AKHRISO: “Waxay Xukuumadani U Muuqataa Mid Aanay Wada Shaqeyni Ka Dhexeen Mar Haddii Uu Madaxweynahu Cafis U Fidiyey Cidii Wax Ka Qortay In Hadana La Soo Xidh Xidho May Ahayn”

0
21

Hargeysa (Hubaal) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI axmed muumin seed oo maanta waraysi gaar ah siiyey shabakada wararka ee hadhwanaagnews ayaa waxaa uu ka hadlay tacadiyada ay xukuumada somaliland ku hayso suxufiyiinta madax banan.

axmed muumin seed.jpg

Waxana uu si gaar ah uga hadlay suxufiin malinkii afraad Ku xidhan kuwaas oo kala ah tifatirihii shabakada wararka ee baligubadle media Axmed Aadan Rooble iyo agaasimahii telifishinka universal  tv Maxamed Caabi Digaale waxana uu xukuumada uu u soo jeediyey in labaadaas wariye ay xukuumadu sida uga dhakhsa badan ay xoriyadoodii  ugu soo celiso isla markaana ay saxafada ka dayso cabudhinta iyo xidhitaanka joogtada ah ee ay ku hayso saxafada madax banaana waxna uu yidhi  ” madaxweyne

siilanyo oo ah maanta madaxweynaha dalka markii uu mucaaridka ahaa waxaa uu ku cel celin jiray in la cabudhiyo  saxaafada madax banana xukuumadihii  ka horayey way  jirtay in ay xidh xidhii jireen qaar saxafada ka mud ah lakiin maanta halka ay gadheen Xukuumadani yadoo talada dalka haysay afar sano ayaa waxaa ay xidh xidheena ku dhawaad  dhawr iyo lixidan suxufi yadoo sidoo kale ay u dheertay jidh dil lagu sameeyo yadoo ay  wacan tahay  in saxafadu sidoo kale ay yaduna ilaaliso anashaxa  iyo waxii wax u dhimaya qaran nimada“

Isagoo hadalkiisii si wata ayuu waxaa uu yidhi”runtii madaxweynuhu  hadii uu cafis uu u fadiyey  saxaafada  cidii wax ka sheegatay  dee amarka madaxweynuhu waa in uu  shaqeeyo ayey aheyd qofkii madaxweynaha wax ka sheega in la yidhado madaxweynaha ayuu  wax ka sheegee  soo xidha xidha may aheen waa in uu dulqaadkii saxaafada la yeesho  oo madaxweyanahu dul qaad kaas yeeshaa  cidii wax soo xidhaysaana waa in ay xukuumadu wada shaqeen yeelataa inta badan xukumadan waxaa lagu eedenaya in ayana wada socon  mar hadii uu madaxweynahu uu cafis fidiyeyna in la soo xidho  may aheen “

Sidoo kale waxaa uu gudoomiye ku xigeenku uu ka jawaabay hadlo maalintii shalay  aheyd ka soo yeedhay wasiirka wasarada war faafinta waxana uu sheegay in uu wasiir cukuse uu yahay wasiir ka tirsan wasariida madaxweyne axmed siilanyo hadlakii shalay uu ku hadlaayeyna uu ahaa hadal u eekaa qof dabada laga riixayo waxana uu yidhi  “ horta cukuse waa nin wasiir ah wana wasiirka war faafinta hadaladiisii  uu xalay  ku hadlaayeyna si wacan baan xalay  u dhegaysanaayey waxana uu u eekaa qof dabada laga riixayey mar kasta waxaa uu ku hadlayey in uu ixtiraamaayo  gudoomiyaha golaha wakiilada hadana waa uu iska hadlayey waxana uu marag furayey in uu yahay qofka afraad ee dalka hadana isga oo wasiir ah ayaa waxaa u wax ka sheegey gudoomiyaha golaha wakiilada taasi waxan ku tilmaami karaa nasiib daro waxana aanu waxba ka garanen haykalkii dawladnimada “ ayuu ku soo gabo gabeeyey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here