Wasiir Warrancadde oo ka hadlay sababta markii hore golayaasha deegaanka looga mamnuucay fadhiyada xilalka lagaga qaadayo guddoomiyeyaashooda iyo waxa hadda keenay in xayiraaddaas laga qaado
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in golayaasha degaannada dalku u fasax u yihiin fadhiyo ay xilka kaga qaadi karaan maayarradooda ama guddoomiyeyaasha ay doorteen.
Wasiir Warancadde oo warbaahinta la hadlay kadib markuu dhammaaday kulan uu la yeeshay Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada shalay, waxa uu xusay inay dhammaatay muddo wareegto uu saaray kaga joojiyey golayaasha degaannada inay yeelan karaan fadhiyo ay xilka kaga qaadayaan maayarradooda, balse hadda ay qabsan karaan kulankaas.
“Golayaasha degaanka waxaan ka soo saaray wareegto sannadkii hore oo aan ku amray in aan xilka laga qaadin ama wax dacwad ah lagu soo oogin maayarrada, sababta aan uga jeedayna waxay ahayd had iyo jeer marka golayaasha degaannada la doorto waxa innagu bilaabma is qabqabsi, kadibna niyad-jab ku dhaco dadkii amma degaannadii soo doortay, markaa in la daayo oo waqti la siiyo ayey iga ahayd, muddadaasna lagu ogaado ninka shaqaynaya iyo ka hawshiisa gabay. Markaa waqtigii wuu dhammaaday oo wareegtadu waqtigaasi (muddada sannadka) ayey ku koobnayd,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey in golayaasha degaannadu qabsan karaan shirar ay xilalka kaga qaadayaan guddoomiyayaashooda.
Ma cadda sababta xilligan keentay in golayaasha degaanka loo fasaxo shirar xilka lagaga qaadayo guddoomiyeyaasha, balse, waxa wasiirku arrintaas ku sababeeyey inay dhammaatay muddo sannad ah oo hore looga mamnuucay inay qabsadaan fadhiyo noocan, iyadoo laga cabsi qabo in go’aankani keeno in qaar ka mid ah golayaasha degaanku ku loollamaan xilalka maayirrada iyo ku-xigeennadooda.