AKHRISO: Qoyska Mid Ka Mid Ah Raggii Xukuumadda Somaliland U Dhiibtay Dalka Jabuuti Oo Ka Cawday Caddaalad-daro

0
31

Xaaladda caafimaad ee hooyada dhashay Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo wax war aan laga haynin

“Caddalad-darro ayaanu tirsanaynaa, waayo Dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa haddii qofka muwaadinka ah dambi galo in dalkiisa maxkamad lagu saaro…iminka cidda baadhaysa iyo cidda wax walba gacanta ku haysaa waa Jabuuti, markaa ma garanyno goorta Jabuuti dawlad inoo noqotay”

Gabiley (Hubaal/Jam)- Qoyska uu ka soo jeedo Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah mid ka mid ah

Dhawr qof oo xukuumadda Somaliland dhawaan u gacangelisay dawladda Jabuuti sababo la xidhiidha tuhunno qaraxyo ka dhacay caasimadda dalkaasi dabayaaqadii bishii May ee sannadkan, ayaa ka cawday caddaalad-darro lagula kacay iyo saamayn culus oo arrintaasi qoyskooda ku yeelatay.

Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah ee ugu horreeyey dad loo qabqabtay baadhitaanno la xidhiidha falka qaraxa ah ee Jabuuti ka dhacay, loona gudbiyey hay’adaha ammaanka ee Jabuuti, isagoo ciidamo boolis ahi ka qabteen waqti uu ku guda jiray shaqadiisa uu ka hayey xawaaladda Jubba ee magaalada Hargeysa horraantii 11-kii bishii June, ayaan ilaa hadda la garayn meel lagu hayo iyo nolol geeri midka uu ku sugan yahay maadaama uu hore u soo baxay war sheegayey in mid ka mid ah saddexdaasi rag ahi uu ku dhintay jeel ku yaal Jabuuti kadib markii loo gaystay jidh-dil iyo garaacis ay ciidanku u gaysteen, inkasta oo aan ilaa hadda jiritaanka warkaasi si rasmi ah loo xaqiijin.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ay walaalo yihiin muwaadinka xidhan, ayaa waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka ku siiyey Jamhuuriya xalay, waxa uu ka warramay caddaalad-darrada ay tirsanayaan iyo weliba xaalad caafimaad-darro la sheegay inay la soo deristay hooyadood kadib markii ay maqashay in mid ka mid ah raggii la waday xidhay weelkeeda uu geeriyooday.

Ugu horreyn, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlaya xaaladda caafimaad ee hooyadood, waxa uu yidhi, “Markii hore si wayn ayey u xannuunsatay, aad bay u naxday oo hurdo la’aan iyo xaalad caafimaad-darro ayaa ku dhacday, laakiin iminka way wanaagsan tahay, welwel, murugo iyo hurdo la’aani way haysaa, balse cusbitaal kuma jirto, hase ahaatee waa qof wayn oo dareemaysa dhibaato beer waalidnimo.

Dhibta ugu wayn ee ay tirsanaysay waxay ahayd damiga lagu sheegay in wiilkeedu galay oo ay u arkaysay inuu been abuur yahay, haddiiba tuhun jiro maxaa Jabuuti loo geeyey oo dalkiisa loogu xidhiwaayey? Isagoo aan ilaa hadda maxkamad la gayn, meel lagu hayana aan la garanayn.”

Waxa kale oo uu sheegay inay caddaalad-darro wayn ka tirsanayaan qabashada walaalkii iyo weliba sifaha loogu dhiibay dalka Jabuuti, waxaannu yidhi, “Caddalad-darro ayaanu tirsanaynaa, waayo Dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa haddii qofka muwaadinka ah dambi galo waa in dalkiisa maxkamad lagu saaro, waxa naloo sheegay in isaga dambiga looga dhigay inuu lacag diray, isaguna lacag dire shirkadda kamuu ahayn ee khasnajiga guud buu ahaa. Jabuutida ay sheegayaana shaqoba kumuu lahayn oo weligii muu tegin.

Qofku dambi wuu geli karaa oo waa bashar, waana la tuhmi karaan oo waa la masabadi karaa, laakiin waa in dalkiisa lagu baadho ama lagu maxkamadeeyo, iminka cidda baadhaysa iyo cidda wax walba gacanta ku haysaa waa Jabuuti, ma garanyno goorta Jabuuti dawlad inoo noqotay.”

Mar la waydiiyey inay arrintan kala kulmeen masuuliyiinta dawladda ama haynaa war sugan oo ku saabsan xadhiga wiilkooda, waxa uu ku jawaabay, “Ilaa hadda wax na qanciya ma hayno, dawladda markaanu wax ka waydiino waxay na odhanyaaan ninkaasi baadhis baa lagu hayaa oo waana la soo celinayaa. Taliyaha booliska waanu la kulanay, Wasiirka dhawr jeer ayaanu isku daynay, laakiin wuu ka warwareegay inuu nala kulmo oo wuxuu yidhi Taliyaha ayaa war idin siinaya, Taliyuhuna wax na qanciya namuu siin. Ilaa maanta waxa naloo sheegayaa waa la baadhayaa, wararka qaar waxay sheegayaan in jidh-dil loo gaystay, weli inuu nool yahay iyo inuu dhintay cid noo xaqiijisa ma hayno.

Markaa dhib iyo tacadi fara badan ayaanu tirsanaynaa oo uu u muuqda inay sidii budhcad oo kale naloola dhaqmeen, xataa qolada Sirdoonku qabiilkiisa ayey been ka sheegeen oo ay ku sheegeen nin ajaanib ah oo aan dalka u dhalan.”

 

Isagoo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey inay jirto cid kale oo ay cabashooda gaadhsiiyeen, waxa uu yidhi, “Waxa iminka nala soo xidhiidhay hay’adaha xaquuqal insaanka ee kala duwan, waanuna siinay warbixintayada, iyaga ayaanu ka war sugaynaa.”

“Maya, horta xadka Jabuuti wuu xidhan yahay, suurtogalna way noo noqonwayday oo kuwii Jabuuti u dhashay ee xidhnaa ayaan cidiba arki karin, iskabadaa cid kale oo ajaanib ahe,” ayuu yidhi Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey inay arrintan kala hadleen dawladda Jabuuti iyo in kale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here