Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in Jamaal Cali Xuseen yahay murrashaxooda jagada madaxweynaha uga qaybgali doona doorashada madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoonto sannadka 2015.
Wargeyska Somaliland Today, ayaa cadadkiisii soo baxay shalay ku sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biiixi Yoonis laga dhigayo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID, laguna beddelayo Jamaal Cali Xuseen.
Haseyeeshee, Warsaxafadeed xisbiga UCID ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta ee xisbigaas Mr. Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa lagu sheegay in warkaas yahay been-abuur aanay waxba ka jirin, murrashaxa dhabta ah ee xisbigooduna yahay Jamaal Cali Xuseen.
“Wargeysku waxa uu si qaawan oo runta ka fog ku sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Maxamed Biixi Yoonis noqon doono murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID ee doorashada soo socota iyagoon wax daliil ah u ahayn, sheeginna xogta intaa le’eg cidda ay ka heleen.
Tan kale, murrashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen oo aannu hubno inuu soo celin doono rajadii shacbiga Somaliland ka qabeen in mar uun ummadda Somaliland ka mid noqoto dawladaha caalamka, isla markaana kor u soo qaaddo quusta la geliyey, iyadoon weli ictiraaf caalami ah loo helin, hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay nidaamka dowladda KULMIYE ee qabyaaladda, eexda iyo hanta-urursigu madax-maray.
Xisbiga UCID waxa kaloo uu u arkaa in kooxaha u adeega nidaamka Silaanyo ay degayaan tabo iyo xeelado siyaasadeed oo madhalays ah oo loola jeedo in lagu wiiqo wadajirka iyo kacdoonka isa soo taraya ee loogu diyaar-garoobaayo doorashada soo socota iyo taageerada xad-dhaafka ee Xisbiga UCID kasbaday wakhtiyadii u dambeeyey,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xisbiga UCID.
Xoghayaha Warfaafinta UCID, ayaa sidoo kale wargeyska Somaliland Today ku eedeeyey inuu yahay mid loo adeegsado in lagu weeraro wasiirro xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha Dibadda, Duulista Hawada, Xannaannada Xoolaha, Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha KULMIYE, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.