Toronto(Hubaal)-Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa, qoraal yeedhmo ah looga soo direy dalka Canada kadib markii Warbaahinta dalkaasi ay siweyn uga hadashey mudooyinkii u dambeeyay laba wiil oo walaalo ah oo Mudo sanad ah ugu xidhnaa Xabsiyada Hargeysa,been abuur lagaga been abuurey kubsi wadareed ay ku noqdeen sakaaradii budhka la kulantey.
Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Canada iyo Xeer ilaalinta Guud ee dalkaasi, ayaa qoraal ay ku dalbaneyso Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,si uu dalkaasi uga qanciyo xadhiga labadan wiil ee u dhashey dalkaasi Canada,oo magacyadoodu kala yihiin Liibaan Nuur iyo Jamaal Nuur oo dad,doodu tahey 14jir iyo 16jir,iyadoo lala taxaabay 21 wiil,waxaana qiyaastii la taxaabay iyagoo jooga Hargeysa 27 maalmood oo kaliya. Waxaana sida ay waalidkoodu Warbaahinta u warameen xadhigooda adkeeyay in 21 wiil ee lagu haysto kiiska kubsiga ahi loo haysto in ay kubsi u gaysteen Gabadhjoogtey guriga Wasiir kamid ah Golaha xukuumada inkastoo dad badani aaminsan yihiin inaan Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland ka warheyn dhacadadani hadana Waxaanay labadan caruur ahi kula xidhan yihiin dhalinyarada lala taxaabay Jeelka wayn ee Magalada Hrgeysa taasoo midkiiba lagu xukumay 10 sano oo Xarig , waxaa 7 cisho Gudahood lagu xukumay Wiilashan iyadoo aan wax cadeyn ah lagu haynin haba yaraatee, dhinaca kale gabadhii ku eedaysay inay 21kaasi Wiilal ay fara xumeeyeen Ayaa iyadii loo dhoofiyay ama ay joogtaa dalalka Scandinavian-ka mid kamid ah,taas oo iyaduna dhantaashey in ay cadeyn fiican Maxkamadu u cuskato eedan maadaama aanay kala saarin gabadhaasi wajiyadii ay aragtey,iyo kuwa kale ee lasoo dhex raaciyay ama lala soo qabtey cida wax u geysatey sida sifaha sharciga ah ee Kubsigu yahey xeerarkiisa ciqaabta inta aan la gudagalin.
Waxaa dalka Canada Todobaadkii hore ay u dirtay wafti kasocda Dalka Canada gaar ahaan ciidamada sirdoonka Canada CISIS oo Labadan Wiil ku booqday Xabsiga way ee Hargeysa taasoo Sawiro iyo warbixino kaso diyaariyay Waftigii xabsiga booqday ee u tagay Labada wiil ee canadinas-ka ah taasoo ay xaalada ay kujiraan Labadan Wiil aad looga dayriyay kana cadheysiisay Dowlada Canada marka loo eego da,da caruurtan yaryar ee Walaalaha ah, laguna rido xukunka intaa leeg.
Dowlada Canada ayaa u yeedhay Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland si wax looga waydiiyo caruurtan aadka u dada yare ee xitaa af somaligu ku adag yahay, dhinaca kale Dowlada Canada Ayaa joojisay gabi ahaanba mashariic xaga Caafimaadka ah oo ay doonaysay in Somaliland ku caawiso tasoo ay dib uga fiirsanayaan.
Dhinaca kaleWarbxin ay Bishii hore soosaartay Amnesty International ayay ku qeexday in Somaliland xabsiyadeedu ay kujiraan caruur aad u dayar taasoo ay dad waaweyn kula xidhan yihiin qolal isku meel ahislamarkaana,loogu geysto caruurtaasi gudaha Xabsiga jidh dil aad u foolxun,iyadoo arimahani baal marsan yihiin shuruucda iyo qaanuunka Caalamiga ah,iyo xeerka jeelasha ee caruurta yaryar oo aan loo aabo yeelin,Warbixintan ay soo saartey Ha,yada Xuquuqal Insaanka u dooda ee Amnesty International ayaa la sheegay in ay soo dadajisey in Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland looga yeedho Wadanka Canada Sidoo kalena, Warbaahinta Canada Toronto star, Toronto Sun iyo Telefishinka CBC ayaa aad uga faaloonayay Todobaadkan oo dhan Xuquuq kutumashada Muwaadiniinta Canada ee Loogu gaystay Xabsiyada Somaliland waxaa kaloo oo ay baryahan oo dhan shaacinayeen waraysiyo ay ka qaadeen Caruurtii ay isla soo koreen amaba isku schoolka ahaayeen iyo Macalimiintoodii taasoo ay dhamaantood sheegeen amaba ay xaqiijiyeen danbiyadan lagu eedayay Liibaan iyo Jamaal inaysan kasuurtoobin in aydanbigaasi ku lug leeyihiin waxaayna yihiin wilal dhibanayaal ah.
Todobdaaka Soosocda Bishan Sept Horaanteeda Ayaa uu Imanaya Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland waxaana uu lakulmi doonaa saraakiil sare ookatirsan Ciidamada Canada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Human Rightska.
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa, haysta Dhalasho wadanka Canada ah iyadoo,weakhti xaadirkana qoyskiisu degan yihiin Magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada