Hargeysa (Hubaal)- Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, ayaa laba aragti oo kala fog ka qaba sharciyada Golaha Wakiilladu xilka ku hayaan, iyadoo xisbiga UCID uu aaminsan yahay in xildhibannada Wakiilladu sharci darro ku joogaan xilka, balse xisbiga WADDANI oo guddoomiyahoodu yahay Shirguddoonka Wakiillada uu aaminsan yahay Golaha sharci-dejintu sharciyad kursiga ku fadhiyaan.
Guddoomiyayaasha UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mawqif ahaan aad u kala fog, maadaama ay isku khilaafsan yihiin sharciyada Golaha Wakiilladu muddo dhaafka xilka ku hayaan.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu meesha ka baxayaan, isla markaana aan loo dulqaadanayn cid sharci darro kursiga ku sii joogta.
“Xukuumadda oo kaliya maahee xataa Wakiillada meesha way ka baxayaan markay waqtigooda gaadho cid muddo dhaaf loo samayna ma jirto, wax abaabul ahna kama muuqdo xaga xildhibaannada iyo xukuumadda. Waxa aanu ka baqayna in Golaha Guurtida oo isagu bilaa sharci ku fadhiya inuu bilaa sharci kale kordhiyo, waddankana dulqaadkii yo barigii fataaxada laqaadan jiray way ka dhammaatay. cid fadhiyeysaa ma jirto marka waqtigoodu dhammaado waa in dawladduna meesha ka baxda, Wakiilladuna meesha ka baxaan oo dawlad ku-meelgaadh ah.
Laba doorasho meesha wayna ina sugayaan, abaabulna iyo wax xil kas ah oo xil iska saaranaya meesha kama socdo, waxaana la iska bartay int la iska seexdo oo hawshii qaranka la gudan waayo in haddana abaal gud la isku siiyo muddo kordhis, waxaannu doonayna in taas la soo afjaro, dastuurka la ixtiraama, shuruucda kale la ixtiraamo,” ayuu yidhi Eng. Faysal.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiillada aan maalin loogu darayn, sharci darrana ay waqtigan ku fadhiyaan, waxaannu yidh; “Addunka lama arag hay’ad waqtigeedu dhammaado oo meesha iska fadhida, adduunka lama arag hay’ad isu kordhisa sida Guurtida oo kale, adduunka lama arag hay’ad awood u leh in ay wax u kordhiso hay’ad wax u kordhisa, wixii oo dhan dalkeena lagu
arkaya, marka waxa weeyee si looga hortago in aan arrintu sidii hore ahaanayn, ixtiraamkii iyo dulqaadkii wuu dhammaaday, cid sharci u leh in waqtigeedii oo dhammaaday meesha sii fadhido ma jirto.
Waad ogtihiin dawladdii Rayaale markii waqtigeedu dhammaaday murankii la galay, annaga iyo KULMIYE in yar bannu u jirsanay in aanu dawlad ku dhawaaqno, maantana halkii bay taagan tahay, dawlad loo dhan yahay baa la samaynaya, laakiin dawlad waqtigeedu dhammaaday saacad loogu dari maayo, Wakiillada saacad loogu dari maayo, hadduu goluhu ku fadhiyaan bilaa sharci oo laba jeer loo kordhiyey, mar saddexaadkii bay gadhka u xoq-xoqonayaan, taasina wax dhacaya maaha. Marka waxaannu jecel nahay in dawladdu xilkeeda ka soo baxdo, sidii doorashooyinka iyo waxyaabaha ka qabyada la bilaaba loo baahan yahay, marka waa Cuqaanjay ku quuso.”
Guddoomiyaha WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa difaacay kursigiisa, isla markaana sheegay in Golaha Wakiilladu sharci ku fadhiyaan, isagoo ka jawaabay su’aal BBC laanteeda Afsoomaaligu waydiisay in golaha uu hoggaamiyaha ka yahay sharciyad ku fadhiyo in kale, wuxuu yidhi; “Sharci bay ku fadhiyaan Golaha Wakiilladu” laakiin wuxuu xisbiyada iyo mucaaridka kala midaysan yahay mawqifka ah in xukuumaddu ku talo jirto in ay muddada kordhisato, doorashooyinkana dib u dhigto, waxaannu yidhi; “Waxay u muuqata calaamad ahaan in xukuumaddu aanay dhiirigelinayn doorashooyinka, annaguna waxaannu doonayna si dimuqraadiyada Somaliland aanay u liicin in doorashooyinka waqtigooda lagu qabto.”
Geesta Kale, Afhayeenka Siyaasiyiinta ku bahoobay Madatasha Wadatashiga Muj. Ibraahim Dhego-weyne, ayaa xisbiga UCID ku waafaqay in Golayaasha sharci-dejintu ku fadhiyaan sharci darro, waxaannu yidhi;“Waa laga shaki qaba waxan ay ku jiraan, waayo Barlamaanka waqtigisii wuu dhacay kursi xaraanu ku fadhiya, Guurtida wuu dhacay, dawladdana wuu dhacaya, Koomishanka Doorashooyinkana wuu dhacaya.”
Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), ayaa muddo laba jeer ah muddo xiloodkooda oo ka dhammaaday isu kordhiyey, isla markaana waqtigana walaac laga muujinayaa in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilladu dib u dhac ka yimaao, iyagoo asxaabta mucaaridku qaylo dhaan ka soo saarayeen muddooyinkii u dambeeyey.