“Biyahu waa nolol, waxaannu doonaynaa in dadkeennu ay biyaha ka haqab-beelaan, dadka wax inna siinayaana”-AKHRISO: Wasiir Madaxweynaha Somaliland U Xil Saaray Siyaasadda Caalamka Oo Ku Mashquulay Shaqooyin Wasiirro Kale Leeyihiin Oo Caasimadda Hargeysa Ku Socda
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hirgelinta siyaasadda khaarajiga kaga mashquulay sidii biyo ku filan loogu heli lahaa degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba dalka, iyadoo ay joogaan masuuliyiinta dawladda arrimahaas wakiilka uga ahaa.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa lagu daray guddi madaxweyne Siilaanyo u saaray mashruuc dalka Imaaraadka Carabtu bixinayo oo biyo lagaga soo saarayo degaanka Xunbo-weyne ee waqooyiga Hargeysa, kuwaasoo loogu talogalay in lagu waraabiyo degmooyinka Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee caasimadda Somaliland, taasoo sababtay in wasiirka khaarajigu ka mashquulo siyaasadda dibadda ee loo xilsaaray iyo weliba furdaaminta waxyaabaha sababay in dalalka jaarku xadkooda xidhaan.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa hore loogu eeddeeyey maamulka mashruuca buiyaha degaanka Xumbo-weyne oo loogu tallogalay degmooyinka aanay biyuhu gaadhin ee caasimadda, iyadoo la tilmaamay in wasiirku biyahaas u weecinayo degaanno aan ahayn kuwa loogu talogalay.
Hasayeeshee, guddi madaxweyne Siilaanyo arrintaas u xilsaaray iyo xubno metelayey degmooyinka Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xafiiska Wasiirka khaarajiga Somaliland shalay, kuwaasoo fallanqeeyey sidii biyaha degaanka Xumbo-weyne loo gaadhsiin lahaa xaafaddaha loogu tallogalay ee koonfurta caasimadda Hargeysa.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in hawsha guddida madaxweynuhu saaray tahay sidii loo fuddudayn lahaa in degmooyinka Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax loo gaadhsiin lahaa biyaha laga keenayo degaanka Xumbo-weyne ee Waqooyiga Hargeysa.
“Halkan (Xafiiska Wasiirka), waxa ku shiray gudidayadii Madaxweynuhu magacaabay in ay saddexda xaafadood ee Magaaladda Hargeysa ay biyahooda ay wax ka qabato. Guddida wasiirrada ah hore ayey u shirtay, maantana (shalay) waxay la shireen odayaashii xaafadaha, waxaannu doonaynaa in aannu dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba u caddayno in guddidaa xilka ugu wayn ee saaran yahay in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ay biyo cabaan. Biyahu waa nolol, waxaannu doonaynaa in dadkeennu ay biyaha ka haqab-beelaan, dadka wax inna siinayaana (dalalka iyo hay’adaha taageerada biixiya) ay waxa ugu horreeya ee ay ina siinayaan ay biyaha noqdaan. Markaa shirka imminka halkan ka dhacay shir aad iyo aad u wanaagsan ayaa uu ahaa, wuxuunna ku dhamaaday wanaag oo la isku afgartay. Beentii iyo balaayadii (Biyaha laga weecinayo degmooyinka loogu talogalay) suuqa la geliyey meesha ayaannu ka saarnay, runtuna waxay tahay in aannu nahay guddi qaran oo dad ma talaysa oo biyo doonaysa in ay dadka reer Somaliland meel kasta ay ka helaan labada gacmoodna ay ku maydhaan,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Mashruucan biyaha laga soo saarayo degaanka Xumbo-weyne waxa Somaliland ka caawinaya dalka Imaaraadka Carabta, sidaas darteed, qayb ayuu ka noqon karaa wasiirka khaarajigu marka hawlahaas lagala hadlayo dalalka ka baxsan Somaliland, balse, marka hawshu soo gaadho gudaha wadanka iyo caasimadda Hargeysa, waxa haboon inay maamulkeeda yeeshaan hay’adda dawladda ee arrimahaas ku shaqada leh, iyadoo Wasiirka Khaarajigana ay u qurux badan tahay inuu si fiican u guto hawsha baaxada leh ee loo xilsaaray, lana xidhiidha meelmarinta siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Kulanka ka dhacay xafiiska Wasiirka Khaarajiga ee lagaga hadlay arrimaha biyaha, waxa ka qaybgalay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, waxaannu sheegay in aanay waxba ka jirin wararka suuqa la geliyey ee lagu eedaynayo Wasiirka Khaarajiga, kuwaasoo la xidhiidha maamulka biyaha degaanka Xumbo-weyne, waxaannu yidhi;
“Waxa laga hadlayey biyahii baryahaaba caasimadda laga waday ee laga hirgelinyay saddexda xaafadood ee Gacan Libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax oo ah dadka ugu badan ee haraadan ah, iyadoo Hargeysa laga wada haraadan yahay, laakiin arrintan imminka la waday saddexdaa xaafadood ayaa ugu haraad badan ayaa la yidhi. Markaa si wanaagsan oo sharafleh ayaa odayaashii deegaanka ee ummaddu ay soo wakiilatay oo isugu jitay madax-dhaqameed, waxgarad iyo ganacsato iyo raggii aannu xukuumada kala kulanay ee guddida Madaxweynahu u saaray si wanaagsan oo sharaf leh ayaa laysula afgartay. Wax la beddelayo ma jiraan, wax la eryayaana ma jiraan, biyo la joojinayaana ma jiraan, Maxamed Biixi Yoonis-na cid uu biyo ka qaadayaana ma jiraan oo wax allaale iyo waxii suuqa la geliyey ee la lahaa Maxamed Biixi Yoonis iyo gudibaa biyaha meel kale u qaadaysa oo inta ay meel ka rarto meel kale gaynaysa waxba kama jiraan.”