Hargaysa (Hubaal)-iyadoo laba maalmood oo kaliya ay ka hadhsan tahay maalinta ciida oo lagu wado in ay noqoto malinta isniinta ah ee fooda inagu soo haysa ayaa wasaaradaha dalka ka jira waxay shaqaalahooda siiyaan lacag xaqul ciid ah si ay ugu fushadaan hawlahooda gaar ahaaneed iyagoo badi wasaaraduhu ay siiyeen shaqaalahooga. Shabakada Buushaale News ayaa waxa lasoo xidhiidahy qaarka mid ah shaqalaha wasaaraada maaliyada ee Somaliland oo ka cudur daaratay in magacooda la sheego waxaayna noo sheegeen inay wasaaradu ka jartay xaqul ciidkii intii Wasaarada maaliyada uu joogay Cabdi Casiis Maxamed Samaale Samaale, wasiirkii hore ee maaliyad eng Maxamed Xaashi waxa la siin jiray shaqaalaha wasaarada maaliyada gunada yar ee xaqul ciidka ah
marka ay soo dhawaadaan laba ciidood si shaqaalaha loogu dhiiri galiyo iyada oo arinkana uu hir galiyay wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa kale oo ay noo sheegeen in wasaaradihii ka dakhliga yaraa wasaarada maaliyadu ay siiyeen shaqaaleheedii lacagtii xaqul ciidka waana wasaarado miisaaniyadoodu ay aad u hooseeyaan. Warka ayaa intaa ku daraya in wasaarada maaliyadu ay marmarsiyo uga dhigatay shaqaalaheeda mar ay waydiisteen xaqul ciidka ayaa waxay ugu jawaabeen in aanu jirin wax kharash ah oo loogu talo galay xaqul ciid. Wasiirka maaliyada iyo agaasimaha guud ee wasaaradaas ayaa waxaa dul hoganaya musuqmasuq baahsan oo ka jiray wasaarada dhexdeeda, waxaana la shegayaa in xaqul ciidka shaqaluhu uu yahay 500, 000 kun shilling qofkiiba.Wasaaradu waxay ku jirtaa wasaarada ugu miisaaniiyada badan waxaana bajatkeedu yahay 42 bilyan oo shlin somaliland ah Waxaanay intaa ku dareen in ay jirto wasaara gudaheeda maamul xumo baahsan oo aanuu wasiirku waxba ka ogayn wasaarada uu maamulo Si kastaba ha ahaatee wasiirka maaliyada ayaan kaba war hayn sida la sheegay dhaqdhaqaaqa wasaarada xilkeeda loo igmaday waxaana uu wax ka dhagaystaa laba ka mid ah shaqaalihiisa oo kala ah Agaasimaha maamulka ee wasaarada maaliyada oo la yidhaahdo Bahja iyo khadar indhaleeb oo ah Dabagalka wasaarada ayaa sida la noo sheegay ah labada qof ee udub dhexaadka uu ka dhigtay wasiir samaale una socod siiya wixii uu uga baahdo wasaarada dhexdeeda waana labada qof ee wax walba u yeedhi wasiirka. Dhanka kale ceebaha ay wasaaradu leedahay waxaa ka mid ah in sanadkan gudaaheeda ay wasaarada ay ka fadhiisteen dhawr iyo tobon gaadhi oo ciladaha ay u fadhiyaana ay yidhiin wax ka yar in lagu dayac tiro $50.