AKHRISO: Ubadka Wasiir-Ku-Xigeenkii Xukuumaddu Habeen-badhka Qafaallatay Oo La Il-daran Suntii Gurigooda Lagu Weeraray Markii Aabahood La Qabanayey+ Hooyadood Oo Sheegtay In Sirdoonka UK Loo Diiday Inay Xabsiga Ku Booqdaan

0
44

 

Marwo Sacdiya Maxamed Cali oo ka dayrisay xaaladda laba carruur ah oo caafimaad-darro ka soo gaadhay suntii gurigooda lagu weeraray markii odaygeeda la qabanayey

Hargeysa (Hubaal)- Marwo Sacdiya Maxamed Cali ah oo ah xaaska Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Mr. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa ka dayrisay xaaladda caafimaad ee laba ka mid ah carruurteeda oo ay sheegtay inay waxyeello u gaysatay sun (Gas-Mass) ciidanka RRU-du gurigooda ku tureen habeenkii odaygeeda la qabanayey.
Marwo Sacdiya oo waraysi siiyey weriye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) shalay, waxa ay intaa ku dartay in labadan carruur ah oo mid da’diisu tahay saddex jir, ka kalena 8 bilood uu u sheegay dhakhtar ay u gaysay inay suntaasi u raacday hawo-mareenka, isla markaana aan dalka waxba lagaga qaban-karin, una baahan yihiin cusbitaal dibadeed, iyadoo xustay in aanay waqtigan suurtagal u ahayn arrintaasi, maadaama aabbahood xidhan yahay, iyaduna aanay haysan cid ay kaga tagto carruurteeda kale.
Su’aal: Waxaad ka warrantaa xaaladda caafimaad ee odaygaaga waqtigan?
Jawaab: Xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay, dhaawac soo gaadhayna ma jiro, laakiin ninkii kale ee dhaawaca ahaa ee la xidhnaa oo weli xabbaddii ku jirto ayaa ku jira jeelka oo dhiig u baahan oo sida nagu maqaalo ah in dhiig lagu shubo loo diiday, isla markaana arrintaas ayaa daboolka ka qaadday cadaawadda iyo masuuliyad-darrada xukuumadda talada haysa. Waxa kaloo jira laba carruur ah oo aan dhalay oo mid saddex jir yahay iyo mid 8 bilood jiro oo ay Gas-Mass u raacday hawo-mareenka. Markii aan dhakhtarka u geeyeyna wuxuu ii sheegay oo uu igula taliyey in dhakhtar dibadeed loo qaado. Kama tagi karo carruurta kale, sababta oo ah odaygiina wuu xidhan yahay.
S: Maxaad kala socotaa arrinta saraakiil ka mid ah sirdoonka Ingiriiska oo maalmihii u danbeeyey warbaahintu qoraysay inay xabsiga ku booqon doonaan Cabdillaahi Abokor?
Xaaska-CabdillaahiJ: Arrintaasi way jirtaa, laakiin waxaannu ognahay inay dawladdu diiddan tahay inay la kulmaan Cabdillaahi Abokor oo ay ugu tagaan xabsiga, waxana nagu maqaalo ah inay xukuumaddu u sheegtay qoladaas Ingiriiska ah inuu ku jiro xabsiga Mandheera, isagoo ku jira jeelka Hargeysa, markaa adigu waa xukuumad fashilantay iyo caadadeed oo ceebo aan qarsoomayn ayey daboolaysaa ee bal waynnu eegi halka ay kala soo dhacdo.
S: Ma jirtaa xog rasmi ah oo aad ka haysaan ciidanka idin soo weeraray habeenkii odaygaaga guriga lagala baxay cidda soo dirtay ama amarkaasi soo bixisay?
J: Haa, waxa na soo weeraray habeenkaas ciidan ka badan 70 askari oo watay 11 gaadhi oo tikniko ah, amarkaasna waxa laga soo bixiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Cabdillaahi Abokor aad looga tixgalin jiray. Sida ay sheegeen dad xogogaal ah oo xukuumadda ka tirsan amarka 1-aad waxa soo siiyey masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiliga Wasiirka Madaxtooyada Mr. Xirsi iyo Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee immika Cali-gadh-dheer.
Wasiir Xirsi wuxuu qorsheeyey in guriga la burburiyo oo beebee la dulmariyo, laakiin Cali Gadh-dheer ayaa amray in suntan khatarta badan lagu rido guriga, waxaanuna la yaabnay markii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu u sheegay odayaasha reerka in aannu ogayn weerarkii lagula baxay Cabdillaahi Abokor oo ahaan jiray masuulkii isaga ku xigay.
S: Ugu dambeyn, ma jiraa wax baaq ah oo aad u dirayso bulshada Somaliland, xukuumadda ammase beesha caalamka oo aad codsan lahayd?
J: Haa, waxaan jeclaan lahaa in aan farriin u diro bulshada Somaliland ee wanaagga jecel iyo beesha caalamka, kuwaas oo aan ugu baaqi lahaa inay ka dhiidhiyaan xumaanta iyo dulmiga xukuumadda Siilaanyo waddo, waxaanan kula talinayaa inay diidaan oo aanay aqbalin wax kasta oo caddaaladda ka fog. Annagu imminka waxaannu ka mid nahay dadka dulmiga ku dhacay oo waxa caruurtaydii loo adeegsaday sun ay Qarammada Midoobay joojisay sannadkii 1991-kii oo ka mamnuuc ah in dadka loo adeegsado, markaa run ahaantii waxa dalka ka dhacayaa waa nasiib-darrooyin jira oo aan loo dulqaadan karin oo waxaaban odhan karnaa waxa dalka ka dhacaya wax ka daran wixii ka dhici jiray waqtigii Siyaad Barre. Aniga aabbahay waxa uu ka mid ahaa raggii la isku xidh-xidhay ee lagu laayey meesha la yidhaa Mako-durduro ee dhawaan lafahooda la soo faqay, markaa wixii aabbahay u dhintay in maantana anigii iyo ubadkaygii lana dulmiyo waa nasiib-darro ee bulshada Somaliland ee caddaaladda jecel waxaan leeyahay ha yeelina dulmiga xukuumadda Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here