dal.

Sidoo kale, wadadan tareenka waxay yareyn doontaa dhibaatooyinkii gaadiidleydu kala kulmi jireen dariiqa dheer ee labada wadan u dhexeeya sida Afduubka iyo isbaarooyinka la dhigto wadooyinka.

Wadanka Kenya:

Xaga wadanka Kenya, Maamulka Dekadaha Kenya Port Authority ayaa qorsheynaya in laga dhiso magaalada Manda bay ee Waqooyiga dalkaas, Dekada weyn oo isku xidhi doonta  Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya oo ay sii marin doonaan xuduudda Mooyaale ee galbeedka Kenya.

Inkastoo dib u dhacyo ku yimadeen dhismahaasi markii lagu dhawaaqay oo ahayd sanadki 2012-kii, hase-yeeshee, waxay dhowaan sheegeen maamulka Dekadaha Kenya in xagaaga sanadkan ay dib u bilaabi doonaan hawsheeda dhismaha Dekada Lamu ee Manda bay, waxana dhismahaasi ku kici doonaa aduun dhan $435 milion oo ay ku jiraan dhismaha wadooyin cusub oo isku xidhi doona Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, waxaana mashruucaasi ku guulaysatay shirkad Shiine ah oo magaceedda la yidhaa China Construction and Communicatio Company. Mashruucan ayaa Kenya u fududaynaya xidhiidh ganacsi oo ay la yeeshaan dalalka mandaqadda geeska Afrika sida dalalka Kenya, Ugandha, Koonfuurta Suudan iyo Itoobiya, oo suuqyadaasi dalalkaasi ay kor u sii kacayaan, taasina ay ka qaadi doonto culayska maraakiibta soo mara dekadda Mambaasa oo ah dekada ugu weyn dalka Kenya.

Shirkada Maalgashiga ee barriga iyo badda ee Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise (ESLSE) oo xarunteedu ku taal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa soo iibsatay Maraakiib casri ah, isla markaana maalgashanaysa dekadaha loo yaqaan dekadaha Qalalan ee  Xamuulka la dhigo si loo hagaajiyo adeegyadda uga soo degga dekadaha ay macmiisha leeyihiin, taas oo ay ka samaysanayso dalalka Dekadaha leh iyo wadankeedda dhexdiisa.

Shirkaddani waxa kale oo ay qorshaynaysaa in ay horumariyaan Afar Dekedood oo ah nooca qalalan oo ku kala yaalla wadanka Itoobiya, kuwaas oo kala ah magaalooyinka Mooyale, Mekelle, Woreda iyo Dire Dawa, waxaana la dhigi doonna koontiinaradda waaweyn waana xayn daab sida dekadaha oo kale u samaysan.

Sidoo kale, waxay shirkaddani kala shaqayn doontaa horumarinta wadooyinka iyo Waddo Tareenadda isku xidhi doonna wadamadda dekadaha leh iyo wadankoodda u dhexeeya,

“Sida hawshaasi loo amba qaado. Waxaa loo baahan yahay in la dejiyo nidaamka wadooyinka oo fududaynaya culayska haatan haysta Dekada qalalan ee Mojo iyo xidhiidhka dhamaan dalalka gobolka Geeska Africa sida Somaliland, Kenya, koonfuurta Suudan iyo Suudaan”ayuu yidhi Aidan Grange oo ka faaloonayey horumarka ka socda dekadaha geeska Afrika.

Waxaanu intaas ku daray  Horaantii sanadkan “Shirkadan Itoobiya  ayaa iibsatay gadiidka waaweyn iyo dhowr midh oo koontinaarada madhan oo ay mashiinadeedda ugu talogalay in lagu isticmaalo Dekada Djibouti si ay hawlaheedda kor ugu qaado.”

Sidaas oo ay tahay mashruucii ugu weynaa ee ay shirkadani maalgelisay ayaa ah Maraakiib casri ah oo lacagta ku baxday gaadhayso $300 million labaddii sano u dambeeyey, waxaana ay ku han weyntahay in adeegyada dekada Djibouti ay kor u qaadi doonto oo isku xidhi doonto Dekadaas iyo Qaarada Aasiya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here