Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Xisbi-mucaaridka UCD Eng-Feysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxu ku magcaabay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Dalka France Md, Maxamed Ahmed Muuse Dirir iyo Gudoomiye ku- Xigeenka Md Idiris Ali Hassan Obsiiye Waxana qraalkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey shebekeddan caalammiga ah ee Oodweynenews u dhignaa sidan:-
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
ucid
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
Ref/UCID/32 /2014 Date /16/08/2014
Ujeedo: Xil-Magacaabis
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalka Banaan ee xisbaga waxa uu manta oo ay Taarikhdu Tahay 16/08/2014 Loo magacaabay Gudoomiyaha Dalka France Md, Maxamed Ahmed Muuse Dirir iyo Gudoomiye ku- Xigeenka Md Idiris Ali Hassan Obsiiye.
Ka Dib Markii Aad Looga Fiirsadey Isla Markaana Isla markaana Wada tashi Dheer Laga Galey Labada Masuul
Hadaba waxa la faray Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda u bilaabaan sida ugu dhakhsaha Badan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday.
Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu idiin fuduudeeyo xilkaa laydiin Magacaabey
ALLA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe